Wasiirka Imaan Cige oo khudbad ka jeediyay Shirka Bangiga Adduunka ee horumarka Dhaqaalaha

Date:

Wasiirka MaMaaliyadda Federaalka Soomaaliya  Mudnae Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan Washington DC ayaa ka qeyb galay shirka Hormarinta dhaqaalaha ee Bangiga Adduunka.

Shirka oo ay ka soo qeyb galeen qaar ka mid ah Wasiirada Maaliyadda Dalalka Afrika ayaa Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige waxa uu ka jeediyay  khudbad uu nuxurkeeda uga hadlay horumarka dhaqaalaha Soomaaliya iyo dadaalada Xukuumadda ee ah kobcinta dhaqaalaha iyo maalgalinta fursadaha muhiim ah oo ay shaqo abuur u noqon kara bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa sidoo kale hadal-jeedintiisii waxa uu diiradda ku saarey sidii looga gudbilahaa xaaladda u jilicsanaanta xiliyada adag, isagoo tilmaamay in Dowladdu dajisay qorsheyaal muhiim u ah u adkeysiga aafooyinka dhaca xiliyada qaar.

Marka loo eego xaaladda dalalka soo koraya, colaadaha iyo masiinooyinka dabiiciga ahna ay ku dheceen, Soomaaliya waxa ay hoggaaminayaa sida loo maro dhabbaha soo kabashada iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...