Home Blog Page 179

Madaxa Xafiiska Adeegga Xajka oo ka warbixiyey adeegyada sanadkaan ee Xujeyda loo qabtay

Madaxa Xafiiska Adeegga Xajka ee Soomaaliya, Dr. Khadar Xaaji Daahir, ayaa faahfaahin ka bixiyay xaaladda Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan. Waxaa la sheegay in lix Xaaji oo Soomaali ah saddex rag ah iyo saddex dumar ah ay ku geeriyoodeen gudashada waajibaadka Xajka, iyadoo sababaha ugu waaweyn ay yihiin kuleylka daran ee ka jiray Makka iyo Madiina, halkaas oo heerkulku gaaray 51.8°C.

Si loo horumariyo adeegyada Xujeyda, dowladda Soomaaliya ayaa sanadkan hirgelisay qorsheyaal cusub, oo ay ka mid yihiin:

Gaadiid isku xiran (Rad Waaxid): Xujeyda waxaa hal mar laga qaadaa Maka, loona gudbiyaa Mina, kadibna Carafo, iyadoo la adeegsanayo in ka badan 230 bas.

Hoy u dhow Xaramka: Xujeyda ayaa la dejiyay meel u jirta 1.5 ilaa 3 km Xaramka, si ay si fudud ugu gudan karaan acmaashooda.

Diyaarinta adeegyada hore: Shaqada Xajka ayaa la bilaabay bishii Oktoobar ee sanadkii hore, si looga fogaado dhibaatooyinkii hore.

Dowladda ayaa sidoo kale ku boorrisay shirkadaha diyaaradaha in ay si degdeg ah oo nidaamsan u daabulaan Xujeyda, iyadoo laga digay in boosaska Xujeyda la beddelo, taas oo keeni karta caqabado iyo cabashooyin.

Wafdi ka socda Soomaaliya oo Faransiiska uga qaybgalaya shirka 3-aad ee Qaramada Midoobay ee Badaha

0

Wafdi ka socda Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Waaxda Deegaanka Badd iyo Ilaalinta, Mudane Keenadid Mumin Ali, iyo Xirriiriyaha Mashruuca Badmaal, Abdullahi Addow, ayaa ka qeybgalaya Shirweynaha Saddexaad ee Qaramada Midoobay ee Badaha (UNOC 3), kaas oo si habsami leh uga socda magaalada Nice, ee dalka Faransiiska. Shirkaan waxaa si wadajir ah u qabanaya dowladaha Faransiiska iyo Costa Rica, wuxuuna soconayaa inta u dhaxaysa Juun 9–13, 2025.

Mawduuca shirka sanadkan ayaa ah dardar gelinta tallaabooyinka lagu horumarinayo badaha iyo sidii xal waxtar leh looga heli lahaa arrimaha la xiriira badaha adduunka, taas oo qayb ka ah yoolka Horumarka Waara ee 14aad (SDG 14), oo loogu talagalay “Nolosha Badda Hoosteeda.”

Soomaaliya ayaa sanadkan xoogga saareysa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga caalamiga ah ee ilaalinta badda iyo soo bandhigista xalal waxtar leh ee ka faa’iideysiga kheyraadka badda. Wafdigu sidoo kale waxa ay u ololeynayaan ilaalinta deegaanka badeed iyo noolaha ku nool badaha, si looga hortago mushkiladaha la xiriira isbeddelka cimilada iyo saamaynta uu yeelan karo.

Shirkan UNOC 3 wuxuu yahay fursad muhiim ah oo lagu mideynayo dadaallada caalamiga ah ee badbaadinta badda iyo kheyraadkeeda. Ka qaybgalka Soomaaliya wuxuu muujinayaa sida ay uga go’an tahay ilaalinta deegaanka badeed iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka badda si waafaqsan himilooyinka caalamiga ah ee ku aaddan badbaadinta iyo hormarinta badda.

Wasiirka arrimaha dibadda oo kulmay arayda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Changsha ee Shiinaha

0

Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Abdisalam Abdi Ali (Dhaay), ayaa kulan dhiirrigelin ah la yeeshay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata magaalada Changsha ee gobolka Hunan.

Kulankan ayaa ahaa mid diirran oo ardaydu fursad u heleen inay Wasiirka la wadaagaan waayo-aragnimadooda, caqabadaha ay la kulmaan, iyo rajadooda mustaqbalka. Wasiirka ayaa uga mahadceliyey dadaalkooda, isagoo xusay in ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dibadda ay yihiin safiiro matala mustaqbalka dalka, isla markaana ay door muhiim ah ka ciyaari doonaan horumarka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale booqday Akadeemiyadda Yuelu oo ah goob taariikhi ah oo in ka badan kun sano wax laga baranyey. Intii uu ku sugnaa Jaamacadda Hunan, Wasiirku wuxuu booqday Machadka Daraasaadka Afrika (Institute of African Studies), halkaas oo uu ku ammaanay dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga cilmiyeed iyo dhaqameed ee u dhexeeya Afrika iyo Shiinaha.

Booqashadan ayaa ah mid muujinaysa muhiimadda ay Dowladda Federaalka Soomaaliya siineyso taageeridda ardayda Soomaaliyeed ee qurbaha iyo xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Wasiirka arrimaha dibadda oo Shiinaha kula kulmay dhigiisa Kenya

0

Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya mudane Cabdisalam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay dhiggiisa Kenya mudane Musalia Mudavadi, intii uu socday Shirka FOCAC ee lagu qabtay Shiinaha.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, iyadoo Wasiir Dhaay uu adkeeyay muhiimadda hay’adaha dastuuriga ah iyo ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Kenya waxay mar kale caddeysay taageerada ay u hayso midnimada Soomaaliya, iyadoo labada dhinac ay isku raaceen in la dedejiyo shirarka Guddiga Iskaashiga Wadajirka ah (JCC) si loo horumariyo iskaashiga dhinacyada ganacsiga, waxbarashada, amniga iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Wasiir Dhaay ayaa uga mahadceliyay Kenya kaalinta ay ku leedahay nabad ilaalinta Soomaaliya, gaar ahaan doorka ay ku leedahay howlgalka ATMIS.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo beenisay warar been abuur ah oo lagu faafiyay baraha bulshada

0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si cad u beeninaysaa wararka been abuurka ah ee maalmihii u dambeeyay lagu faafinayay baraha bulshada, kuwaas oo la xiriira safarka wafdiga rasmiga ah ee ka qeybgalay Shirweynaha Shaqaalaha Caalamiga ah (ILO) ee ka dhacay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Guddoomiyaha G/Banaadir oo deeq daawooyin ah ku wareejiyay Ciidamada Difaaca Deegaanka

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa deeq daawooyin ah ku wareejiyay Ciidamada Difaaca Deegaanka ee ka bar-bar dagaalama Ciidamada Xooga dalka kuwooda ku sugan Gobolka Hiiraan.

Duqa Muqdisho ayaa, sheegay in ay ka go’an tahay taageerida iyo garab istaaga Ciidamada Qaranka iyo kuwa difaaca Deegaanada ee dagaalka kula jira kooxaha khawaarijta, waxa uuna xusay in uu gacan ka geysan doonno taageeri weliba oo ay u baahan yihiin.

Munaasabadda uu Duqa Muqdisho ku wareejinaayay Deeqdaan waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Ururka Haweenka Gobolka Banaadir.

Taliyaha Guutada 10-aad oo Dhiirrigelin u Sameeyay Ciidamada Baladxaawo

0

Taliyaha Guutada 10-aad ee Qaybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Col. Cismaan Sheikh Cabdi Qorax, ayaa booqday Taliska Ururka 27-aad ee ku sugan degmada Baladxaawo, halkaas oo uu uga jeediyay khudbad dhiirrigelin iyo amaro ku saabsan ilaalinta shacabka iyo la dagaalanka argagixisada.

Taliyaha ayaa ciidamada ku bogaadiyay heeganka iyo geesinimada ay muujiyeen, isagoo xusay in waajib qaran uu ka saaran yahay difaaca shacabka Baladxaawo. Wuxuu sheegay in laga doonayo in ay u diyaar garoobaan howlgallo qorsheysan oo lagu ciribtirayo haraadiga argagixisada.

Col. Qorax wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in amniga deegaanka si buuxda loo sugo, isagoo ballan qaaday in hoggaanku garab taagan yahay ciidamada, kana shaqeyn doonaan dhanka hormarinta si howlgalladu u guuleystaan.

SoDMA oo ka qeyb-gashay shirweynaha arrimaha yareynta khataraha musiibooyinka

0

Kalfadhigii 8-aad ee shirweynaha afartii sanaba mar la qabto ee looga arrinsado arrimaha yareynta khataraha musiibooyinka, ee maalmahan ka socday magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Ajandayaasha madasha waxaa qayb muhiim ah ka ahaa dood-cilmiyeedyo ay si firfircoon uga qayb galeen Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayey.

Doodahaasi waxay isugu jireen mowduucyo muhiim ah oo hoosta ka xariiqaya muhiimadda adkaynta awoodda bulshada ee ka hortagga iyo ka soo kabashada musiibooyinka.

1. Dood Cilmiyeedka Koowaad waxuu ku saabsanaa, Sida ugu fudud ee dowladuhu u dhisi karaan nidaam dhaxal-gal ah oo bulshada ka dhigi kara mid u adkaysan kara aafooyinka, isla markaana si degdeg ah uga soo kaban kara waxyeellada ay keento musiibadu, waxaana Madasha kasoo jeediyay, Agaasiimaha waaxda Maareeynta Khataraha Musiibooyinka ee hay’adda SoDMA Khadar Sheikh Maxamed Nur.

Waxaa sidoo kale madasha laga jeediyey doodo kale oo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen:

Sida ugu habboon ee digniinaha halista ah loo gaarsiin karo bulshada, waxaana soo jeedinteeda kaqeyb qaadatay Marwo Faadumo Cabdi Cali oo ah lataliye sare oo hay’adda SoDMA kala Talisa dhinacyada maareeynta musiibooyinka.

Kaalinta haweenka ee la xiriirta ka-qaybgalka dadaallada lagu yareynayo khataraha musiibooyinka, si loo xaqiijiyo in cid walba ka qayb qaadato wax ka qabashada khatartaasi, intii ay dooddaani socotay waxaa kaqeyb Gashay madaxa qeybta Genderka Xaliimo Yuusuf Xassan.

Dooddii ugu kululayd ee madasha intii ay socotay waxa ka wada qayb galay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Cabdixakiin Yuusuf Ceynte, oo ah Lataliyaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee arrimaha sugnaanta cuntada iyo isbeddelka cimilada, isla markaana ah lataliyaha Guddoomiyaha SoDMA ee nidaamka digniinaha musiibooyinka.

Dooddaani waxay ku saabsaneed : Sida istiraatiijiyadda caalamiga ah ee Sendai looga hirgelin karo waddamada soo koraya ee ay ka jiraan xasarado dagaal iyo isku dhacyo sababa amni-darro iyo nuglaansho bulsho.

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo Geneva kula kulmay madaxda hay’ado caalami ah

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle oo ay qeyb ka ahaayeen madaxda Soomaaliya ku matalaysay shirweynaha heerka caalami ah ee yareynta khataraha musiibooyinka, kal-fadhigiisii siddeedaad ee waddamada Carabta ayaa ka qeybgalay falanqeyn lagu lafa-gurayay arrimaha yareynta khataraha musiibooyinka, shirkan oo maalmahan ka socday magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Guddoomiyuhu waxa uu halkaas kulan doceedyo la qaatay wufuud kala duwan oo ka socday hay’adaha hoos ku xusan:

1. Ku xigeenka madaxa Bangiga Adduunka, ahna madaxa xafiiska bangiga u qaabilsan dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha

2. Madaxa Sanduuqa Magdhawga Khasaaraha ay Musiibooyinku Geystaan (FRLD).

3. Madaxa Xarunta Caalamiga ah ee Ka Hortagga Musiibooyinka (Anticipation Hub).

4. Madaxa CADRI, iyo sidoo kale madax ka tirsan UNDP, IOM, FAO, iyo mas’uuliyiin kale oo heer caalami ah.

Masuuliyiinta hay’adahaas iyo wafdiga Soomaaliya waxay kulamadooda gaar-gaar ah diiradda ku saareen sidii loo horumarin lahaa xiriirkooda iskaashi iyo wax wada qabsi, iyo sidoo kale sidii Soomaaliya gacan uga geysan lahayd dadaallada heer caalami ee lagu yareynayo khataraha musiibooyinka.

Mas’uuliyiintaasi waxay si weyn u amaaneen doorka firfircoon ee ay Xukuumadda Soomaaliya – gaar ahaan hay’adda SoDMA – ka qaadatay dadaallada caalamiga ah ee lagu horumarinayo awoodaha dowliga ah ee lagula tacaalayo khataraha musiibooyinka soo noqnoqda.

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay lagama-maarmaan u tahay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya dardar-geliso fulinta Istraatiijiyaddeeda Qaran ee Yareynta Khataraha Musiibooyinka. Mas’uuliyiinta caalamiga ah ayaa dhankooda ballanqaaday inay SoDMA ka gacan siin doonaan hirgelinta qorshahaas.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe, kaas oo ay sanadkan u fadhiisteen 41,639 arday. Tani waxay tahay sanadkii 6-aad oo uu Maamulka Gobolka Banaadir si madaxbannaan u qaadayo imtixaanka.

Mudane Muungaab ayaa sheegay in Maamulka Gobolka uu ka go’an yahay kor u qaadista tayada iyo tirada waxbarashada si ardayda Gobolka Banaadir ay u helaan waxbarasho tayo leh. Waxa uu sidoo kale ballan qaaday in la kordhin doono helitaanka waxbarasho lacag la’aan ah, isaga oo guul iyo rajo wanaagsan u rajeeyay ardayda maanta u fadhiisatay imtixaanka.

Guddoomiyaha ayaa hambalyo u diray waalidiinta soo dadaalay si caruurtoodu ay heerkaan u gaaraan, wuxuuna ammaan u jeediyay hay’adaha amniga ee sugaya amniga goobaha imtixaanaadka.

Munaasabadda furitaanka imtixaanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska G/Banaadir, saraakiil ka tirsan qeybaha imtixaanaadka, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir.