Home Blog Page 178

Soomaaliya iyo Turkiga oo yeeshay kulan Iskaashiga Amniga ah

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Mudane Xuseen Macalin, ayaa kulan dooceed la yeeshay Wasiir Ku xigeenka Arrimaha Dibadda Dowladda Turkiga, Dr. Burhanettin Duran, intii lagu guda jiray shirka Oslo Forum.

Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga istiraatiijiyadeed ee labada dal, gaar ahaan dhanka amniga iyo ganacsiga.

Labada mas’uul ayaa markale xaqiijiyey muhiimadda ay leedahay doorka Turkiga ee dadaallada Soomaaliya ee dhanka nabadda, xasilloonida iyo horumarka.

Faah faahi oo ciwaan u sameey

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay Markabka Shidaalka ee “Oruc Reis”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay Markabka “Oruc Reis” oo ku howlanaa baarista Shidaalka dalkeenna, kadib markii si rasmi ah loo soo gabagabeeyay sahanka Shidaalkaa Xeebaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay howl-wadeenada iyo bahda iskaashiga Turkiga dadaalladooda ku aaddan sahankan istiraatiijiga ah, isagoo muujiyey in natiijada baaristan ay wax weyn ka beddelayso xaaladda Soomaaliya iyo xiriirka iskaashi ee Labada dal.

“Tani waa guul muhiim ah oo xoojinaysa yoolkeenna ah in Soomaaliya ay si buuxda uga faa’iideysato kheyraadkeeda, una beddesho fursado dhaqaale iyo horumar bulsho. Dowladda iyo Shacabka Turkiga mar walba waxa ay hormuud u yihiin tallaabooyinka muujinaya in Soomaaliya la maalgashan karo”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay dadaalka dowladda ee kobcinta dhaqaalaha dalka, iyada oo loo marayo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee hodonka ay ku tahay Soomaaliya, kuwaas oo dabooli kara duruufaha ka jira dalkeenna.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara, si loo illaaliyo badqabka Isgaarsiinta dalka.

Kulanka golaha oo uu guddoominayey ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan diyaar garowga toddoobaadka xorriyadda iyo Imtixaanka Qaranka ee sanad dugsiyeedka 2025, kaas oo si rasmi ah maalinta Sabtida ah uga bilaabmi doona gobollada dalka.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa lagu dhageeystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga warbixinno la xiriira amniga, xasillinta iyo dardargelinta howlgallada dalka looga ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, iyada oo golaha ay bogaadiyeen geesiyaasha Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee naftooda u huraya difaaca dalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalam Cabdi Cali ayaa kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda, Wasiir Olivier Nduhungirehe, intii lagu guda jiray Kulanka Wasiirada ee FOCAC oo ka dhacay Dalka Shiinaha,gaar ahaan Magaalada Changsha ee gobolka Hunan.

Labada wasiir ayaa si qoto dheer uga wada hadlay arrimo muhiim ah ee la xiriira xoojinta xiriirka labada dal, kor u qaadista iskaashiga dhaqaale, horumarinta ganacsiga, iyo adkeynta wada-shaqeynta gobolka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa mashaariicda horumarineed iyo dardargelinta iskaashiga dhinacyada amniga, waxbarashada, iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Wasiirradu waxay qireen in xiriirka Soomaaliya iyo Rwanda uu yahay mid istiraatiiji ah, muhiimna u ah horumarka iyo barwaaqada labada dal,iyagoo isla qaatay in la sii wado wada-shaqeynta mustaqbalka dhow iyo kan fog, si loo gaaro himilooyinka wadajirka ah.

Sidoo kale, waxaa lagu falanqeeyey doorka ay labada dal ka ciyaari karaan arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, iyada oo la tixgelinayo horumarka iyo fursadaha cusub ee ka jira guud ahaan qaaradda Afrika.

Dhinaca kale,Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya H.E. Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa, kulan wax ku ool ah la qaatay Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Suudaan, H.E. Xuseen Al-Xaj.

Kulanka dhinacyadaasi ayaa looga hadlay xasiloonida gobolka, waxaana si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladihii ugu dambeeyay ee dhanka siyaasadda iyo amniga ee Suudaan.

Wasiir Cabdisalaan ayaa xaqiijiyay in Soomaaliya ay garab taagan tahay shacabka Suudaan, waxa uuna taageero u muujiyay dadaallada caalamiga ah ee socda ee lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda iyo soo celinta nabadda iyo xasilloonida dalka aan walaalaha nahay.

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo tababar u furtay suxufiyiinta ka howlgala Warbaahinta

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaaka Soomaaliya oo magaalada Muqdisho ka furtay aqoon isweydaarsi ku saabsan la qabsiga isbeddelka iyo casriyaynta warbaahinta. Tababarka waxaa ka qeyb galaya ku dhowaad 30 suxufi oo ka kala socda warbaahinta dowladda iyo tan gaarka loo leeyahay.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Cabdullaahi Xayir Ducaalle, ayaa sheegay in tababarkani uu qeyb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo xirfadda suxufiyiinta si ay ula jaanqaadaan horumarka warbaahinta caalamka. Wuxuu ku dhiirrigeliyay wariyeyaasha in ay door muuqda ka qaataan isbeddelka warbaahinta gudaha.

Agaasime ku xigeenka istiraatiijiyadda warbaahinta, Cabdishakuur Cali Axmed, ayaa faahfaahin ka bixiyay muhiimadda casriyeynta warbaahinta iyo doorka ay ku leedahay bulshada dhexdeeda, isagoo xusay in la ilaaliyo masuuliyadda saaran saxaafadda.

Soomaaliya oo marti galinaysa Shirka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo ah guddoomiyaha Madasha Iskaashida Dalalka Geeska Afrika ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku daah-furay kulan laba Cisho ah oo diiradda lagu saarayo horumarinta Dhaqaalaha iyo is dhexgalka ganacsiga dalalka geeska, kulankaas oo ay ka soo qeyb galeen xubnaha madasha, sida Djibouti, Kenya, S. Sudan oo Muqdisho ay soo gaareen Agaasime yaashooda Wasaaradaha Gacansiga halka Dowladaha Ethiopia, Eritrea iyo Sudaan ay aaladda fogaan aragga uga soo qeyb galeen shirka.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS oo uu wehlinayo Wasiirka Ganacsiga XFS Mudane Maxamuud Adan Geesood iyo labada Agaasime guud ee labada Wasaaradood ayaa furitaankii kulanka waxa ay hadalo guubaabo iyo mahadcelin ah u jeediyeen xubnaha matalayay dalalka geeska Afrika ee Muqdisho soo gaaray iyo kuwa habka fogaan aragga ah uga soo qeyb galay shirka.

Mudane Biixi Imaan Cige Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa xusay kulankaan oo ah mid farsamo in uu laf-dhabar u yahay sare uqaadidda is dhexgalka dhaqaalaha wadamada geeska Afrika sidoo kale Wasiirku waxa uu carabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee Hindisaha Geeska Afrika uu ku leeyahay kor u qaadidda ganacsiga iyo isku-xirka dhaqaale ee gobolka, isagoo xusay in Geeska Afrika uu weli yahay mid ka mid ah gobollada ugu hooseeya ee isku-xirka ganacsi, oo qiyaastii 6% keliya uu yahay ganacsiga dhex mara dalalka xubnaha ah Barnaamijka Geeska Afrika ( Horn of Africa Initiative).

“Xilligan ay jiraan caqabado dhaqaale oo baahsan oo caalami ah, ganacsiga iyo maalgelintu waa tiirarka ay ku tiirsan tahay kororka dhaqaalaha qaran iyo midka goboleed, iyadoo sidoo kale la abuuri karo fursado shaqo iyo horumarineed oo dhab ah oo shacabka anfaca,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige oo hadal ka jeediyay furitaanka Madashaan.

Kulankani oo noqonaya kii 1-aad ee ay yeeshaan madasha Geeska tan iyo markii Dowladda Soomaaliya ay guddoonka noqotay ayaa waxa uu muujinayaa sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay la falgalka hey’adaha caalamiga ah iyada oo la doonayo in la horumariyo dhaqaalaha Soomaaliya si looga maarmo ku tiirsanaanta taageerada caalamiga ah.

Wasiir Xoosh oo kulan la yeeshay Ergayga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Danjire James Swan. Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Caydaruus Xasan.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo ka wada shaqeynta howlaha hortabinta u leh dowlad-dhiska Soomaaliya. Arrimaha laga hadlay waxaa ka mid ahaa dardargelinta dadaallada wadajirka ah ee xasilinta, dib-u-heshiisiinta, doorashooyinka, iyo baahinta adeegyada dowliga ah.

Wasiir Xoosh ayaa muujiyay sida ay muhiim u tahay in la xoojiyo wadashaqeynta dhexmarta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, si loo gaaro horumar waara oo ku saleysan nabad, xasillooni, iyo dowladnimo. Danjire James Swan ayaa dhankiisa ballanqaaday in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta, iyo dib-u-heshiisiinta.

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirka FOCAC oo lagu qabtay Magaalada Changsha

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa hoggaaminayey wafdi heer sare ah oo ka qaybgalay Shirka heer Wasiir ee Isku-duwayaasha Hirgelinta Go’aannada FOCAC, oo lagu qabtay magaalada Changsha, gobolka Hunan ee Shiinaha.

Wasiir Cabdisalaam ayaa si diirran u soo dhoweeyey ballanqaadyada cusub ee Madaxweynaha Shiinaha, Mudane Xi Jinping, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Wang Yi, kuwaas oo xoojinaya iskaashiga Afrika iyo Shiinaha ee dhinacyada horumarka, ganacsiga, tiknoolajiyadda, iyo sugnaanta cuntada. Wuxuu si gaar ah u bogaadiyay doorka hoggaamineed ee Shiinaha ka qaadanayo horumarinta Qaaradda Afrika, isagoo sheegay in ballanqaadyadaasi ay waafaqsanyihiin himillooyinka qaranka Soomaaliyeed ee ku saleysan xasillooni, koboc, iyo dib-u-dhis.

Wasiirku wuxuu xusay in 25-kii sano ee la soo dhaafay tan iyo markii la aas’aasay Madasha FOCAC, ay Afrika ku tallaabsatay horumar la taaban karo, laga bilaabo kaabeyaasha dhaqaalaha ilaa fursadaha ganacsi iyo maalgashi oo sii ballaaranaya. Wuxuu ku tilmaamay FOCAC inuu yahay tusaale guuleystay oo ka tarjumaya saaxiibtinimo dhab ah oo horseeday natiijooyin muuqda.

Soomaaliya, ayuu sheegay Wasiirku, waxay si buuxda u garab-taagantahay dhismaha bulsho leh mustaqbal wadaag ah oo ay hoggaan u tahay wada-shaqeyn ku saleysan ixtiraam iyo daahfurnaan. Wuxuu si cad u muujiyay mudnaanta ay Soomaaliya siineyso horumarinta awoodda aadanaha, dhismaha dowladnimada dhijitaalka ah (e-governance), horumarinta wax-soo-saarka gudaha, iyo sare u qaadista ganacsiga la dhoofiyo, iyadoo fursad u aragta iskaashiga Shiinaha mid wax ka tari kara yoolalkaas.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda oo dardaaran u dirtay kormeerayaasha Imtixaanka Qaranka

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Nuura Mustaf Mukhtaar,ayaa si gaar ah ugu boorrisay Saraakiisha iyo Kormeerayaasha Imtixaanka Qaranka inay qaataan masuuliyad buuxda oo daacadnimo iyo hufnaan ku dhisan marka ay fuliyaan shaqadooda. Waxay tilmaantay in imtixaanku yahay tallaabo muhiim ah oo lagu cabbiro heerka aqoonta ardayda iyo tayada waxbarashada guud ahaan dalka, sidaas darteedna aysan jirin meel loo oggol yahay musuqmaasuq, eex, ama wax isdabamarin ah oo ka dhex dhaca nidaamka imtixaanka.

Marwo Nuura ayaa ku adkaysay in la ilaaliyo shuruucda iyo xeerarka imtixaanka, iyadoo ku boorrisay in kormeerayaasha ay si dhow uga shaqeeyaan sidii loo xaqiijin lahaa cadaalad iyo sinaan dhammaan ardayda imtixaanka galaysa. Waxay sidoo kale xustay muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado hay’adaha dowladda, waalidiinta, macallimiinta iyo bulshada guud ahaan si loo helo jawi wanaagsan oo waxbarasho.

Intaa waxaa dheer, Wasiiru dowlaha ayaa ku baaqday in la kordhiyo wacyigelinta ku saabsan muhiimadda imtixaanka, laguna dhiirrigeliyo ardayda inay dadaal dheeraad ah muujiyaan, isla markaana la xoojiyo hababka la dagaalanka khiyaanada iyo wax isdaba marinada imtixaanka. Ugu dambeyn, waxay ku boorrisay saraakiisha inay noqdaan tusaale wanaagsan oo muujinaya xilkasnimo iyo hufnaan, si loo dhiso kalsoonida shacabka ee nidaamka waxbarashada iyo imtixaanka qaranka.

Ciidanka Xaq-u-dirirka Hiiraan oo Wacad ku maray Ciribtirka Khawaarijta

Ciidamada deegaanka ee gobolka Hiiraan, oo garab ka helaya kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa wacad ku maray inay si buuxda uga xoreyn doonaan Khawaarijta deegaannada gobolka. Howlgallo ballaaran ayaa ka socda koonfurta gobolka, gaar ahaan agagaarka deegaanka Booco, oo qiyaastii 50km u jira magaalada Beledweyne.

Ciidamada ayaa horey ugu guuleystay howlgallo ay ku dileen tiro badan oo ka tirsan Khawaarijta, waxaana sidoo kale la burburiyay xarumo ay kooxdaasi ku lahaayeen gobolka. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Khawaarijta, iyadoo ciidamada dowladda, kuwa deegaanka, iyo saaxiibada caalamiga ah ay si wadajir ah uga shaqeynayaan ciribtirka kooxdaasi.