Madaxa Xafiiska Adeegga Xajka oo ka warbixiyey adeegyada sanadkaan ee Xujeyda loo qabtay

Date:

Madaxa Xafiiska Adeegga Xajka ee Soomaaliya, Dr. Khadar Xaaji Daahir, ayaa faahfaahin ka bixiyay xaaladda Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan. Waxaa la sheegay in lix Xaaji oo Soomaali ah saddex rag ah iyo saddex dumar ah ay ku geeriyoodeen gudashada waajibaadka Xajka, iyadoo sababaha ugu waaweyn ay yihiin kuleylka daran ee ka jiray Makka iyo Madiina, halkaas oo heerkulku gaaray 51.8ยฐC.

Si loo horumariyo adeegyada Xujeyda, dowladda Soomaaliya ayaa sanadkan hirgelisay qorsheyaal cusub, oo ay ka mid yihiin:

Gaadiid isku xiran (Rad Waaxid): Xujeyda waxaa hal mar laga qaadaa Maka, loona gudbiyaa Mina, kadibna Carafo, iyadoo la adeegsanayo in ka badan 230 bas.

Hoy u dhow Xaramka: Xujeyda ayaa la dejiyay meel u jirta 1.5 ilaa 3 km Xaramka, si ay si fudud ugu gudan karaan acmaashooda.

Diyaarinta adeegyada hore: Shaqada Xajka ayaa la bilaabay bishii Oktoobar ee sanadkii hore, si looga fogaado dhibaatooyinkii hore.

Dowladda ayaa sidoo kale ku boorrisay shirkadaha diyaaradaha in ay si degdeg ah oo nidaamsan u daabulaan Xujeyda, iyadoo laga digay in boosaska Xujeyda la beddelo, taas oo keeni karta caqabado iyo cabashooyin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...