Home Blog Page 180

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo saaka ka bilaabatay degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley

0

Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley ee gobolka Banaadir waxaa saakay ka bilowday is diiwaangelinta codbixiyaasha ,kuwaas oo la qorsheeyay in ay qeyb ka noqdaan doorashada golaha deegaanka dhacaysa bilowga bisha June.

Boqolaal shacab ah oo ku dhaqan degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley ayaa saaka subaxdii hore si weyn isugu soo baxay goobaha isdiiwaan-gelinta, iyagoona safaf dhaa-dheer u galay sidii ay isku diiwaan-gelin lahaayeen.

Guddoomiyayaasha dagmooyinka ay is diiwaangalinta ka socoto ayaa soo dhaweeyay in shacabka ay is diiwaangaliyaan si ay codkooda u siiyaan cidda ay rabaan.

Sidoo kale qaar kamid ah shacabka labadan degmo oo ay kasocoto diiwaangalinta ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in mudda 50-sano ka badan ay maanta ay isugu soo baxaan in ay is diiwaangaliyaan oo ay qataan gaarka doorashooyinka golaha degaanka.

Waxa guul weyn u ah in shacabka Soomaaliyeed mudo dheer ka dib heli doonan xaqooda dastuuriga ah ee ah in ay soo doortaan madaxdii hoggaamin lahayd, taas oo dadka Soomaaliyeed aad u soo dhaweeyeen.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo ka qayb galay Kulan hordhac u ah shirweynaha Baarlamaanka Carabta

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ku sugan Magaaladda Algiers ee caasimadda wadanka Algeria ayaa caawa ka qeyb galay kulan horudhac u ah shirweynaha Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta oo halkaasi ka furmi doona, waxaana Kulanka looga hadlay arrimaha shirka guud iyo sidoo kale jadwalka guud ee shirka.

Xubnaha kulanka ka qeyb galay ee Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta ayaa isla gartay in shirweynaha Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta laga soo saaro qodobo muhiim u ah Ajendaha shirka ee sanadkan oo ah arrimaha carabta gaar ahaan xaaladda Falastiin.

Guddiga doorashooyinka oo qabtay kulan looga hadlayay dardar galinta Diiwaangalinta 

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Dooraashooyinka Qaran iyo Soohdimaha Mudane Cabdikariim Axmed Xasan ayaa ka qayb-galay kulan lagu dardar-galinaayey howlaha diiwaan-gelinta Codbixiyaasha kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka soo qayb-galay Xoghaya guud ee guddiga iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha iyo howl-wadeenada ka shaqeeya diiwaan-gelinta Codbixiyaasha.

Kulanka ayaa xoogga lagu saaray sidii loo dardar-gelin lahaa howlaha diiwaan-gelinta Codbixiyaasha ee ka socota Degmooyinka gobolka Banaadir, sidoo kale kulanka ayaa warbixinno looga dhagaystay hawl-wadeenada u xilsaaran hawlaha Diiwaan-gelinta ee dhamaan xarumaha hada shaqadu ka socoto.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qarank iyo Soohdimaha Mudane Cabdikariim Axmed Xasan ayaa howl-wadeenada kula dardaarmay dardar-gelinta shaqada iyo in ay ka shaqeeyaan cadaaladda.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Maalinta Shaqaalaha Adduunka hambalyo u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed, isagoo ku amaanay dadaalkooda, kartidooda iyo doorkooda muuqda ay ka qaadanayaan horumarinta dalka, dowlad-dhisidda, iyo difaaca qaranka.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo qaabilay Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibedda ee Ruushka Mikhail Bodanov.

3- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xilka u kala wareejiyey Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad ee cusub, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi iyo Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenkii hore Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali.

5- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kursiga tirsigiisu HOP#201 dib ugu celiyay Guddiga Xeer Hoosaadka, Daryeelka, Anshaxa iyo Xasaanadda ee Golaha Shacabka si uu uga soo talo bixiyo .

6- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa xafiiskiis kulan kula qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Wang Yu.

7- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa safar shaqo ku tagay magaaladda Algiers ee Algeria, isagoo ka qeybgelaya shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaanka Carabta.

8- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xilka u kala wareejirey Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiirkii hore Jabriil Cabdirashiid Xaaji.

9- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Yusuf Mohamed Adan oo dhambaal hambalyo ah u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa sheegay in dowladda ay dadaal xooggan ku bixisay ilaalinta xuquuqdooda iyo kaalinta shaqo-abuurka.

10- Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa soo dhawaysay talaabada ay Maamulada Soomaaliland, SSC Khaatumo iyo Puntland isku dhaafsadeen maxaabiista dagaalka, kadib dedaaladii is-dabajoogga ahaa ee uu horkacayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

11- Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) ayaa loo qabtey taariikh cusub oo noqoneysa 5 bisha May 2025.

12- Diiwaan-gelinta codbixiyayaasha doorashooyinka oo sii habsami leh uga socota magaalada Muqdisho.

13- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa qaabilay Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka (UNESCO),ee Bariga Africa Marwo Louise Haxthausen.

14- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamuud Aadan Geesood ayaa kulan la yeeshay Safiirka Qatar u fadhiya ee Soomaaliya, Mudane Dr. Abdullah Salem Al Nuceymi, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka ganacsi ee labada dal iyo horumarinta fursadaha maalgashi ee Soomaaliya

15- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Faraax Nuux ayaa qaabilay Ed Norris oo ah taliye sare oo ka tirsan Ciidanka Hawlgallada Gaarka ah ee Bariga Afrika ee Maraykanka (AFRICOM).

16- Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa ka qeybgaley shir looga hadlayay Dardar-gelinta amniga caasimadda iyo qaadashada kaararka codbixinta ee diiwaangelinta dadweynaha.

17- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa furay Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka oo ay ka faa’ideysteen 25 weriye ah oo ka kala socda warbaahinta madax-banaan iyo warbaahinta dowladda.

18- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar Dr. Badr Al-Atty ayaa khadka taleefoonka ugu hambalyeeyay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali.

19- Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Daahir Shire Maxamed ayaa Isbitaalka Di Martino ee magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada qaar ka mid ah halyeeyada dagaalka ee macawisleyda ee ku soo dhaawacmay dagaalka ciribtirka Khawaarijta ee ka socda dalka.

20- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Yuusuf Maxamed Aadan ayaa magaalada Addis Ababa uga qayb-galay Shirweynaha Hal-Abuurnimada Afrika oo si rasmi ah uu u daahfuray Ra’iisul Wasaare-Ku-Xigeenka Ethiopia Itoobiya, Mudane Temesgen Tiruneh.

21- Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa kulan la yeeshay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mudane Wang Yu, iyagoo ka wadahadley xoojinta wada-shaqeynta dhinacyada dhalinyarada iyo ciyaaraha ee labada dal.

22- Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa qaabilay Safiirka Turliga u fadhiya Soomaaliya, Danjire Alper Aktaş.

23- Ciidamada difaaca deegaanka ee macawiisleyda ayaa gacanta ku dhigay hawdka degaanka Ciid-Ciidka ee degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyagoo halkaasi ku dilay maaleeshiyaad ka tirsan argagaxisadda.

24- Madaxweynaha Aljeeriya Abdelmadjid Tebboune ayaa warqadaha aqoonsiga danjirinimo ka guddoomay Danjiraha Soomaaliya Yuusuf Xasan Jeego.

25- Wasiir Ku-Xigeenka Ganacsiga iyo Warshadaha Mohamud Abdullahi Ahmed ayaa ka qeyb-galay Meertada 11-aad ee Shirweynaha Iskaashiga Ganacsi ee u dhexeeya Shiinaha iyo Wadamada Carabta oo ka qabsoomay magaalada Haiko ee dalka Shiinaha.

26- Wasiiru Dowlaha Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr. Maryan Maxamed Xuseen ayaa ka qeyb gashey munaasabada xuska maalinta Caalamiga ah ee tallaalka oo lagu qabtey magaalada Muqdisho.

27- Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa caasimadda Muqdisho ku qabatay kulanka guud ee odeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed, kaasi oo diiradda lagu saaray ololaha wacyigelinta iyo abaabulka shacabka ee la dagaalanka argagixisada.

28- Wasiirka Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa kulan la yeeshay Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya, Mr. Lionel Lourense, iyagoo ka wadahadlay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, casriyeynta magaalooyinka, iyo u adkaysiga isbeddelka cimilada.

29- Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa guul weyn ka gaaray hawlgal milateri oo ay ka fuliyeen dhulka buuraha ah ee Yasooman iyo Aboorey ee galbeedka gobolka Hiiraan.

30- Wasiirro iyo Xildhibaano ayaa deeq dawo ah gaarsiiyay Isbitaalka xoogga Dalka oo ay ku jiraan dhaawacyada Ciidanka Qalabks Sida ee ku soo dhaawacmay furimaha dagaalka.

31- Safiirka Soomaaliya ee dalka Tanzania ayaa ka qeyb galay shirka 47-aad ee Golaha Wasiirada Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Wasiirka Batroolka XFS oo ka qeybgalay Shirka Istanbul Natural Resources Summit

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shirre Maxamad, ayaa si rasmi ah uga qeybgalay shirka Istanbul Natural Resources Summit, oo lagu qabtay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Wafdiga uu hoggaaminayay Wasiirka waxaa ka mid ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamad Xaashi Carabeey, iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga, Mudane Fathudin Ali Mohamed.

Wasiirka ayaa ka qeyb qaatay dood ku saabsan “Doorka Isbeddelka Tamarta Macdanta,” taas oo ay ka qayb qaateen Wasiirrada Macdanta ee dalalka Niger, Libya, Hungary, Azerbaijan, iyo Saudi Arabia. Doodda waxaa qaybiyay Wasiirka Tamarta ee Turkiga, Alparslan Bayraktar.

Intii lagu guda jiray shirka, Wasiir Daahir Shirre Maxamad ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah ee ku aaddan horumarinta kheyraadka dabiiciga ah, isagoo xusay baahida dunida ee tamarta nadiifka ah iyo macdanta waarta. Wuxuu sidoo kale muujiyay diyaar garowga Soomaaliya ee ah in dalka uu noqdo hormuud ku saleysan daahfurnaan, hufnaan, iyo danta shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo loogu soo dhoweeyay magaalada Algiers

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si diirran loogu soo dhoweeyay magaalada Algiers, caasimadda dalka Algeria.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Algiers ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Algeria, Mudane Ibrahim Boughali, xubno ka tirsan baarlamaanka dalkaas, iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Algeria, Mudane Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego).

Booqashada Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa la xiriirta ka qeybgalka shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanada Carabta, oo lagu qabanayo magaalada Algiers maalmaha soo socda. Shirkaas ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha wadamada Carabta, gaar ahaan xaaladda Falastiin.

Inta uu joogo Algeria, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale kulamo la yeelan doona madaxda ugu sarreysa ee dalka Algeria iyo Guddoomiyaasha Baarlamaanada Carabta ee ka qeybgalaya shirka.

Madaxweynaha JFS oo hambalyo iyo boggaadin u diray Shaqaalaha Soomaaliyeed 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda, munaasabadda Maalinta Shaqaalaha awgeed. Madaxweynaha ayaa ku amaanay shaqaalaha Soomaaliyeed dadaalkooda, kartidooda iyo doorkooda muuqda ee ay ka qaadanayaan horumarinta dalka, dowlad-dhisidda, iyo difaaca Qaranka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shaqaalaha Soomaaliyeed ay mudan yihiin ammaan gaar ah maadaama ay yihiin laf-dhabarta horumarka bulshadeenna. Wuxuu xusay in ansixinta Xeerka Shaqaalaha ee la cusbooneysiiyay sanadkan ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo ilaallinta xuquuqda shaqaalaha. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an hirgelinta Ajandaha Shaqo Wanaagga si loo yareeyo shaqo la’aanta, loona xoojiyo xiriirka shaqaalaha iyo loo shaqeeyeyaasha.

“Waxaan Shaqaale weynaha Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa, Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May. Shaqaalaha Soomaaliyeed waxa ay ku suntanyihiin hawl-karnimo, hufnaan iyo dhabar adayg, waxaana ku amaanayaa kaalintooda muhiimka ah ee ay xilligaan ka qaadanayaan halganka dib u dhiska dowladnimada iyo horumarinta dalka.”

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa ku booriyay dhammaan hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay in ay ilaaliyaan xuquuqda shaqaalaha, korna loo qaado xushmadda iyo xaq-dhowrka shaqo. Wuxuu Alle uga baryay naxariis waalidinta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee naftooda u huray adeegga dalkooda.

Wasiir Fiqi: “Furimaha hore ayaan ka hoggaamin doonaa dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.”

Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho, waxaa si habsami leh uga socota qabanqaabada xafladda xil-wareejinta Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi.

Xafladdan oo si heer sare ah loo agaasimay ayaa lagu wadaa inay ka soo qaybgalaan madax sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka, saraakiil ciidan, iyo marti sharaf kale. Munaasabaddan ayaa ah mid muhiimad gaar ah leh, maadaama ay ku soo beegantay xilli dowladda Soomaaliya ay dardar cusub gelinayso howlgalada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta, si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida dalka.

Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo horey u soo qabtay xilal kala duwan sida Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga gudaha ee Dowlad Goboleedka Galmudug, ayaa la filayaa inuu khibraddiisa iyo aqoontiisa u adeegsado xoojinta awoodda ciidamada qalabka sida iyo horumarinta qorshayaasha amniga qaranka.

hay’adaha amniga, shacabka, iyo saaxiibada caalamiga ah si loo ciribtiro Khawaarijta loona xaqiijiyo mustaqbal nabdoon oo barwaaqo leh.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo u ambabaxay Magaaladda Algiers

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta u ambabaxay magaalada Algiers ee caasimadda dalka Algeria, si uu uga qeyb galo shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanada Carabta.

Shirkan, oo la filayo inuu maalmaha soo socda ka furmo magaalada Algiers, ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha wadamada Carabta, gaar ahaan xaaladda dadka reer Falastiin. Wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka mid noqon doona madaxda ka qeyb galeysa shirkaasi, iyagoo ka matalaya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Safarka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa muujinaya sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ka qeyb qaadashada shirarka heer gobol iyo caalami ee lagu xallinayo arrimaha muhiimka ah ee ka jira dunida Carabta, gaar ahaan kuwa la xiriira xaaladda Falastiin.

Wasaaradda Beeraha Galmudug oo dalagyo kula duwan u qeybisay qooysas ku sugan Gobolka Mudug

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku wareejisay dalagyo beereed ku dhawaad 1,000 qoys oo beeraley ah oo ku nool Gobolka Mudug. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada wasaaraddu ku xoojinayso wax-soo-saarka beeraleyda, iyadoo la tixgelinayo baahiyaha degdegga ah ee ay la kulmaan beeraleyda deegaanka.

Dalagyada la qeybiyay waxaa ka mid ah noocyo kala duwan oo abuur ah, kuwaas oo loogu talagalay in lagu horumariyo wax-soo-saarka beeraleyda, gaar ahaan xilliyada abaaraha soo noqnoqda ee saameeya gobolka. Wasaaradda ayaa sidoo kale qorsheynaysa in ay siiso beeraleyda tababaro ku saabsan farsamooyinka casriga ah ee beeraha, si loo kordhiyo wax-soo-saarka loona yareeyo saameynta abaaraha.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Galmudug, Dr. Ahmednor Osman Hajji, ayaa sheegay in wasaaraddu ay ka go’an tahay inay si joogto ah u taageerto beeraleyda, si loo hubiyo in ay helaan agabka iyo aqoonta ay u baahan yihiin si ay u horumariyaan noloshooda.

Tallaabadan ayaa la filayaa inay kaalin weyn ka qaadato kor u qaadista wax-soo-saarka beeraha ee gobolka, iyadoo sidoo kale lagu dhiirigelinayo beeraleyda inay sii wadaan tacbashada, xitaa marka ay jiraan caqabado deegaanka ah.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Galmudug ayaa horey u hirgelisay mashaariic kala duwan oo lagu taageerayo beeraleyda, waxaana ay sii wadi doontaa dadaalladaas si loo xaqiijiyo horumar waara oo ka dhaca gobolka.