Home Blog Page 180

Danjiraha cusub ee dalka Hindiya oo si rasmi ah ula wareegay Xilka

0

Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya, ayaa waxaa xilka si rasmi ah loogu wareejiyay Danjiraha cusub ee Safaaradda, Mudane Dr. Cabdullahi Maxamed Odowaa.

Siihayahii Safaaradda Mudane Cabdifitaax Cabdullahi Nuur oo xilka ku wareejiyay Safiirka cusub, ayaa marka hore warbixin ka siiyay diblomaasiyiinta shaqaalaha gudaha iyo howlaha kala duwan ay qabteen muddadi uu Siihayaha ahaa iyo hawlaha hadda horyaalla Safiirka cusub.

Safiir ku-xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa kula dardaarmay diblomaasiyiinta in ay si dhaw ula shaqeeyaan Safiirka Safaaradda sida ay horey ugu wada shaqeeyeen muddada uu siihayaha ahaa.

Danjiraha Jamhuuriyadda Soomaaliya ee dalka Hindiya Mudane Dr. Cabdullahi Maxamed Odowaa, ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay Siihayihii Safaaradda muddada shaqada soo waday ee maanta ku soo gunaanuday munaasabadaan Quruxda badan iyo sidoo kale diblomaasiyiinta kale Safaaradda.

Ugu dambeyn Safiirka ayaa kula dardaarmay dhammaan diblomaasiyiinta in ay halkooda shaqada kasii wadaan, maadaama halkan loowada joogo in loogu adeego qaranka Sooomaaliyeed, isla markaana ay si wadajir ah hawlgalka Safaaradda iyo xiriirka labada dal uga shaqeyn doonaan.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Bakistaan oo kula la yeeshay Madaxweynaha Jaamacadda Islamabad

0

Safiirka Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheeknuur Maxamed Xasan, ayaa Dalka Bakistaan kulan kula yeeshay Madaxweynaha Jaamacadda Islaamka ee Islamabad Dr. Axmed Shuja Sayed, Kulankaas oo diiradda lagu saaray kor u qaadista iskaashiga tacliinta iyo taageerada ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Jaamacaddaas.

Safiirku wuxuu ku bogaadiyay madaxa Jamaacada doorka ay ka qaataan garab siinta arday Soomaaliyeed, isagoo xusay in Mas’uuliyiin badan oo xilal muhiim ah ka haya Soomaaliya ay ka qalin jabiyeen Jaamacadda.

Madaxweynaha Jaamacadda Dr. Axmed Shuja Sayed ayaa Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo warbixin ka siiyey dadaallada ay ku horumarinayaan adeegyada ardayda sida inay helaan dhismayaal u gaar ah ardayda ajaanibta ah.

Ugu dembayntii labada dhinac ayaa isku raacay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka tacliinta labada Dal.

Guddoomiyaha BJFS iyo duqa Muqdisho oo ka wada hadlay meelmarinta Maqaamka Caasimadda

0

,Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa ka wada hadlay meel marinta Maqaamka Caasimadda iyo sidii bulshada Gobolka Banaadir ay u heli lahaayeen matalaad siyaasi ah oo la mid ah Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Duqa Muqdisho ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka uga warbixiyay qorsheyaasha hortabinta u leh Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar oo ay ugu horeyso qabsoomida doorashooyinka Goloyaasha Deegaanka, asigoona ka codsaday sidii uu Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u meel marin lahaa cutubyada Dastuurka ee ku xusan Maqaamka Caasimadda iyo Matalaada Siyaasadeed ee Gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dhammeystiri lahaa meelmarinta Maqaamka Caasimadda, taas oo ah mid ka mid ah arrimaha ugu muhiimsan ee ku saabsan xoojinta maamulka Gobolka Banaadir iyo xaqiijinta xuquuqda shacabka ku nool Muqdisho. Maqaamka Caasimadda ayaa muhiim u ah in la siiyo Muqdisho iyo Gobolka Banaadir awood iyo mas’uuliyad dheeri ah, si ay u noqdaan kuwo si wanaagsan u maamula adeegyada bulshada, amniga, iyo horumarinta dhaqaalaha ee gobolka.

Guddoomiyeyaashu waxa ay sidoo kale ka wada hadleen sidii bulshada Gobolka Banaadir ay u heli lahaayeen matalaad siyaasi ah oo rasmi ah, taas oo ka dhigeysa Muqdisho iyo Gobolka Banaadir kuwa la mid ah Dowlad Goboleedyada ee xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.Tani waxay ka dhigan tahay in Gobolka Banaadir uu helo xubin rasmi ah oo ka matasha Baarlamaanka Federaalka, taas oo awood u siinaysa in si rasmi ah loo matalo danta shacabka iyo horumarka gobolka.

Arrimaha Amniga iyo Horumarinta Gobolka Banaadir Waxa ay sidoo kale isla garteen in maqaamka cusub ee Caasimadda iyo matalaadda siyaasadeed ay kaalin muhiim ah ka qaadan doonaan horumarinta amniga iyo adeegyada bulshada ee Gobolka Banaadir.Si loo xoojiyo amniga Muqdisho, waxaa lagu talagalay in la horumariyo xiriirka dhex mara maamulka Gobolka Banaadir iyo dowladda dhexe, si loo hubiyo in xarumaha dowladda iyo shaqaalaha amniga ay si wadajir ah u shaqeeyaan.

Taliyaha CBS oo Dhagax Dhigay Dhismaha Masjidka Xarunta Dhexe ee Booliska

0

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa maanta dhagax dhigay Dhismaha Masjidka ee Xarunta Dhexe ee Booliska Soomaaliya. Dhismahan cusub ee masjidka ayaa qeyb ka ah dib u habeyn iyo qalabayn lagu sameynayo qeybo kamid ah xarumaha Ciidanka Boliiska, iyadoo loo sameynayo isbeddelada iyo horumarka ku saabsan adeegyada ciidamada.

Dhismaha Masjidka iyo Dib u Habbeynta Dhismaha Masjidka ee xarunta dhexe ee booliska, ayaa ah mid muhiim u ah ciidamada iyo bulsheedda ka qeyb qaadanaya howlgallada amniga, iyadoo masjidka cusub uu noqon doono meel ay ku tukadaan ciidamada, sidoo kalena qeyb ka ah qorshaha guud ee dib u habeynta iyo kordhinta tayada adeegyada ee laga bixiyo xarumaha ciidanka. Masjidkan ayaa sidoo kale loo qorsheeyay in uu noqdo meel diini ah oo ay ku tukadaan ciidamada booliska ee ku sugan xarunta dhexe.

Dhismaha masjidka iyo dib-u-habaynta kale ee lagu sameynayo xarumaha booliska ayaa qeyb ka ah mashaariicda dowladdu ku waddo xoojinta amniga iyo horumarinta adeegyada ciidamada.Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa sheegay in uu yahay qorshe lagu a jaan qaadayo xafiisyada dawladda ee kale ee dib u habaynta lagu sameeyay, si loo helo xarumaha ciidamada oo buuxiya shuruudaha casriga ah ee amniga iyo adeegyada bulshada.

Tallaabooyin Kale oo lagu Horumarinayo Ciidanka Taliyaha Ciidanka Boliiska ayaa sidoo kale sheegay in dib-u-habaynta xarumaha booliska ay ka mid tahay qorsheyaal weyn oo loogu talagalay xoojinta habsami u socodka shaqada ee ciidamada, iyadoo sidoo kale lagu sameynayo tababaro, qalabeyn, iyo hormarinta adeegyada loogu talagalay booliska. Waxaa la rajeynayaa in qorshahan uu kaalin ka qaato kordhinta waxqabadka ciidanka iyo sidii loo xaqiijin lahaa amni iyo nabadgelyo wanaagsan oo ka jira dalka.

Wasiirka Beeraha XFS oo ka qaybgalay Shir looga hadlayay Istaraatiijiyada Beeraha ee Midowga Afrika

0

Wasiirka Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa magaalada Kampala uga qayb galay shir looga hadlayay istaraatiijiyada Beeraha dalalka Midowga Afrika. Shirkan ayaa qeyb ka ah shir-madaxeedka Midowga Afrika oo dhawaan ka dhici doona Kampala, waxaana diiradda lagu saaray istaraatiijiyada dhinaca amniga cunnada ee tobanka sano ee soo socda (2026 – 2035).

Shirka ayaa waxaa Wasiirka iyo wafdigiisa ku wehliyay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda, Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare, iyo madax kale.Wasiirrada Beeraha ee dalalka Afrika ayaa shirka ka soo jeediyay talo ah in loo qoondeeyo Beeraha iyo tacbashadooda 10% miisaaniyadda dal walba si kor loogu qaado wax soo saarka.

Talooyinka shirkan ka soo baxa ayaa lagu wadaa in loo gudbiyo madaxweynayaasha dalalka Afrika oo toddobaadka soo socda shir ku yeelan doona Kampala.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo qaabishay Safiirka UK ee Soomaaliya

0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta xafiiska ku qaabishay Safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Amb Michael Nithavrianakis .

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Amb. Michael Nithavrianakis. Kulankan, oo ay wehelisay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska, Maxamed Bashiir Cumar, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa hawlaha muhiimka ah ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee dalka.

Hawlaha Wasaaradda iyo Iskaashiga Ingiriiska Kulanka ayaa looga wada hadlay hawlaha horyaala Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, iyadoo Danjiraha UK ee Soomaaliya, Amb. Michael Nithavrianakis, uu soo dhaweeyey magacaabista Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi ee Wasaaradda Qoyska. Danjiruhu wuxuu ballan qaaday in dowladda Ingiriiska ay diyaar u tahay in ay la shaqeyso Wasaaradda iyo Xukuumadda Soomaaliya si loo gaaro horumarinta xuquuqda aadanaha iyo xoojinta siyaasadaha bulshada ee dalka.

Dhinaceeda Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa ka mahad celisay taageerrada dowladda Ingiriiska ay siiso Soomaaliya waxaana ay dhanka kale sheegtay in hawlaha Wasaaradda horyaala ay yihiin kuwo qabashadooda ay ka go’an tahay islamarkaana ay diyaar u tahay oo ay soo dhaweyneyso cid walba oo kaalin ku yeelaneysa.

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xeerka Habka Ciqaabta

0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, waxaana lagu ansixiyey wax ka beddelka Xeerka Habka Ciqaabta iyo Siyaasadda Qaran ee Dhismaha Machadka Sare ee Tababbarka iyo Horumarinta Sharciga, kuwaasoo ay soo gudbisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.

Kulanka, oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira horumarka laga sameeyay dhinacyada diblomaasiyadda, xiriirka caalamiga a, amniga, iyo dhaqaalaha dalka.

Xeerka Habka Ciqaabta Hindise sharciyeedka Xeerka Habka Ciqaabta ayaa muhiim u ah dhismaha nidaamka cadaaladda ee dalka, wuxuuna ka mid yahay tallaabooyinka lagu xoojinayo hufnaanta iyo daahfurnaanta nidaamka garsoorka ee Soomaaliya. Waxaa sidoo kale la ansixiyey Siyaasadda Qaran ee Dhismaha Machadka Sare ee Tababbarka iyo Horumarinta Sharciga, taasoo la beegsaneysa kordhinta xirfadaha iyo aqoonta shaqaalaha garsoorka.

Dowladda Soomaaliya oo ku Dhawaaqday Musharaxnimada Kursiga AU PSC ee 2025–2028

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya,ayaa ku dhawaaqday musharaxnimadeeda ee Kursiga Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AU PSC) ee muddo-xileedka 2025–2028. Ku dhawaaqidda musharaxnimada, ayaa timid kadib war saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee *Midowga Afrika (AU PSC) waa hay’adda mas’uulka ka ah ilaalinta nabadgelyada iyo amniga guud ee Qaaradda Afrika.Golaha waxa uu go’aamiyaa siyaasadaha iyo tallaabooyinka la xiriira amniga iyo nabadda ee qaaradda, wuxuuna ka kooban yahay 15 xubnood oo matalaya dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku sheegtay musharaxnimada in ay tahay fursad muhiim ah oo Soomaaliya u tahay in ay kaalin ka qaadato xoojinta nabadda iyo amniga qaaradda, iyadoo la ogyahay doorka muhiimka ah ee Soomaaliya ay ku leedahay dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xasilinta gobolka Geeska Afrika. Dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale sheegtay in ka mid noqoshada Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee AU ay fursad u siin doonto in Soomaaliya ay si firfircoon uga qayb qaadato xalinta khilaafaadka iyo hormarinta siyaasadaha nabadda ee qaaradda Afrika.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ku sheegtay war saxaafadeedkeeda in musharaxnimada Soomaaliya ay ku saleysan tahay qorsheyaal iyo himilooyin si loo taageero nabadgelyada, xasiloonida, iyo horumarka gobolka. Dowladda Soomaaliya, ayaa sidoo kale ballanqaaday inay ka qeyb qaadan doonto xoojinta iskaashiga iyo hormarinta xiriirka dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika.

Soomaaliya, ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku lug lahayd dadaallo badan oo ku saabsan xoojinta amniga iyo difaaca nabadda ee gudaha iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika. Dowladda Soomaaliya waxa ay ku dadaalaysaa sidii loo hormarin lahaa xiriirka caalamiga ah, gaar ahaan la-hawlgalka Midowga Afrika iyo ururrada kale ee caalamiga ah, si loo xoojiyo amniga iyo nabadgelyada dalalka Afrika.

Guddoomiyaha SoDMA oo Xafiiskiisa kusoo dhaweeyay Agaasimaha Guud ee HSJ

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka,Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku soo dhaweeyay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow. Booqashada ayaa ahayd mid lagu xoojiyay xiriirka shaqo ee labada hay’adood, iyagoo ka wada hadlay sidii ay u adkeyn lahaayeen iskaashiga iyo wada shaqeynta ka dhexeeya.

Mas’uuliyiinta ayaa isla gartay in labada hay’adood ay kaalin muhiim ah ka qaataan daryeelka iyo taageerada bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan marka ay timaado maareynta musiibooyinka iyo arrimaha socdaalka ee dalka. Waxaa la isla gartay in ay muhiim tahay in la xoojiyo is-dhexgalka iyo iskaashiga labada hay’adood si loo horumariyo adeegyada bulshada, loona wanaajiyo maareynta xaaladaha deg-degga ah iyo xiriirka dadka Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadda.

Qorshayaasha iyo Tallaabooyinka Wada-shaqeynta Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka,Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ku baaqay in labada hay’adood ay si wadajir ah uga shaqeeyaan xoojinta adeegyada socdaalka iyo ka hortagga musiibooyinka. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in xiriir wanaagsan oo ka dhexeeya hay’adahaas uu fududeynayo ka jawaabista xaaladaha deg-degga ah iyo daryeelka dadka Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa isna sheegay in ay muhiim tahay in hay’addooda ay la shaqeyso Hay’adda Maareynta Musiibooyinka si loo horumariyo maareynta dadka ku barakacay musiibooyinka iyo taageerada qaxootiga. Waxa uu tilmaamay in wada-shaqeynta labada hay’adood ay muhiim u tahay xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.

Duqa Muqdisho oo xafiiskiisa ku qaabbilay Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya 

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay maanta Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş, iyaga oo kawada hadlay arrimo la xariira horumarinta Caasimadda.

Kulankan oo uu goob joog ka ahaa agaasimaha guud ee xafiiska Duqa magaalada Muqdisho Mudane Ismaaciil Cali Sheikh Nuur ayaa qodobadii looga hadlay waxaa kamid ahaa dardargalinta wada shaqeynta labada xafiis, horumarinta mashaariicda ay Dowladda Turkiga ugu talagashay in ay uga qeyb qaadato dib udhiska iyo bilicda Caasimadda, Shaqa abuurka dhallinyarada, Tababarada farsamada gacanta, Dib u hagaajinta bulaacadaha biya mareenka ah iyo Dib u cusbooneysiinta heshiisyadii iskaashiga ahaa ee horey u jiray.

Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş,ayaa ugu horreyn ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir mas’uuliyada culus ee loo igmaday isaga oo intaa kadib balan qaaday in lasii horumarin doono wada shaqeynta labada dhinac iyo howlaha lagu taageerayo horumarinta Caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga iyo shacabkeeda sida ay marwalba u garab taagan yihiin ummada Soomaaliyeed iyo dowladnimadooda islamarkaana ay uga qeyb qaataan taageeradooda la xariira mashaariicda horumarineed.