Wasiirka arrimaha dibadda oo Shiinaha kula kulmay dhigiisa Kenya

Date:

Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya mudane Cabdisalam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay dhiggiisa Kenya mudane Musalia Mudavadi, intii uu socday Shirka FOCAC ee lagu qabtay Shiinaha.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, iyadoo Wasiir Dhaay uu adkeeyay muhiimadda hayโ€™adaha dastuuriga ah iyo ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Kenya waxay mar kale caddeysay taageerada ay u hayso midnimada Soomaaliya, iyadoo labada dhinac ay isku raaceen in la dedejiyo shirarka Guddiga Iskaashiga Wadajirka ah (JCC) si loo horumariyo iskaashiga dhinacyada ganacsiga, waxbarashada, amniga iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Wasiir Dhaay ayaa uga mahadceliyay Kenya kaalinta ay ku leedahay nabad ilaalinta Soomaaliya, gaar ahaan doorka ay ku leedahay howlgalka ATMIS.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...