Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulanka Isu Duwidda Dowladaha Hoose

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku daahfuray Kulanka Qaran ee isu-duwidda Dowladaha Hoose.

Wasiir Cali Xoosh oo ka hadlay Kulanka ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda dhismaha Dowlaha Hoose, isagoo yiriโ€ Dhismaha dowladaha hoose ee dalka waa tiir muhiim u ah dowlad-dhiska iyo kor u qaadidda adeeg bixinta shacabka Soomaaliyeed.

โ€œKulankan waxa uu ka turjumayaa sida ay nooga goโ€™antahay in aan dhisno nidaam dowladeed oo hoos-u-daadegsan, si loo helo dowlado hoose oo la tayeeyay kana jawaabi kara baahiyaha dhabta ah ee shacabku qabaan, Dowladaha Hoose waa wajiga ugu horreeya ee dowladda, waana hayโ€™adda dowladeed ee ugu dhow shacabka โ€œayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Cali Xoosh

Kulanka oo socon doona muddo labo cisho ah ayaa waxaa goobjoog ka ah masuuliyiin ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada dalka, Gobolka Banaadir iyo Hayโ€™adaha ka shaqeeya arrimaha Dowladaha Hoose.

Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS waxaa ka goโ€™an daadejinta awoodda iyo baahinta nidaamka matalaadda, iyadoo hortabin siineysa in si toos ah loo doorto matalayaasha dowladaha hoose.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...