๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฌ๐š๐ ๐จ๐จ๐ญ๐ข๐ง ๐š๐ก ๐ฅ๐š ๐ช๐š๐š๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐”๐๐ˆ๐‚๐„๐… ๐ž๐ž ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š

Date:

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka, Dr. Ali Haji Adam, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan sagootin ah kula qaatay Marwo Wafaa Saeed, Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya, oo dhamaysatay muddo-xileedkii ay ka shaqaynaysay dalka.

Kulanka ayaa looga hadley wada shaqeyntii dhoweyd ee u dhexeysay Wasaaradda iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Heyโ€™adda UNICEF intii ay Marwo Wafaa xilka haysay, gaar ahaan taageerada joogtada ah ee UNICEF ay ku bixisay horumarinta adeegyada caafimaadka, tallaalka, nafaqada, iyo daryeelka hooyada iyo dhallaanka.

Wasiir Dr. Ali Haji Adam ayaa uga mahadceliyay Marwo Wafaa shaqadii ay qabatay iyo sida ay uga goโ€™nayd taageerada Caafimaadka Soomaaliya, isagoo u rajeeyay mustaqbal wanaagsan iyo guulaha howlaheeda danbe, waxa uuna sheegey Wasiirka in Wasaaradda Caafimaadka ay mar walba diyaar u tahay la shaqeynta bah-wadaagta caalamiga ah si loo gaaro himilooyinka Caafimaad ee Qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hayโ€™adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: โ€” Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hayโ€™adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka baniโ€™aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...