Ciidanka xoogga dalka oo la wareegay Sabiid iyo Caanoole

Date:

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa guul ka gaaray dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, kadib markii ay si buuxda ula wareegeen deegaannada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgal qorsheysan oo ay ciidanka ka fuliyeen deegaannada Sabiid iyo Caanoole ayaa lagu jabiyay Khawaarijta, waxaana lagu qasbay inay iskaga cararaan goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen. Taliyaha Guutada 7-aad ee Qeybta 12-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, G/sare Axmed Gaashaan ayaa sheegay in guushaan ay tahay mid muhiim ah oo ka tarjumeysa dadaalka joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa baaritnaano ka wada deegaannada Khawaarijta laga xoreeyay si dhagarta cadowga looga badbaadiyo shacabka, loogana hortago wax kasta oo dhibaato ku ah xasilloonida iyo nolosha bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...