Home Blog Page 1702

Wasiirka Caafimadka oo booqatay dhaawacyadii la dhigay Cusbitaalka Digfeer

0

Wasiir Fowsiya  Abuukar Nuur  oo ay wehliyaan qaar ka mid ah howlwadeennada wasaaradda ayaa booqday  Cusbitaalka Digfeer oo la dhigay 15 ruux oo ka mid ah dadkii ku dhaawac may qaraxii ka dhacay agagaarka Wadada Shaqaalaha iyadoo mid mid u gacan qaaday lana wadaagta xanuunka Soo gaaray.

Qaar ka mid ah Dhaqaatiirta Cusbitaalka ayaa warbixin kooban ka siiyay sida ay tahay xaladda dadka hadda yaalla cusbitaalka oo gaaraya todobo ruux oo dhaawacyo daran qaba.

Wasiirka Caafimaadka Dowladda federaalka Soomaaliya  Dr Fowsiyo Abuukar  ayaa sheegtay in dhaqaatiirtu u sheeegeen in cusbitaalka la keenay 15 oo mid ka mid ah intii  loo fidinayay  Daryeel caafimaad uu geeriyooday halka todobo kale oo helay adeeg caafimaad dib ay ugu laabteen guryahoodii  todobo kale oo xaaladdoodu daran tahayna lala tacaalayo.

“Dhaqaatiirta Cusbitaalka aad ayay u mahadsan yihiin sida ay ugu dadaalayaan Daweynta Dhaawacyada daran  Allaha unaxariisto intii dhimatay inta dhaawacanna Allaha  Caafimaad Siiyo” Sidaasi waxaa yiri  wasiirka Caafimaadka Dowladda Soomaaliya Dr Fowsiya Abuukar.

Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya oo Sharraxaad ka bixiyay Shirweynaha London Dhawaan ka dhici doona

0

Wasiir wasaaradda warfaafinta iyo hanuunita dadweynaha  Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay in shirka London maalmaha soo aadan ka dhici doona looga hadlayo Arrimo ay ka mid tahay in dowladda Ingiriiska ay u soo jeesato  tageerada Soomaaliya.

Wasiir Yariisoow ayaa Tilmaamay in shirkaas uu yahay kii sedexaad oo loo qabanayo Dowladda  Soomaaliya isla markaana looga hadlayo Arrimo ay ka mid yihiin Amniga iyoXoojinta tayaynta Ciidamada Qaranka si ciidamada Dowladaha kale ka socda looga maarmo, kordhin Dhaqaalaha Dowladda si ay ugu filnaato gudashada Howlaha  Qaran ee Horyaalla iyo Arrimo kale.

Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed cabdullaahi farmaajo  ayaa ka qayb gali doona Waxaana Shirkaas shir Guddoomin doona Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda dalkaas.

“Shirkaan oo ah mid caalami ah waxa uu umuuqdaa mid siweyn ay isugu diyaariyeen xubnaha dowladda ee ka qayb galaya taas oo muujinaysa rajada umadda Soomaaliyeed ay ka qabaan Dib u hagaajinta hay’adaha dowladda” Ayuu Yiri Wasiir Yariisoow.

Amarkii Madaxweyne Farmaajo Kadib Jidgooyadii Sharci Darada Ee Yaalay Afgooye Oo La Qaaday

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu Haggaaminayay ayaa Shalay oo Isniin aheyd Socdaal Shaqo oo dhinaca dhulka ah ku tagay Degmada Afooye oo Qiyaastii 30Km dhinaca Galbeed kaga aadan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markuu Afgooye Gaaray Kulan Gaar ah la qaatay Maamulka iyo Qeybaha Bulshada ee deegaankaasi, isagoo ka dhageystay warbixino la xiriiray Ammaanka, Hormarka deegaanka iyo cabashooyin ay qabeen bulshada.

Ganacsatada iyo Qaar kamid ah Waxgaradka Degmada ayaa Madaxweynaha u gudbiyay Cabshooyin ku aadan Canshuurta iyo Jidgooyada Sharci darrada ah ee yaalla inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye,

Qeybaha Bulshada ayaa Madaxweynaha u sheegay in maalin kasta dilal ay ka dhacaan waddooyinka iyo suuqyada Magaalada Afgooye, iyadoo hadane aysan jirin daryeel bulsho oo wax loogu qabanayo ganacsatada iyo gaadiidka marka laga reebo in lacag laga uruursado hadan aysan gaarin qasnadda Dowladda.

Intaas Kadib Madaxweynaha oo Hadalka qaatay ayaa Amar ku bixiyay in la joojiyo Qaadista Canshuurta gudaha dagmada Afgooye laga billaabo shalayna aan wax Jidgooyo ah lagu arki Karin wada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

“Laga bilaabo maanta qofkii lagu arko isaga oo isbaaro taagan naga mid ma aha. Haddii aad aragtaan qof lacag idinka aruursanaya waan la wada dagaallameynaa ee noo soo sheega. Ma jiri doono qof dhar ciidan wata oo isbaaro dad ku dhici kara. Ciidamadeenna annaga ayaa xuquuqdooda iyo mushaarkooda inaan bixinno diyaar u ah.” Ayuu Yiri Madaxweyne Farmaajo.

Hadaba Maxaa Ka Hirgalay Amarkii Madaxweynaha?

Suuqyada kala duwan ee Ganacsiga dagmada Afgooye waxaa maanta si buuxda uga dhaqangalay Amarkii Madaxweynaha, Waxaana hakad lagaliyay Canshuurtii laga qaadi jiray goobaha Ganacsiga iyo Seyladda lagu Iibiyo Xoolaha.

Muumin Sh Nuur Waxa uu ka midyahay Waxgaradka Degmada Afgooye, Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA oo qadka talefoonka kula xiriirtay waxa uu u sheegay in maanta haba yaraatee aysan jirin wax Canshuur ah oo laga qaadayo Suuqyada Magaalada, islamarkaana maamulka dagmada uu fuliyay Amarkii uu bixiyay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

“Ganacsatada iyo dadweynaha magaalada Afgooye tallaabada ay dowladda Qaaday aad bay u soo dhaweynayaan, gaadiidka dadweynaha ee ku safra jidka u dhexeeya Xamar iyo Afgooye maanta laga qaadin wax Jidgooyo ah, sidoo kale suuqyada ganacsiga waxaa la hakiyay canshuurtii aan ka cabanay” ayuu yiri Muumin.

Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda Gobalka Shabeellaha Hoose Cabdifitaax Cabdulle Yuusuf  oo isna la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA wuxuu sheegay in maanta la fuliyay Amarka Shalay uu bixiyay Madaxweynaha Soomaaliya, islamarkaana maanta ay kormeereen Waddooyinka iyo suuqyada dagmada Afgooye si loo hubiyo Fulinta Amarkaasi.

“SONNA aad ayaan idinkugu Mahad Celineynaa howsha aad Dalka u heysaan, maanta waxaan kormeernay Wadooyinka ay hore jidgooyada u taalay iyo sidoo kale suuqyada Ganacsiga Dagmada Afgooye, si wanaagsan ayay arrintaasi u hirgashay, maanta ma jiro Isbaaro taalla wadada, sidoo kalana Canshuurtii dadweynaha ay ka cabanayeen waa la joogjiyay. Sidaasi Waxaa Yiri Mudane Cabdufartaax.

Fulinta talaabadaan ayaa muujineysa soo celinta kalsoonida shacabka ay ku qabaan dowladdooda, waxayna meesha ka saareyso Jidgooyada Sharci darada ah iyo Canshuurta aan ku dhicin qasnadda dowladda.

Waxaana dhihi kartaan “Amarkii Madaxweynaha Ee Qaadista Jidgooyada Wuu Fulay”

W/D:- Ismael Mukhtaar Omar “Orange”

Ra’iisul Wasaaraha JFS Oo Furay Shirweynaha Ansixinta Qaab Dhismeedka Manhajka Waxbarashada Dalka+Sawirro

0

Muqdisho,(SONNA):-Ra’iisul wasaaraha Xukuumada mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta daah-furay shirwaynaha Qaran ee Ansixinta qaab dhismeedka manhajka waxbarashada dalka oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaarha oo la hadlay dadkii ka soo qayb galay shirka ayaa sheegay inay muhiim tahay in la iska kaashado sidii looga shaqayn lahaa hormarinta waxbarashada dalka, maadaama bulsho kasta ay ku horamrto sida ay dhalaankeeda wax u barto, waxuuna tilmaamay in ardayda Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ka dhisanyihiin Dhaqanka, Diinta iyo Soomaalinimada, taasina ay fududaynayso sidii loo heli lahaa bulsho isku aragti iyo hadaf ah.

“Waxaan soo jeedinayaa in Manhajkeenu uu noqdo mid mideeya dhamaan waxbarsahada dalka, waana in lagu soo daro maadooyin ka hadlaya Wadaniyada iyo kheyraadka dalkeenu leeyahay si jiilka naga dambeeya ay u jeclaadaan wadanka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha ayaa booqday wasaarada Gaadiidka Badda iyo wasaarada Duulista iyo Hawada, waxuuna mid mid u galay xafiisyada ay wasaaradahu ku shaqeeyaan isagoona shaqaalaha waydiinayay sida ay u helaan xaquuqdooda iyo qaabka ay shaqadu u socoto.

waxuuna si gaara ula shiray wasiirka wasaarada Dekadaha waxayna isla soo qaadeen sidii loo hormrin laha gaadiidka iyo dekedaha gobolada dalka Soomaliya gaar ahaan dakeda Muqdisho oo ay shacab badan kala soo baxaan nolol maalmoodkooda.

Ugu dambayn Xasan Cali Khayre ayaa gaaray xarunta gobolka Banaadir waxuuna kula kulmay gudoomiyaha gobolka iyo dhamaan shaqaalaha ka howlagala xarunta,waxuuna indho indheeyay qaabka loo shaqaynayo iyo baahiyaha ka jira xarunta.

__DHAMMAAD_

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo kulan wadatashi ah la qaadatay dhalinyarada Soomaaliyeed

0

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa kulan wadatashi ah la qaadatay dhalinyarada Soomaaliyeed oo ay talooyinkooda ugu gudbinayeen Wasaaradda, dhalinyarada ayaa waqti fiican u helay in ay su’aallo weydiiyaan Wasiirka iyo masuuliyiinta ugu sareeysa Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Mudane Avv Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo la hadlayay dhalinyarada ayaa u sheegay in Wasaaraddu ay soo dhaweeynayso in dhalinyaradu ay ka qaybgalaan Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka.

“Dhalinyarada waa tirada ugu badan dadkeena, sidaa darteed waxa inaga go’an in aan idinku dhiiragelino sidii aad ka qaybgal saameeyn leh ugu yeelan la heeydeen ololaha hanaanka dib u eegista Dastuurka” ayuu yiri Wasiir Cabdi Xoosh.

Wasiirka ayaa ka ballanqaaday dhalinyarada in kulamo dhowr ah la yeelan doonaan dhalinyarada si ra’yi uruurin ballaaran loo sameeyo.

Dhanka kale, Avv Cabdi Xoosh ayaa ka codsaday dhalinyarada in si mutadawacnimo ah u la shaqeeyaan Wasaaradda oo ay sugeyso hawl ballaaran oo muhiim u ah in dalkeenna uu gaaro doorasho qof iyo cod ah afarta sanno ee soo socota.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa sheegay in kulamada ceynkan oo kale ah la gaarsiin doono Maamul Goboleedyada dalka iyo wadamada ay ku noolyihiin Soomaalida qurba joogta ah.

—–DHAMAAD—–

Ra’iisul Wasaaraha JFS Oo Furay Shirweynaha Ansixinta Qaab Dhismeedka Manhajka Waxbarashada Dalka

0

Ra’iisul wasaaraha Xukuumada mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta daah-furay shirwaynaha Qaran ee Ansixinta qaab dhismeedka manhajka waxbarashada dalka oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaarha oo la hadlay dadkii ka soo qayb galay shirka ayaa sheegay inay muhiim tahay in la iska kaashado sidii looga shaqayn lahaa hormarinta waxbarashada dalka, maadaama bulsho kasta ay ku horamrto sida ay dhalaankeeda wax u barto, waxuuna tilmaamay in ardayda Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ka dhisanyihiin Dhaqanka, Diinta iyo Soomaalinimada, taasina ay fududaynayso sidii loo heli lahaa bulsho isku aragti iyo hadaf ah.

“Waxaan soo jeedinayaa in Manhajkeenu uu noqdo mid mideeya dhamaan waxbarsahada dalka, waana in lagu soo daro maadooyin ka hadlaya Wadaniyada iyo kheyraadka dalkeenu leeyahay si jiilka naga dambeeya ay u jeclaadaan wadanka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha ayaa booqday wasaarada Gaadiidka Badda iyo wasaarada Duulista iyo Hawada, waxuuna mid mid u galay xafiisyada ay wasaaradahu ku shaqeeyaan isagoona shaqaalaha waydiinayay sida ay u helaan xaquuqdooda iyo qaabka ay shaqadu u socoto.

waxuuna si gaara ula shiray wasiirka wasaarada Dekadaha waxayna isla soo qaadeen sidii loo hormrin laha gaadiidka iyo dekedaha gobolada dalka Soomaliya gaar ahaan dakeda Muqdisho oo ay shacab badan kala soo baxaan nolol maalmoodkooda.

Ugu dambayn Xasan Cali Khayre ayaa gaaray xarunta gobolka Banaadir waxuuna kula kulmay gudoomiyaha gobolka iyo dhamaan shaqaalaha ka howlagala xarunta,waxuuna indho indheeyay qaabka loo shaqaynayo iyo baahiyaha ka jira xarunta.

__DHAMMAAD_

WARGELIN:- Diiwaan Gelinta Tartan Cilmiyeedka Ramadan Ee Warbaahinta Qaranka Oo Bilaabatay

0

Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed Wuxuu ku Wargalinayaa Maamulada Degmooyinka Gobalka Benadir iyo Dowlad Gobaleedyada ka dhisan Dalka in Radio Muqdisho iyo SNTV ay sanadkii 7 si wadajir ah u qaban doonaan Tartan Cilmeeydka Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo hadda foodda nagu soo heyso.

Hadaba Guddigu Wuxuu Ogeysiinayaa Dhammaan Degmooyinka daneynaya ka qeybgalka tartanka in ay Araajida Codsiyadooda Ka Qeybgalka Tartan Cilmiyeedka ay Keensadaan Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska.

Shuruudaha Ka Qeygalka Tartanka.

  • Tartanka Waxaa Ka Qeybgalaya 17 Degmo Ee Gobalka Banaadir iyo Caasimadaha Magaallo Madaxyada Goballada Soomaaliya.
  • In tartameyaasha Dagmada ay Warqad Ogolaansho ka wataan Maamulka Dagmada ama Dowlad Gobaleedka ay matalayaan.
  • In Tartamiyaashu ay Codsigoodu ku Caddeeyaan Saddax Qof oo La heli karo Madada tartanku Socdo si loogala Xaajoodo wixii Quseeya ee ku saabsan Anshaxa iyo Habsami u Socodka Tartanka.
  • Waqtiga Qabashada Codsiyada Ka Qeybgalka Tartanka Waxa ay ku Egtahay 23 May 2017 .

Hadaba Wixii Faah faahin Intaas Dheer Kala Soo Xiriir Talefoonada Nabaradoodu Kala Yihiin:-

0617- 01 22 22, 0615- 33 77 80 Ama Fariin qoraaleed (SMS) 433.

The director of Radio Mogadishu and Parliament Relations

ADDRESS:

Warta Nabadda District,Near Villa Somalia Mogadishu, Somalia

Tel 00252-615510038

Email: abdijeite@hotmail.com

Michael Keating oo ka hadlay Shirka London

0

Muqdisho(SONNA):–Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating ayaa sheegay in Ujeedada shirka London ay tahay in dowladda cusub ee Soomaaliya la siiyo fursad ay ku soo bandhigto waxyaabaha mudnaanta u leh iyo in laga wad-hadlo iskaashiga dhaxmaraya dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Keating oo wareysi siiyey barnaamijka Tubta Nabadda, ayaa sheegay in inkastoo ka jawaabista abaarta ay tahay ahmiyad weyn xilligan, hadana shirka looga hadli doono maalin-galin lagu sameeyo dhaqaalaha Soomaaliya si aysan mar dambe u dhicin abaar weyn. Waxa uu sidoo kale sheegay shirka looga hadlayo qaab dhismeedka mustaqbal ee ciidamada amniga dalka yeelanayo.

Michael Keating waxa uu sheegay in shirka sidoo kale looga hadlayo heshiisyada dhaxmaray dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, sida awood qaybsiga, canshuuraha, qaybsiga daqliga iyo kheyraadka dalka uu leeyahay iyo sidoo kale sidii lagu gaari lahaa doorasho qof iyo cod ah.

Ergayga Qaramada Midoobay, waxa uu sheegay in heshiiska iyo qaab dhismeedka hay’adaha amniga ay muhiimad gaar ah leeyihiin, si loo helo ciidamo boolis, meleteri iyo sirdoon dalka oo dhan ah, qof walbana uu aamin karo. Waxa uu xusay in qaab dhismeedka amniga uu hoosta ka xariiqayo xiriirka dhinaca Amniga ee ka dhaxeeya Dowladda federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada.

Ergayga gaarka ah, ayaa wareysiga uu siiyey barnamaijka Tubta NABADDA, waxa uu ku sheegay in Madaxweynaha dowladda federaalka ah uu yahay hoggaamiyaha qaranka Soomaaliya balse uu ku faraxsan yahay in madaxweynayaasha dowlad goboleedyada lagu martiqaaday shirka London, taasina ay tahay arrin aad u muhiim ah.

Michael Keatinga, ayaa hoosta ka xariiqay in shirka magaalada London sidoo kale looga hadli doono qaabka loo wajahayo baahida ah dib u eegis lagu sameeyo dastuurka dalka, si si dhab ah loogu qeexo waxa uu noqonayo xiriirka ka dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada dalka.

Michael Keating oo ka hadlay Shirka London

0

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating ayaa sheegay in Ujeedada shirka London ay tahay in dowladda cusub ee Soomaaliya la siiyo fursad ay ku soo bandhigto waxyaabaha mudnaanta u leh iyo in laga wad-hadlo iskaashiga dhaxmaraya dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Keating oo wareysi siiyey barnaamijka Tubta Nabadda, ayaa sheegay in inkastoo ka jawaabista abaarta ay tahay ahmiyad weyn xilligan, hadana shirka looga hadli doono maalin-galin lagu sameeyo dhaqaalaha Soomaaliya si aysan mar dambe u dhicin abaar weyn. Waxa uu sidoo kale sheegay shirka looga hadlayo qaab dhismeedka mustaqbal ee ciidamada amniga dalka yeelanayo.

Michael Keating waxa uu sheegay in shirka sidoo kale looga hadlayo heshiisyada dhaxmaray dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, sida awood qaybsiga, canshuuraha, qaybsiga daqliga iyo kheyraadka dalka uu leeyahay iyo sidoo kale sidii lagu gaari lahaa doorasho qof iyo cod ah.

Ergayga Qaramada Midoobay, waxa uu sheegay in heshiiska iyo qaab dhismeedka hay’adaha amniga ay muhiimad gaar ah leeyihiin, si loo helo ciidamo boolis, meleteri iyo sirdoon dalka oo dhan ah, qof walbana uu aamin karo. Waxa uu xusay in qaab dhismeedka amniga uu hoosta ka xariiqayo xiriirka dhinaca Amniga ee ka dhaxeeya Dowladda federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada.

Ergayga gaarka ah, ayaa wareysiga uu siiyey barnamaijka Tubta NABADDA, waxa uu ku sheegay in Madaxweynaha dowladda federaalka ah uu yahay hoggaamiyaha qaranka Soomaaliya balse uu ku faraxsan yahay in madaxweynayaasha dowlad goboleedyada lagu martiqaaday shirka London, taasina ay tahay arrin aad u muhiim ah.

Michael Keatinga, ayaa hoosta ka xariiqay in shirka magaalada London sidoo kale looga hadli doono qaabka loo wajahayo baahida ah dib u eegis lagu sameeyo dastuurka dalka, si si dhab ah loogu qeexo waxa uu noqonayo xiriirka ka dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada dalka.

Wasiiru dowlaha Arrimaha gudaha oo kaalmo gaarsiiyay qoysas ku nool deegaanno hoostaga Gobolka Shabeelaha Dhexe

0

Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Faarax Wehliye, oo ay ka mid yihiin Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Mudane Cabdullaahi Maxamuud, ahna xubin ka tirsan guddiga Qaran ee gurmadka Abaaraha iyo xubno kale ayaa maanta kormeer howleed waxa ay ku tegeen deegaanno ay ka midyihiin Jameeco Misri, Kulmis yareey, Maqdis iyo Xawaadleey oo 7km u jirta magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wafdiga ayaa markii ay halkaasi gaareen waxaa ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan iyo mas’uuliyiinn kale, waxaana ay wafdiga u kuurgalayeen xaaladaha ay ku suganyihiin shacabka ku nool tuulooyinka ay socdaalka ku tegeen, iyagoo halkaasi gaarsiiyey deeq raashin ah oo Guddiga Qaran ee gurmadka abaaraha ugu talagalay bulshada deegaannadasi ku nool.

Qoysaska ku nool deegaannada ay maanta kormeerka ku tegeen Wafdiga ka socday Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ahaa kuwa ay saameyeen abaarta ka jirta Gobollada Dalka iyo dagaal beeleedyo, waxaana shacabka deegaannadaasi ay ka mahadceliyeen kaalmada la soo gaarsiiyay.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin kaalmada la soo gaarsiiyay qoysaska ku dhibaateysan tuulooyinka ay maanta wafdiga kormeerka ku tegeen, isagoo xusay in kan maamul ahaan ay ku guuleysteen xalinta beelaha ku dagaalamay deegaannada gobolka Shabeelaha Dhexe.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Maxamuud ayaa sheegay in ujeeddada socdaalka ay tahay u kuurgelidda xaaladaha qoysaska ku nool deegaanada hoostaga Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Faarax Wehliye ayaa tilmaamay in door muuqda ay Wasaaraddu ka qaadan doonto sidii dib u heshiisiin loo dhex dhigi lahaa walaaha halkaasi ku dagaalamay.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa sheegay in ay joogteyn doonaan sidii gurmad loogu fidin lahaa qoysaska ay abaartu saameynta ku yeelatay.

Wariyaha Wakaaladda SONNA Cabduqaadir Maxamed Cadde oo qeyb ka ahaa wafdiga maanta socdaalka ku tegay tuulooyinka hoostaga gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku soo waramay in socdaalkooda uu ku soo idlaaday guul.