Wasiirka Caafimadka oo booqatay dhaawacyadii la dhigay Cusbitaalka Digfeer

Date:

Wasiir Fowsiya  Abuukar Nuur  oo ay wehliyaan qaar ka mid ah howlwadeennada wasaaradda ayaa booqday  Cusbitaalka Digfeer oo la dhigay 15 ruux oo ka mid ah dadkii ku dhaawac may qaraxii ka dhacay agagaarka Wadada Shaqaalaha iyadoo mid mid u gacan qaaday lana wadaagta xanuunka Soo gaaray.

Qaar ka mid ah Dhaqaatiirta Cusbitaalka ayaa warbixin kooban ka siiyay sida ay tahay xaladda dadka hadda yaalla cusbitaalka oo gaaraya todobo ruux oo dhaawacyo daran qaba.

Wasiirka Caafimaadka Dowladda federaalka Soomaaliya  Dr Fowsiyo Abuukar  ayaa sheegtay in dhaqaatiirtu u sheeegeen in cusbitaalka la keenay 15 oo mid ka mid ah intii  loo fidinayay  Daryeel caafimaad uu geeriyooday halka todobo kale oo helay adeeg caafimaad dib ay ugu laabteen guryahoodii  todobo kale oo xaaladdoodu daran tahayna lala tacaalayo.

“Dhaqaatiirta Cusbitaalka aad ayay u mahadsan yihiin sida ay ugu dadaalayaan Daweynta Dhaawacyada daran  Allaha unaxariisto intii dhimatay inta dhaawacanna Allaha  Caafimaad Siiyo” Sidaasi waxaa yiri  wasiirka Caafimaadka Dowladda Soomaaliya Dr Fowsiya Abuukar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka cadaaladda XFS oo qaabbilay 𝐒𝐚𝐟𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐰𝐞𝐝𝐞𝐧 𝐮 𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐲𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 XFS 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧...

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Amb. Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo booqday xarunta taliska ciidanka xudduudaha ee dowladda Ciraaq

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Dekadda Muqdisho oo yeelatay khad toos ah oo isku xiraya Soomaaliya iyo Shiinaha

-Dekadda Magaalada Muqdisho waxaa shalay si toos ah ugu...