Michael Keating oo ka hadlay Shirka London

Date:

Muqdisho(SONNA):–Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating ayaa sheegay in Ujeedada shirka London ay tahay in dowladda cusub ee Soomaaliya la siiyo fursad ay ku soo bandhigto waxyaabaha mudnaanta u leh iyo in laga wad-hadlo iskaashiga dhaxmaraya dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Keating oo wareysi siiyey barnaamijka Tubta Nabadda, ayaa sheegay in inkastoo ka jawaabista abaarta ay tahay ahmiyad weyn xilligan, hadana shirka looga hadli doono maalin-galin lagu sameeyo dhaqaalaha Soomaaliya si aysan mar dambe u dhicin abaar weyn. Waxa uu sidoo kale sheegay shirka looga hadlayo qaab dhismeedka mustaqbal ee ciidamada amniga dalka yeelanayo.

Michael Keating waxa uu sheegay in shirka sidoo kale looga hadlayo heshiisyada dhaxmaray dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, sida awood qaybsiga, canshuuraha, qaybsiga daqliga iyo kheyraadka dalka uu leeyahay iyo sidoo kale sidii lagu gaari lahaa doorasho qof iyo cod ah.

Ergayga Qaramada Midoobay, waxa uu sheegay in heshiiska iyo qaab dhismeedka hay’adaha amniga ay muhiimad gaar ah leeyihiin, si loo helo ciidamo boolis, meleteri iyo sirdoon dalka oo dhan ah, qof walbana uu aamin karo. Waxa uu xusay in qaab dhismeedka amniga uu hoosta ka xariiqayo xiriirka dhinaca Amniga ee ka dhaxeeya Dowladda federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada.

Ergayga gaarka ah, ayaa wareysiga uu siiyey barnamaijka Tubta NABADDA, waxa uu ku sheegay in Madaxweynaha dowladda federaalka ah uu yahay hoggaamiyaha qaranka Soomaaliya balse uu ku faraxsan yahay in madaxweynayaasha dowlad goboleedyada lagu martiqaaday shirka London, taasina ay tahay arrin aad u muhiim ah.

Michael Keatinga, ayaa hoosta ka xariiqay in shirka magaalada London sidoo kale looga hadli doono qaabka loo wajahayo baahida ah dib u eegis lagu sameeyo dastuurka dalka, si si dhab ah loogu qeexo waxa uu noqonayo xiriirka ka dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada dalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...