Amarkii Madaxweyne Farmaajo Kadib Jidgooyadii Sharci Darada Ee Yaalay Afgooye Oo La Qaaday

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu Haggaaminayay ayaa Shalay oo Isniin aheyd Socdaal Shaqo oo dhinaca dhulka ah ku tagay Degmada Afooye oo Qiyaastii 30Km dhinaca Galbeed kaga aadan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markuu Afgooye Gaaray Kulan Gaar ah la qaatay Maamulka iyo Qeybaha Bulshada ee deegaankaasi, isagoo ka dhageystay warbixino la xiriiray Ammaanka, Hormarka deegaanka iyo cabashooyin ay qabeen bulshada.

Ganacsatada iyo Qaar kamid ah Waxgaradka Degmada ayaa Madaxweynaha u gudbiyay Cabshooyin ku aadan Canshuurta iyo Jidgooyada Sharci darrada ah ee yaalla inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye,

Qeybaha Bulshada ayaa Madaxweynaha u sheegay in maalin kasta dilal ay ka dhacaan waddooyinka iyo suuqyada Magaalada Afgooye, iyadoo hadane aysan jirin daryeel bulsho oo wax loogu qabanayo ganacsatada iyo gaadiidka marka laga reebo in lacag laga uruursado hadan aysan gaarin qasnadda Dowladda.

Intaas Kadib Madaxweynaha oo Hadalka qaatay ayaa Amar ku bixiyay in la joojiyo Qaadista Canshuurta gudaha dagmada Afgooye laga billaabo shalayna aan wax Jidgooyo ah lagu arki Karin wada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

“Laga bilaabo maanta qofkii lagu arko isaga oo isbaaro taagan naga mid ma aha. Haddii aad aragtaan qof lacag idinka aruursanaya waan la wada dagaallameynaa ee noo soo sheega. Ma jiri doono qof dhar ciidan wata oo isbaaro dad ku dhici kara. Ciidamadeenna annaga ayaa xuquuqdooda iyo mushaarkooda inaan bixinno diyaar u ah.” Ayuu Yiri Madaxweyne Farmaajo.

Hadaba Maxaa Ka Hirgalay Amarkii Madaxweynaha?

Suuqyada kala duwan ee Ganacsiga dagmada Afgooye waxaa maanta si buuxda uga dhaqangalay Amarkii Madaxweynaha, Waxaana hakad lagaliyay Canshuurtii laga qaadi jiray goobaha Ganacsiga iyo Seyladda lagu Iibiyo Xoolaha.

Muumin Sh Nuur Waxa uu ka midyahay Waxgaradka Degmada Afgooye, Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA oo qadka talefoonka kula xiriirtay waxa uu u sheegay in maanta haba yaraatee aysan jirin wax Canshuur ah oo laga qaadayo Suuqyada Magaalada, islamarkaana maamulka dagmada uu fuliyay Amarkii uu bixiyay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

“Ganacsatada iyo dadweynaha magaalada Afgooye tallaabada ay dowladda Qaaday aad bay u soo dhaweynayaan, gaadiidka dadweynaha ee ku safra jidka u dhexeeya Xamar iyo Afgooye maanta laga qaadin wax Jidgooyo ah, sidoo kale suuqyada ganacsiga waxaa la hakiyay canshuurtii aan ka cabanay” ayuu yiri Muumin.

Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda Gobalka Shabeellaha Hoose Cabdifitaax Cabdulle Yuusuf  oo isna la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA wuxuu sheegay in maanta la fuliyay Amarka Shalay uu bixiyay Madaxweynaha Soomaaliya, islamarkaana maanta ay kormeereen Waddooyinka iyo suuqyada dagmada Afgooye si loo hubiyo Fulinta Amarkaasi.

“SONNA aad ayaan idinkugu Mahad Celineynaa howsha aad Dalka u heysaan, maanta waxaan kormeernay Wadooyinka ay hore jidgooyada u taalay iyo sidoo kale suuqyada Ganacsiga Dagmada Afgooye, si wanaagsan ayay arrintaasi u hirgashay, maanta ma jiro Isbaaro taalla wadada, sidoo kalana Canshuurtii dadweynaha ay ka cabanayeen waa la joogjiyay. Sidaasi Waxaa Yiri Mudane Cabdufartaax.

Fulinta talaabadaan ayaa muujineysa soo celinta kalsoonida shacabka ay ku qabaan dowladdooda, waxayna meesha ka saareyso Jidgooyada Sharci darada ah iyo Canshuurta aan ku dhicin qasnadda dowladda.

Waxaana dhihi kartaan “Amarkii Madaxweynaha Ee Qaadista Jidgooyada Wuu Fulay”

 

W/D:- Ismael Mukhtaar Omar “Orange”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...