Home Blog Page 1703

Faah-faahin Safarka Madaxweynaha ee Landon (SAWIRRO)

0

Muqdisho(SONNA):–Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa saakay ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho isagoo ku sii jeeda Dalka Britain, haakaas oo uu Madaxweynuhu ku shir gudoomin doono shir Caalami oo laaga hadlayo Arimaha Soomaaliya.

Safarka madaxweynaha waxaa ku wehliyey R/wasaare ku-xigeenka Dalka, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Madaxweynaasha Dowlad Gobaleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya C/nuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in shirkaas ay Dowladdu la hortagi doonto Qorshoyaal ku saleysan Baahida Soomaaliya Xiligan ay qabto.

Ajandayaasha Shirka looga London looga hadli doono ayaa kala ah Arrimaha Amaniga ,Kobcinta dhaqaalaha,Siyaasada ,Dib u eegista Dastuurka iyo Wadashaqaynta Beesha Caalamka iyo Dowladda 4-Sanao ee soo socota.

Shirka  ayaa dhici doona maalmaha Arbacada iyo Khamissta oo ku beegan 10-ka ilaa 11-ka bishan, waxaana haatan London ka socda shirar la xiriira qabanqaabada shirka.

War-Murtiyeedka Shirweynaha Qaran ee Wada-tashiga Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada(Sawirro)

0

Muqdisho(SONNA):—-Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ayaa soo qabanqaabisay Shirweynaha Qaran ee Wada-tashiga Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, kaasoo ka socday magaalada Muqdisho intii u dhexeysay 6da illaa 8da May 2017ka.

Shirweynahan oo uu furay Wasiirka Koowaad, Mudane Xasan Cali Kheyre, waxaa ka soo qeyb galay illaa 60 xubnood oo ka kala socda Xafiisyada Madaxtooyada iyo Wasiirka 1aad, Guddiga Baarlamaanka ee Isgaarsiinta, hay’adaha federaaliga ah sida Garyaqaanka Guud, Bankiga Dhexe, wasiirrada isgaarsiinta ee dawlad-goboleedyada ee Puntland, Koofur Galbeed, Jubaland, Galmudug & Hirshabeele, shirkadaha isgaarsiinta iyo adeegga internet-ka, iyo ururrada ay ku mideysan yihiin jaamacadaha.

Shirweynahan oo uu soo xiray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa ujeeddooyinkiisa waxaa ugu muhiimsanaa sidii loo dhisi lahaa kalsoonida dhinacyada iyo sidii bog cusub loogu furi lahaa xiriirka Wasaaradda iyo dhinacyada ay khuseyso, isla markaana looga wada shaqayn lahaa wadaagista xogta iyo qorshayaasha

TALOOYINKA SHIRWEYNAHA
Ergadii ka soo qeybgashay shirweynaha qaran ee wada-tashiga isgaarsiinta iyo teknolojiyada waxay soo jeediyeen talaabooyinka hoos ku xusan:

QODOBO GUUD

1. In Wasaaraddu joogteyso kulamada noocan oo kale ah oo lagu kala warqaadanayo, lagu waadagayo qorshayaasha, isla markaana lagu dhisayo kalsoonida dhinacyada, iyada oo Shirweynaha kan xiga lagu qaban doono dowlad-goboleedka Jubbaland.

2. In la xoojiyo xiriirka ay Wasaaraddu la leedahay wasaaradaha qaabilsan isgaarsiinta ee dawlad-goboleedyada, iyadoo Wasaaraddu adeegyadeeda u sii marsiinayso wasaaradahan,

3. In qorshaha wasaaradda ee seddexda sano ee soo socota laga tixgeliyo qiimeynta baahiyaha dhinaca tiknolojiyadda iyo isgaarsiinta dowlad goboleedyadda.

4. In la xoojiyo wadashaqeynta wasaaradda iyo shirkaddaha isgaarsiinta, internetka iyo bahda waxbarashada, si loo horumariyo adeegyada ay bixiyaan.

5. In adeega astaanta qaranka ee internetka Dot.SO la gaarsiiyo dhamaan hay’adaha dowladda ee federaalka iyo kuwa maamul goboleedyadda iyada howshaasna ay gacanta ku hayso wasaaradda.

6. Wasiiradda isgaarsiinta ee dowlad goboleedyadda waxa ay soo jeediyeen in mashruuca taakuleynta isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda (ICT) lagu saleeyo baahida iyo mudnaanta deegaanadooda ka jirta si uu u yeesho saameyn waxgal ah.

ISGAARSIINTA & INTERNET

7. In baahi weyn loo qabo in la meel-mariyo xeerka isgaarsiinta ee qaranka oo aasaas u noqon doonta maareynta hirarka, shatiyada, iyo xiriirka ka dhexeeya dawladda iyo dhinacyada uu khuseeya xeerkan, fulintiisana loo dhaadhiciyo ilaa heer dowlad goboleed.

8. In Wasaaraddu ka shaqeyso sidii ay shirkaduhu u heli lahaayeen hal albaab oo ay u maraan dawladda, gaar ahaan dhinacyada rukhsadaha, canshuuraha, iwm.

9. Shirkaduhu waxay codsadeen in Dawladdu kala shaqeyso sidii loo abuuri lahaa jawi ku habboon ganacsigooda, iyadoo laga caawinayo sidii loo yareyn lahaa caqabadaha haysta shirkadaha ee xiriirka la leh arrimaha amniga.

TEKNOLOJIYADA IYO WAXBARASHADA

10. In Wasaaraddu hormuud ka noqoto sidii teknolojiyada casriga ah loogu adeegsan lahaa adeegyada kala duwan ee dowladda sida ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka, maaliyadda, iwm.

11. In la dhiirrigeliyo dhismaha machadyo farsamo oo dhinaca teknolojiyada, lana dhiirrigeliyo hal-abuurka dhallinyarada ee la xiriira arrimaha teknolojiyada si loo kobciyo shaqo-abuurka.

12. In kor loo qaado aqoonta cilmiga tiknolojiyadda ee shaqaalaha dowladda iyada oo dib loo howl gelinayo Machadka qaran ee isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda.

13. In Wasaaraddu kala shaqeyso Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare sidii manhajka waxbarashada Soomaaliya loogu dari lahaa maaddo la xiriirta teknolojiyada oo ka soo billaabaneysa heer hoose.

14. In dawladdu ay caawiso ururrada cilmibaarista iyo dalladaha waxbarashadda xarumo u qaabeysan sida maktabadaha oo ay ardeydu ka heli karaan adeegyada la xiriira teknolojiyada iyo adeeg Internet jaban.

15. In jaamacadaha Soomaaliyeed lagu dhiirri-geliyo inay ka faa’iideystaan adeegga astaanta qaranka ee internetka ee u gaarka ah waxbarashada (.edu.so).

Gabagabadii Shirweynuhu wuxuu si weyn ugu mahad celinayaa dhammaan ka-qeybgalayaasha, si gaar ah wuxuu shirweynuhu ugu mahadcelinayaa Madaxda iyo aqoonyahannada sida fir fircoon uga qeyb galay shirka.

Ugu dambayntii Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan, wuxuu u mahad celinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullahi (Farmaajo), Guddoomiya Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyo Ra’iisul Wasaaraha JFS Mudane Xasan Cali Kheyre oo taageero buuxda u muujiyay hawlaha ay waddo Wasaaradda.

Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha,
Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada

Communiqué of the National ICT Consultation Conference

0

The Ministry of Posts, Telecommunications and Technology (MPTT) held a 3-day national consultative conference on telecommunications and technology in Mogadishu from 6th to 8th May 2017.

The conference, which was officially opened by the Prime Minister and closed by the Speaker of the Parliament, had more than 60 representatives from Office of President, Office of the Prime Minister, Minister, State Minister and Deputy Minister of Posts, Telecom and Technology, Parliamentary Committee on Information and Telecom, State Attorney General, Central Bank, and ministries in charge of telecommunications from federal states of Puntland, Southwest, Jubbaland, GalMudug, and HirShabelle, telecom and ISP operators, and university associations.

The conference, which was closed by the Speaker of the Parliament, shows the Ministry’s commitment to build confidence within stakeholders, exchange information and ideas through direct communication, and share Ministry’s annual plans for the sector.

RECOMMENDATIONS
After extensive discussions and exchanging views, the followings recommendations were made:

GENERAL ISSUES
1. The Ministry shall maintain close partnership with relevant state-level ministries through direct communications and by organizing similar meetings to help stakeholders share information, plans and build confidence among them. The next national conference is planned to be held in Jubbaland.
2. The Ministry shall strengthen the existing relations between the Federal Ministry and state-level ministries in charge of telecommunications by devolving the federal services through the states.
3. The Ministry shall take into consideration the needs of the state-level ministries in charge of telecommunications in the areas of telecommunications and technology.
4. The Ministry shall strengthen its partnership with telecom operators, ISPS and university associations for advancement of the sector.
5. The Ministry shall endeavor to promote and expand the services of Somalia’s top-level domain (dotSO) to all federal and state-level institutions.
6. State-level ministers in charge of telecom and technology underscored the need to review the World Bank-funded ICT Support Project so that it may reflect the priorities of the beneficiaries and have an effective impact on their institutions.

TELECOM AND INTERNET
7. The participants unanimously agreed the urgent need for sector to have the Telecommunications Act passed. The Act, once implemented, will address serious challenges the sector is currently facing in the areas of spectrum management, licensing, taxation, government-sector relations, etc.
8. The sector requests the Ministry to facilitate the establishment of a one-stop solution for all issues related to registration, licensing, taxation, etc.
9. The telecom operators and ISPs ask the Ministry to work with other government agencies in creating a conducive environment for sector, especially in their movements during emergency times.

TECHNOLOGY AND EDUCATION
10. The Ministry shall encourage the use of ICT in all government institutions in order to improve security, revenue collection, and other government services.
11. To promote the establishment of ICT vocational schools and encourage technology-based innovation amongst the youth to help them create more employment opportunities.
12. To enhance the capacity of civil servants in the use of ICT through re-launching of the National Institute for Telecom and Technology.
13. The Ministry shall work with the Ministry of Education in the incorporation of ICT in Somalia’s school curriculum so that children may embrace technology at an early stage.
14. The Ministry shall help education and research institutions in the promotion of ICT in education and in promoting ICT centres where students can access cost-effective ICT services.
15. Promote Somalia’s top-level domain, especially (.edu.so), within the education sector so that they can access specialized services for them.

Finally, the Conference expresses its gratitude to all the conference participants, especially to the chair and MPs from the Parliamentary Committee on Information and Telecom, the State Attorney General, ministers from state ministers of telecommunications, and intellectuals who shared their experiences with the ICT sector.

Lastly, the Minister for Posts, Telecom and Technology, H.E. Eng Abdi Ashur Hassan, extends his special gratitude to the president of the Federal Republic of Somalia, His Excellency Mohamed Abdullahi Mohamed; Speaker of the Parliament, Hon. Mohamed Sheik Osman (Jawari); and H.E. Hassan Ali Khaire, Prime Minister, who all expressed their support for the work that the Ministry is currently undertaking.

National Consultation Conference on ICT
Mogadishu May 8, 2017

War-Murtiyeedka Shirweynaha Qaran ee Wada-tashiga Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada

0

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ayaa soo qabanqaabisay Shirweynaha Qaran ee Wada-tashiga Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, kaasoo ka socday magaalada Muqdisho intii u dhexeysay 6da illaa 8da May 2017ka.

Shirweynahan oo uu furay Wasiirka Koowaad, Mudane Xasan Cali Kheyre, waxaa ka soo qeyb galay illaa 60 xubnood oo ka kala socda Xafiisyada Madaxtooyada iyo Wasiirka 1aad, Guddiga Baarlamaanka ee Isgaarsiinta, hay’adaha federaaliga ah sida Garyaqaanka Guud, Bankiga Dhexe, wasiirrada isgaarsiinta ee dawlad-goboleedyada ee Puntland, Koofur Galbeed, Jubaland, Galmudug & Hirshabeele, shirkadaha isgaarsiinta iyo adeegga internet-ka, iyo ururrada ay ku mideysan yihiin jaamacadaha.

Shirweynahan oo uu soo xiray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa ujeeddooyinkiisa waxaa ugu muhiimsanaa sidii loo dhisi lahaa kalsoonida dhinacyada iyo sidii bog cusub loogu furi lahaa xiriirka Wasaaradda iyo dhinacyada ay khuseyso, isla markaana looga wada shaqayn lahaa wadaagista xogta iyo qorshayaasha

TALOOYINKA SHIRWEYNAHA
Ergadii ka soo qeybgashay shirweynaha qaran ee wada-tashiga isgaarsiinta iyo teknolojiyada waxay soo jeediyeen talaabooyinka hoos ku xusan:

QODOBO GUUD
1. In Wasaaraddu joogteyso kulamada noocan oo kale ah oo lagu kala warqaadanayo, lagu waadagayo qorshayaasha, isla markaana lagu dhisayo kalsoonida dhinacyada, iyada oo Shirweynaha kan xiga lagu qaban doono dowlad-goboleedka Jubbaland.
2. In la xoojiyo xiriirka ay Wasaaraddu la leedahay wasaaradaha qaabilsan isgaarsiinta ee dawlad-goboleedyada, iyadoo Wasaaraddu adeegyadeeda u sii marsiinayso wasaaradahan,
3. In qorshaha wasaaradda ee seddexda sano ee soo socota laga tixgeliyo qiimeynta baahiyaha dhinaca tiknolojiyadda iyo isgaarsiinta dowlad goboleedyadda.
4. In la xoojiyo wadashaqeynta wasaaradda iyo shirkaddaha isgaarsiinta, internetka iyo bahda waxbarashada, si loo horumariyo adeegyada ay bixiyaan.
5. In adeega astaanta qaranka ee internetka Dot.SO la gaarsiiyo dhamaan hay’adaha dowladda ee federaalka iyo kuwa maamul goboleedyadda iyada howshaasna ay gacanta ku hayso wasaaradda.
6. Wasiiradda isgaarsiinta ee dowlad goboleedyadda waxa ay soo jeediyeen in mashruuca taakuleynta isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda (ICT) lagu saleeyo baahida iyo mudnaanta deegaanadooda ka jirta si uu u yeesho saameyn waxgal ah.

ISGAARSIINTA & INTERNET
7. In baahi weyn loo qabo in la meel-mariyo xeerka isgaarsiinta ee qaranka oo aasaas u noqon doonta maareynta hirarka, shatiyada, iyo xiriirka ka dhexeeya dawladda iyo dhinacyada uu khuseeya xeerkan, fulintiisana loo dhaadhiciyo ilaa heer dowlad goboleed.
8. In Wasaaraddu ka shaqeyso sidii ay shirkaduhu u heli lahaayeen hal albaab oo ay u maraan dawladda, gaar ahaan dhinacyada rukhsadaha, canshuuraha, iwm.
9. Shirkaduhu waxay codsadeen in Dawladdu kala shaqeyso sidii loo abuuri lahaa jawi ku habboon ganacsigooda, iyadoo laga caawinayo sidii loo yareyn lahaa caqabadaha haysta shirkadaha ee xiriirka la leh arrimaha amniga.

TEKNOLOJIYADA IYO WAXBARASHADA
10. In Wasaaraddu hormuud ka noqoto sidii teknolojiyada casriga ah loogu adeegsan lahaa adeegyada kala duwan ee dowladda sida ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka, maaliyadda, iwm.
11. In la dhiirrigeliyo dhismaha machadyo farsamo oo dhinaca teknolojiyada, lana dhiirrigeliyo hal-abuurka dhallinyarada ee la xiriira arrimaha teknolojiyada si loo kobciyo shaqo-abuurka.
12. In kor loo qaado aqoonta cilmiga tiknolojiyadda ee shaqaalaha dowladda iyada oo dib loo howl gelinayo Machadka qaran ee isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda.
13. In Wasaaraddu kala shaqeyso Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare sidii manhajka waxbarashada Soomaaliya loogu dari lahaa maaddo la xiriirta teknolojiyada oo ka soo billaabaneysa heer hoose.
14. In dawladdu ay caawiso ururrada cilmibaarista iyo dalladaha waxbarashadda xarumo u qaabeysan sida maktabadaha oo ay ardeydu ka heli karaan adeegyada la xiriira teknolojiyada iyo adeeg Internet jaban.
15. In jaamacadaha Soomaaliyeed lagu dhiirri-geliyo inay ka faa’iideystaan adeegga astaanta qaranka ee internetka ee u gaarka ah waxbarashada (.edu.so).

Gabagabadii Shirweynuhu wuxuu si weyn ugu mahad celinayaa dhammaan ka-qeybgalayaasha, si gaar ah wuxuu shirweynuhu ugu mahadcelinayaa Madaxda iyo aqoonyahannada sida fir fircoon uga qeyb galay shirka.

Ugu dambayntii Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan, wuxuu u mahad celinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullahi (Farmaajo), Guddoomiya Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyo Ra’iisul Wasaaraha JFS Mudane Xasan Cali Kheyre oo taageero buuxda u muujiyay hawlaha ay waddo Wasaaradda.

Shirweynaha Wada-tashiga Qaran ee Isgaarsiinta & Teknolojiyada
Muqdishi, 8da May 2017

Taariikh kooban: Aasaaskii Ururka Caalamiga ah ee Shaqaalaha Dunida ILO (Warbixin)

0

 Inkastoo xilligii kala duwanaa ee uu jireay bini’aadamka gaar ahaan  bilowgii hababkii ,dhul-goosiga iyo is-adoonsiga ee caalamka ay muuqdeen tacadiyo ku dhacayey dadka xoogsatada ah ama shaqaalaha haddana  waxaa si toos ah loo xusi karaa waqtigii ay soo ifbaxeen   kacaankii warshadaha oo ku beegnaa sanadkii 1770-kii,kaas oo  dalal badan ay  horumar ka gaareen dhinaca  warshadaha,iyo beeraha.

Dabayaaqadii qarnigii 18-aad waxaa bilowday dhaqdhaqaaqyo iyo kacdoonno lagu raadinayo in xoogsatada ka howlgala warshadaha,beeraha,macdan qodista iyo kuwa kale  ay helaan xuquuq iyo xoriyad dheeraad ah arintaasina waxa ay abuurtay  in uu isbadal ku yimaado dhinacyada ammaanka, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arimaha bulshada ee inta badan dalalka caalamka ah.

Xoogsatada ama  shaqaalaha oo ahaa dad muruqmaal ah oo dantu bidday in ay  ku shaqeeyaan duruufo adag oo u saamaxay in ay  dulqaad u yeeshaan dhibaatooyinkii kaga imaanayey milkiliyaasha ama loo shaqeeyaha,haddana waxay  gacan  ka geysteen xagga  waxsoosaarka iyo sameynta nuucyada kala duwan ee gaadiidka dadweynaha,sameynta biraha xadiidka, tareenada,maraakiibta,gawaarida,diyaaradaha iyo warshadaha dharka.

Tusaale ahaan Boqortooyada Ingiriiska oo gumeystay dalalka caalamka intooda badan iyo Mareykanka oo xornimo ka qaatay Boqortooyadaasi ayaa ahaa dalalkii ugu horeeyay ee aqoonsada midowga ururada xoogsatada ama shaqaalaha

Midowga xoogsatada Ingiriiska waxaa saarnaa cadaadis illaa laga soo gaaro sanadkii 1882-dii inkasta oo shaqaalaha ka howlgalayey magaalada London ay ahaayeen kuwo ka nolol wanaagsanaa kuwa gobolada kale sida Weylis,Iskotlan iyo Airlan,waxaana isla sanadkaasi goboladaasi ku fiday kacdoono shaqaale oo la doonayey in lagu madaxbaneeyo xoogsatada oo markii dambe qarnigii 19-aad ay u suurtagashay in ay helaan  wakiillo matalaya midowga ururada oo ka shaqeeya danaha xoogsatada haddaay ahaan lahaayeen shaqaalaha warshadaha,kuwa qoda macdanta,beeraha iyo kuwo kale.\

Markii ugu horeysay dalka Mareykanka waxaa qeybo kamid ah sanadkii 1882 lagu  qabtay maalin loogu magic daray maalinta shaqalaha,kadibna  waxaana sanadkii 1896-dii guud ahaan gobolada dalka Mareykanka ka bilowday aqoonsiga xoriyadda ay leeyihiin xoogsatada ama  shaqaalaha ,waxaana tallaabadaasi ku soo biiray dalal badan oo reer galbeed ah

xoogsatada dalka Faransiska waxa ay soo bilowdeen 1895–1914 inkastoo ay jireen maamullo fowdo ah oo adeegsanaayey awood. 1906 shaqaalaha ama xoogsatada dalkasi waxa ay ku andacoodeen in xornimo buuxda la siiyo midowga xoogsatada. 1909 qaar kamid ah maamulayaashii xoogsatada iyo boqolaal shaqaale ah ayaa la dilay kadib kolkii ciidamada Faransiiska ay isku dayeen in ay kala eryaan dad shaqaale isu soo baxay

Dhalashadii ururada xoogsatada dalka Talyaaniga  waxa a sanadkii 1861-dii kadib ay ku bilowdeen socod ama dhaqdhaqaaq gaabis ah oo ka muuqday xirfadaha   ururo kala duwan .3-dii June 1944 xilligaasi oo Talyaaniga uu ka qeybqaadanaayey dagaalkii labaad waxaa heshiis wada saxixay guddiyo ka socday ururada Shuuciga,Bulshada iyo Katooliga,kuwaas oo matalayey xoogsatada ama shaqaalaha ,isla markana doonayey  midowga  shaqaalaha .Sanadkii 1950-kii waxaa dalka Talyaaniga lagu aasaasay midowga shaqaalaha Talyaaniga Italiana del Lavoro )

Midowga xoogsatada dalka Kanada waxa uu ahaa mid jiray illaa 1800 kuwaas oo ay muuuqdeen sida midowga xoogsatada xirfadaha badaha xilligii ay socdeen dagaaladii lagu joojinaayey adoonsiga dadka ee snadkii 1812-kii . Midowga Xoogsatadii  kanada wxa ay horay xiriir ula lahaayeen farsamayaqaanada Ingiriiska ee ka tagay dalka Ingiriiska oo xambaarsanaa dhaqan ahaan ama fikradaha ay ku shaqeynayeen midowga xoogsatada Boqortooyada Ingiriiska. .Midowga Xoogsatada Ingiriiska ee ka howlgalaayey dalka Kanada ayaa xarumo badan oo xagga shaqada ah ku yeeshay dalkaasi. .Midowga xoogsatada Kanada waxa ay sidooo kale xiriir la lahaayeen ku Mareykanka.

Xisbiga shaqaalaha dalka Australia ayaa hogaaminaayey dhaqqdhaqaaqii shaqaalaha horaantii qarnigii 20-aad, Kaas oo orod ugalay in la dhameeyo xaaladaha caruurta lagu shaqeeyo,in la hormariyo badbaado qabka shaqaalaha,kordhinta mushaarooyinka midowga xoogsatada iyo kuwa aan ku jirin midowgaasi iyo kor u qaadidda waxyaabaha dabooli kara baahida bulshada sida nolosha,wxbarashada iyo yareynta saacadaha shaqada

Midowga shaqaalaha dalka Jaban waxa uu soo ifbaxay xiliyaddii(Meiji ) ee October 23, 1868  illaa  July 30, 1912 oo talada ay hayeen  boqortooyadii dalkaasi,waxyna illaa laga soo gaarat 1945-tii ay ahaayeen kuwo uu hooseeyay xuquuqda ay lahaayeen . Dagaalkii labaad markii uu Mareykanku qabsaday dalka jaban,waxaa bilowday dhiirigalinta iyo aasaaskii xornimo doonka ururad xoogsatada dalkaasi,isla markiiba waxaa xubno buuxa ka noqday 5-milyan oo shaqaale ah

Bilowgii qarnigii 19-aad dalalka Scandinavia midowga xoogsatada waxa ay ahaayeen kuwa ugu badan shaqaalaha dalalkaasi ,isla markaana heystay xaqa iyo xuquuqda shaqo .Tirada ugu bad ee xubno ka ah midowga xoogsatada ayaa xilligaasi lagu sheggay in ay ka jireen dalalka Sweden ,Denmark iyo Filland

Xoogagga shaqaalaha dalka Jarmalka waxa ay leeyihiin taariikh dib u galeysa kacaankii Jarmalka ee sanadkii 1848-dii ,illaa haddana waxa uu door muhiim ah ka qaataa dhaqaalaha dalkaasi iyo xagga wax soo saarka bulshada. .Muhiimaddda  ugu weyn ururada shaqaalaha waa  midowga  ururka xoogsatada shaqaalaha oo loo yaqaanno  (Deutscher Gewerkschaftsbund,kuwaas oo ay wakiilllo ka yihiin wax ka badan 6-milyan oo ruux.

Haddaba, Iyadoo lagaduulayo cabashooyinka iyo kacdoonada kale ee ay ku dhaqdhaqaaqeen xoogsatadii ku noolaa dalalka Yurub iyo kuwii kale  waxa ay sababeen in sanadkii 1919-kii la unko Ururka Caalamiga ah ee Shaqaalaha dunida ILO ,kadib kulan magaalooyinka Paris iyo Washington ay isugu yimaadeen wakiilada sagaal dal oo kala ah Belgium, Cuba, Czechoslovakia, France, Italy, Japan, Poland,Boqortooyada Ingiriiska iyo Mareykanka, kaas oo uu hogaaminaayey  Samuel Gompers oo ah madaxa shaqaalaha Federaalka ah ee Mareykanka AFI

Isla sanadkasi ,gaar ahaan bilihii January iyo April  waxaa la sameeyay dastuurka ururka shaqaalaha oo dhigayey in la yareeyo saacadaha haqada oo lagu soo kobo muddo 8-saacadood ah,dhowrista xuquuqda shaqaalaha,ilalinta dadka da’da ah iyo haweenka,iyadoo mudnaanta la siinayo  Urur ay ku mideysan yihiin xubno ka socda dowladaha,Shaqaalaha iyo xoogsatada oo maamula ururka caalamiga ah ee shaqaalaha dunida .

Waxaa marag-madoonto ah in dad badan oo xoogsato ah ay soo gaartay waxyeelooyin kala duwan oo isugu jiray dhimasho kumanaan ruux ah,dhaawacyo aan la qiyaasi Karin iyo  shilal kale mudadii ay socdeen kacdoonadii looga horjeeday milkilayaasha warshadah iyo beeraha sanadihii u dhaxeyay dabayaaqadii qarnigii 18-aad iyo bilowgii qarnigii 19-aad.

Dhismaha ururka ILO  ee shaqaalaha dunida sanadkii 1919-kii waxa  uu calaamad u noqday  soo afjaridda  dagaalkii koowaad ee calamka,kaas oo muujiyay kalsooni iyo is aaminsanaan caalamka ah oo aakhirkii keenay nabad dhameystiran oo salka ku heysa bulsho caddaalad ah.

Sanadkii 1920-kii,waxaa hogaamiyihii ugu horeeyay ee maamula ururka shaqaalaha dunida ILO loo doortay  France’s Albert Thomas waxaana labadii sano ee u horeysaay  xubno ka noqday 16 urur weyne halka 18-urur oo kale ay codsadeen in ay ku soo biiraan

1926 Guddi khuburo ah  of la socda howlaha ILO ayaa la sameeyay kuwaas oo howshodu aheyd kormeerka foomamka ama diwwnka ururda ku soobiiraya ILO ,guddigaasina waa mid illaa hadda shaqeeya ,wuxuuna ka koooban yahay xeerbeegto madax bannaan oo mas’uul ka ah in ay la socdaan warbixinada dowladaha  iyo soo bandhigidda sanad kasta warbixinada laga soo uruuriyo xoogsatada ama shaqaalaha dunida haddey ahaan lahaayeen tacadiyo loo geysto ama ammaanta ay leeyihiin.

Bishii  May 2012 waxaa hogaamiyihii ururka ILO ama Agaasimihii guud ee  tobnaad loo doortay  Guy Ryder oo u dhashay dalka Ingiriiska,waxaana uu mar kale ku guuleystay in la doorto shan sano oo kale.

W/qoray Shire Xasan Kulmiye

Madaxweynaha JFS oo goor-dhow u duulay Dalka Ingiriiska

0

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa saakay ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde isagoo ku sii jeeda Dalka Britain, haakaas oo uu Madaxweynuhu ku shir gudoomin doono shir Caalami oo laaga hadlayo Arimaha Soomaaliya.

Safarka madaxweynaha waxaa ku wehliyey R/wasaare ku-xigeenka Dalka, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Madaxweynaasha Dowlad Gobaleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya C/nuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in shirkaas ay Dowladdu la hortagi doonto Qorshoyaal ku saleysan Baahida Soomaaliya Xiligan ay qabto.

Ajandayaasha Shirka  London looga hadli doono ayaa kala ah Arrimaha Amaniga ,Kobcinta dhaqaalaha,Siyaasada ,Dib u eegista Dastuurka iyo Wadashaqaynta Beesha Caalamka iyo Dowladda 4-Sanao ee soo socota.

Shirka  ayaa dhici doona maalmaha Arbacada iyo Khamiista oo ku beegan 10-ka ilaa 11-ka bishan, waxaana haatan London ka socda shirar la xiriira qabanqaabada shirka.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo magacaabay Golaha Amniga Gobalka

0

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa soo saaray wareegto uu ku magacaabay Golaha Amniga Gobolka Banaadir, kaasi oo waajibaadkiisa shaqo uu noqon doono sugida Amniga iyo xasiloonida Gobalka Banaadir.

Afhayeenka Gobalka Banaadir oo lahadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Golahan uu Guddoomiye u yahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayna Xubin ka yihiin Golahan Xubnaha kala ah:-

1- Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Gobolka Banaadir ee dhinaca Amniga

2- Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir

3- Kuxigeenka Xeer Ilaaliyaha Qaranka

4- Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska

5- Taliyaha Nabadsugida

6- Taliyaha Qeybta 12-ka April ee Ciidamada Xoogga dalka

7- Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Gudoomiyaha Gobollka Banaadir oo AMISOM Ka mamnuucay Wadadda Maka Al-mukaraha soona saaray amaro kale.

0

Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in Gudoomiyaha Gobolka Benaadir Ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed uu Soo Saaray Amar Looga Mamnuucayo Maridda Gaadiidka Ciidanka AMISOM Wadadada Makka- Al-mukarama oo Ka Bilaabaneysa Isgooska Sayidka (Oto-Oto) Ilaa Isgooska Benaadir Laga Bilaabo Saacadaha 6:00 Subaxnimo Ilaa 12:00 Habeenimo.

Sidoo kale  Gudoomiyaha Gobolka Benaadir Ahna Duqa Magaaladda Muqdisho ayaa soo saaray  Amar Looga Mamnuucayo In Gawaarida La dhigto dhinacyadda Wadaddooyinka Maka Al-Mukaramaha iyo Wadada ka baxda Km4 ilaa garoonka Aadan Cadde.

Amaradan lagu diidayo in gawaaridda la dhigto dhinacyadda laamiga ayaa looga gol leeyahay in la yareeyo Qatarta ka dhalan karto qaraxyadda Gaawaarida lagu soo xiro oo ay dad badan oo shacab ah ku dhamaadaan , waana tilaabo wanaagsan oo qeyb ka noqon karto amniga Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul waasaraha oo booqday mid kamid ah maraakiibta howlgalka Atlanta

0

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa kulan saacado qaatay kula yeeshay , danjiraha midowga Yurub ee Soomaaliya, taliyaha howlgalka ATLANTA ee la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya markab dagaal oo ay leedahay dowladda Spain isla markaana qeyb ka ah howlgalka ATLANTA, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka wada shaqeyn iyo iskaashi oo ka dhexeeya Soomaaliya iyo midowga Yurub.

Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique Lorenzo oo saxaafada kula hadashay gudaha markab howlgalka ATLANTA ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay in ay Soomaaliya ka gacan siiyaan dib u soo celinta hey’adaha dowliga ah.

“Waxaan ka wada hadlney weeraradii u dambeeyay iyo sida aan ugu walacsan nahay falalka burcad badeeda, sida ugu wanaagsan oo aan dowladda Soomaaliya ugu caawin karno wax ka qabashada arintaas, anaga muddo dheer ma sii awoodi doono in aan ilaalino xeebaha Soomaaliya, waxaana ka shaqeynaynaa sidii loo heli lahaa in Soomaaliya ay ayadu awoodo in ay ilaashato amnigeed,” ayay tiri  MS. Lorenzo.

MAJ. Janaral Robert Magawan oo ah taliyaha howlgalka ATLANTA ee xeebaha dalka ayaa sheegay in shaqo wanaagsan ka qabteen biyaha Soomaaliya mudadii ay ka howlgalayeen isla markaana ay ka hortageen falal badan oo kooxaha burcad badeeda ah ay ka geysteen biyaha dalka, isagoo sidoo kale tilmaamay in bilihii u dambeeyay weerarada ka dhacay xeebaha dalka ay muujineyso sida burcad badeeda isugu dayayaan in ay mar kale dib u soo laabtaan.

Mudane Xasan Cali Kheyre, ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa midowga Yurub ugu mahadceliyay taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya, isagoona sheegay in midowga Yurub ay ka codsadeen xoojinta iyo dar dargelinta howlaha loogu hortagayo kaluumeyiga sharci darada ah ee ka dhacay biyaha Soomaaliya.

“ Waxaan ka wada hadalney sidii shaqooyinka ay wada qabtaan midowga Yurub iyo Soomaaliya ay noqon lahaayeen kuwo muuqda loona xoojin lahaa, sidii aan ugu wada shaqeyn laheyn in burcad badeeda anaga aan isaga difaaci laheyn tababar iyo qalabna loo siin lahaa ciidanka waana ku heshiiney sidii aan ugu wada shaqeyn laheyn,” ayuu sheegay ra’iisul was are Kheyre.

Dowladaha ku bahoobey ururka midowga Yurub ayaa Soomaaliya ka caawiya arimaha badan oo ay kamid tahay amniga iyo mashaariic horumarineed oo qeybo kamid ah dalka ay ka fuliyaan, iyadoo maraakiib dagaal oo dalalkaas ay leeyihiin ay ku sugan yihiin biyaha Soomaaliya kuwaas oo la dagaalama kooxaha burcad badeedka Soomaalida ah.

     

Warmurtiyeedka Shirka Wadatashiga Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya Muqdisho

0

Madaxda Wasaaradaha Warfaafinta ee Dowlada Federaalka ee Soomaaliya iyo dawlad goboleedyada xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo ay wehliyaan ururadda weriyayaasha iyo warbaahinta gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya, ayaa ku yeeshay Hoteelka Coconut Resort Beach ee magalada Muqdisho 6dii ilaa 8dii May 2017 Kulan wadatashi ah oo uu gudoominayey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar), ayaa furay shirka 6da May 2017, waxaana ka soo qaybgalay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska (WWDHD) ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow), Wasiir Ku-xigeenka (WWDHD) Mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis, Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Cabdinur Cali Adan, Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta Bulshada ee Koofur-Galbeed ee Soomaaliya Mudane Xasan Cabdi Maxamed, Wasiiru Dowlaha Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Hidaha iyo Dhaqanka ee Puntland Mudane Abdifatah Nur Ashkir , Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee GalMudug Dahir Farah Fiidow, Wasiir ku xigeenka Warfaafinta HirShabelle Abdikarin Maxamed Diriye, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqalka iyo Dalxiiska HirShabeelle, Mahad Xassan Osman.

Kulanka waxaa sidoo kale ka soo qayb galay Wakiilo ka socday Gobolada Banadir, iyo ururada madaxa bannaan ee saxaafadda gaarka loo leeyahay.

Shirkan waxaa la soo gabagabeeyay 8da May, 2017, waxaana soo xiray Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre.

Kulanka 3da cisho socday, ayaa lagu lafoguray arrimo ay ka mid yihiin:

1. Dib u eegista Xeerka Saxaafadda;
2. Dib u eegista Istraatejiyada Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya ee 5ta sano;
3. Diyaarinta Qorshaha & Istraatejiyada Wacyigelinta Bulshada Soomaaliyeed
4. Dhaqangelinta Istraatejiyada Qaranka ee Ka Hortaga Fikirka Xagjirka;
5. iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka, wadashaqeynta iyo Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya.

Wadatashi dheer kadib, ka qeybgalayaashu, waxey isla garteen qoddobadan soo socda:

1. Ka qeybgalayaasha shirku, waxay u mahadceliyeen Wasaarada Warfaafinta Dowladda Federaalka iyo Wasaaradaha Warfaafinta Dowlad Goboleedyada sida wanaagsan ee ay u soo abaabuleen shirkan muhiimka ah, waxayna soo dhoweeyeen una mahadceliyeen madaxda iyo suxuufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay ee ku aadan doorkooda wadatashiga iyo soo gudbinta fikradahooda ku aadan arrimaha lagu lafoguray shirka.
2. Ka qeybgalayaashu, waxay isla qiimeeyeen duruufaha ay ku shaqeeyaan weriyayaasha iyo guud ahaan warbaahinta Somaaliyeed, waxayna ammaaneen horumarka laxaadka leh ee ay sameynayso warbaahinta Soomaaliyeed. Waxayna xaqiijiyeen in dawladda Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta xoriyadda Saxaafadda iyo xoriyatul qowlka sida uu qabo qodobka 18-aad ee dastuurka KMG ah ee dalka.
3. Ka qeybgalayaashu, waxay isla garteen in ay dib u eegis lagu sameeyo qodobada cabashada laga qabo ee Xeerka Saxaafadda Soomaaliyeed ee baarlamaanku ansixiyay 26 December, 2015, madaxwaynuhuna saxiixay 9 January, 2016. Kaasoo la soo jeediyay in muddo laba todobaad gudahood ah ay dowlad goboleedyada iyo saxaafaddu ugu soo gudbiyaan wasaaradda warfaafinta si xeerku noqdo mid la jaanqaadi kara nidaamyada caalami ah ee saxaafadda.
4. Ka qeybgalayaashu, waxay isku raaceen in Xeerka Saxaafadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, uu noqdo kan qaranka, ayna Dowlad Goboleedyadu si buuxda u waafajiyaan xeerarkooda saxaafadda.
5. Ka qeybgalayaashu, waxay isla garteen in dhaqangelinta Xeerka Saxaafadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya laga wada shaqeeyo, bacdamaa xeerku uu maareeynayo cabashooyinka iyo hab-dhaqanka shaqsiyaadka ama hay’adaha warbaahinta ee ku xadgudba xeerka saxaafadda, anshaxa iyo asluubta warbaahinta. Waxaana la isla qaatay in ay lagama maarmaan tahay in dhammaan dalka laga sameeyo wacyigelin lagu sharaxayo muhiimadda dhaqangelinta xeerka saxaafadda. Fulinta barnaamijkan waxaa laga codsaday hay’adaha warbaahinta taageera iyo beesha caalamka in ay gacan ka geystaan dhaqangelinta Xeerka Saxaafadda.
6. Ka qeybgalayaashu, waxay dib u eegis ku sameeyeen isla markaasna ay isku waafaqeen in la dhaqangeliyo Istraatejiyadda Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya ee 5ta sano ee soo socota (2017 – 2021).
7. Ka qeybgalayaashu, waxay ku ballameen in ay si wadajir ah u wada dhaqangeliyaan Istraatejiyada, iyagoo kaashanaya shacabka, suxufiyiinta Soomaaliyeed, ururada matala warbaahinta iyo beesha caalamka. Waxaana marwalba door hoggaamineed iyo isku xir qaadanaya Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la tashaneysa Dowlad Goboleedyada, iyo qeybaha kale ee warbaahinta madaxa bannaan.
8. Ka qeybgalayaashu, waxay ku heshiiyeen in ay yeeshaan wadashaqeyn buuxda, oo dhan walba ah sida diiwaangelinta hay’adaha warbaahinta ka howlgala dalka, sharci-siinta hay’adahaas, iyo in ay xiriir wanaagsan ka yeeshaan arrimaha deegaan walba ku soo kordha. Waxaana hoggaanka iyo isku xirka marwalba leh Wasaarada Warfaafinta ee Dowladda Federaalka.
9. Ka qeybgalayaashu, waxay cambaareeyeen ficilada dilka, dhaawaca iyo hanjabaadaha ah ee kooxaha argagixisada ah ku hayaan umadda Soomaaliyeed, waxayna ciidamada amniga ugu baaqeen in ay gacanta ku soo dhigaan dembiilayaasha oo sharciga la hor keeno, si loo joojiyo isla-xisaabtan la’aanta, isla markaana dambiilayaasha aan loo oggolaan in ay bulshada ku dhexmilmaan, iyagoo aan cadaalada la horgeynin.
10. Ka qeybgalayaashu, waxay ammaan iyo mahadcelin u jeediyeen dawladaha iyo hay’adaha taageera warbaahinta Soomaaliyeed, waxayna ugu baaqeen in ay sii xoojiyaan taageeradooda xilligan warbaahinta Soomaaliyeed gelayso marxaladda cusub.
11. Ka qeybgalayaashu, waxay ugu baaqeen hay’adaha iyo ururada taageera warbaahinta Soomaaliya ama ka shaqeeya arrimaha warbaahinta in ay iska diiwaangeliyaan Wasaaradda Warfaafinta ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ay ka hawlgalayaan, una gudbiyaan taariikhdooda, qorshahooda iyo qorshe hawleedkooda, oo dhameystiran.
12. Ka qeybgalayaashu, waxay soo jeediyeen in Wasaaradda Warfaafinta Federaalka lagala tashto dhammaan mashaariicda warbaahinta ee hay’adaha caalamku ay ka fulinayaan dalka, oo aysan hay’adna ka howlgeli karin dalka, iyagoo aan oggolaansho ka helin Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ay ka howlgalaan.
13. Ka qeybgalayaashu, waxay xuseen in Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyadu ay ku midoobaan dhaqangelinta Wacyigelinta Bulshada sida Abaaraha, amniga, la dagaalanka Musuqmaasuqa, Dastuurka, nidaamka federaalka, doorashooyinka, dib-uheshiinta, Dowlad-wanaagga, la dagaalanka Jahliga iyo fikirka xagjirka ah. Waxaana la isla gartay in si mideysan, oo xilkasnimo leh looga wada howlgalo diyaarinta Qorshaha iyo Istraatejiyadda Wacyigelinta.
14. Ka qeybgalayaashu, waxay soo dhoweeyeen Istraatiijiyadda Qaranka oo Dhamesytiran ee ka hortagga fikirka xagjirka ah (CVE), isla markaasna waxay isla garteen muhiimadda dhaqangelinta Istraatiijiyaddaas, iyadoo Wasaaradaha Warfaafinta ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ay u istaagayaan isku-xirka iyo xiriirinta Barnaamijkan, iyagoo kaashanaya dhammaan hay’adaha ay khuseyso sida Wasaaradaha Amniga, Arrimaha Diinta, Waxbarashada, Dhalinyarada, Haweenka & Xuquuqul Insaanka iyo Garsoorka. Xarunta Qaranka ee iskuxirkana ay hoos-timaaddo Wasaaradaha Warfaafinta Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.
15. Ka qeybgalayaashu, waxay ku heshiiyeen in shirkan la joogteeyo, labadii biloodba marna lagu qabto mid ka mid ah caasimadaha dowlad goboleedyada dalka.
16.
Ugu dambeyntii ka qeybgalayaashu, waxay ka codsadeen hay’adaha caalamka iyo dowladaha taageera Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya in Shir Deeqbixiyeyaasha ah loo qabto sida ugu dhaqsiyaha badan si loo codsado miisaaniyada lagu fulinayo Istraatiijiyadda Warbaahinta Dalka, Xeerka Saxaafadda iyo Wacyigelinta Bulshada. Waxaana laga codsaday Kooxda Teegeerta Warbaahinta Soomaaliya (Somali Media Supporting Group (SMSG)) in ay door hoggaamineed ka qaataan hirgelinta kulanka yabooha horumarinta warbaahinta Soomaaliya.