WARGELIN:- Diiwaan Gelinta Tartan Cilmiyeedka Ramadan Ee Warbaahinta Qaranka Oo Bilaabatay

Date:

Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed Wuxuu ku Wargalinayaa Maamulada Degmooyinka Gobalka Benadir iyo Dowlad Gobaleedyada ka dhisan Dalka in Radio Muqdisho iyo SNTV ay sanadkii 7 si wadajir ah u qaban doonaan Tartan Cilmeeydka Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo hadda foodda nagu soo heyso.

Hadaba Guddigu Wuxuu Ogeysiinayaa Dhammaan Degmooyinka daneynaya ka qeybgalka tartanka in ay Araajida Codsiyadooda Ka Qeybgalka Tartan Cilmiyeedka ay Keensadaan Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska.

Shuruudaha Ka Qeygalka Tartanka.

  • Tartanka Waxaa Ka Qeybgalaya 17 Degmo Ee Gobalka Banaadir iyo Caasimadaha Magaallo Madaxyada Goballada Soomaaliya.
  • In tartameyaasha Dagmada ay Warqad Ogolaansho ka wataan Maamulka Dagmada ama Dowlad Gobaleedka ay matalayaan.
  • In Tartamiyaashu ay Codsigoodu ku Caddeeyaan Saddax Qof oo La heli karo Madada tartanku Socdo si loogala Xaajoodo wixii Quseeya ee ku saabsan Anshaxa iyo Habsami u Socodka Tartanka.
  • Waqtiga Qabashada Codsiyada Ka Qeybgalka Tartanka Waxa ay ku Egtahay 23 May 2017 .

Hadaba Wixii Faah faahin Intaas Dheer Kala Soo Xiriir Talefoonada Nabaradoodu Kala Yihiin:-

0617- 01 22 22, 0615- 33 77 80 Ama Fariin qoraaleed (SMS) 433.

The director of Radio Mogadishu and Parliament Relations

ADDRESS:

Warta Nabadda District,Near Villa Somalia Mogadishu, Somalia

Tel 00252-615510038

Email: abdijeite@hotmail.com

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Hirshabeelle oo furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta...

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada oo goordhow ka furmaya Jowhar

Magaalada Jowhar waxaa maanta lagu furayaa Shirka Madasha Arrimaha...

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha SoDMA

Madaxweynaha Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa xafiiskiisa Madaxtooyada...