Home Blog Page 1683

Madaxweynaha Puntland oo Garoowe Ku Qaabilay Qunsulka Dalka Hindiya Ee Soomaaliya

0

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa kuqaabilay wefti ka socdey safaarada Hindiya ee Soomaaliya oo uu hogaaminayey qunsulka dalka Hindiya ee Soomaaliya Mr Rajesh Swami.

Weftigani oo Garoowe soo gaaray maalinimadii shalay ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kanooko kusoo dhoweeyey Mas’uuliyiin ka tirsan golaha wasiirada Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, waxaana ay isla maata gelinkii hore kulan kula qateen Madaxtooyada Garoowe Wasiiro, Wasiir ku-xigeeno iyo saraakiil kale.

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland ayaa ugu horayn ku soo dhoweeyey weftigani Puntland, waxaana uu faahfaahin ka bixiyey xiriirka soo jireenka ah ee Puntland iyo dalka Hindiya kaas oo ay iska kaashan jireen arrimaha Ganacsiga iyo Waxbarasha, isla markaana waxa uu hoosta ka xariiqay in ay lagama maarmaan tahay in laga warhayo xiriirkaas soo jireenka ah.

Dhinnaca kale Qunsulka dalka Hindiya ee Soomaaliya  Mr Rajesh Swami ayaa dhankiisa sheegay inay diyaar u yihiin adkaynta iyo xoojinta xiriirka, isla mar’ahaantaana ay xooga saaridoonaan kuna fara adaygi doonaan sii jiritaanka iska garabsiga arrimaha Ganacsiga, Waxbarashada, Kalluumaysiga  iyo Caafimaadka.

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markasta ku hawlan kobcinta iyo sare u qaadida arrimaha Bulshada sida kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarasha, Caafimaadka iyo Biyaha.

Tahriibayaal laga soo badbaadiyay xeebaha dalka Talyaaniga

0

Ciidamada ilaalinta xeebaha dalka Talyaaniga ayaa soo badbaadiyay tahriibayaal isugu jira Soomaali iyo Afrikaan kale.

Maraakiibtan talyaaniga ah ayaa gurmad ballaaran u fidisay tahriibayaashan kaddib markii doonti ay wateen ay ku qar-qantay xeebaha jasiiradda Lampedusa ee dalkaasi Talyaaniga.

Tahriibayaal farabadan oo isugu jira Soomaali iyo Africaan kale ayaa hore ugu geeriyooday badda Mediterenimka ee u dhaxeysa Liibayo iyo Italy.

Tartamayaasha X/weyne oo wareegga labaad u gudbay caawa

0

Habeenkii Lixaad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta degmooyinka gobollada dalka oo uu taabagelinayo maamulka gobolka Benaadir, waxaa ku tartamay degmooyinka X/weyne iyo Kaxda oo ka wada tirsan gobolka Benaadir.

Labada degmo, waxaa ka weydiiyey su’aalihii tartanka ee toddoba su’aal degma walba, afar su’aallood kaddib wadarta guud ka dhigeysa sideed su’aal ayaa la galay qeybta  nasashada, iyadoo lagu soo gudbiyey warbixinnadii ka hadlayey Taariikhda labada degmo ee Kaxda iyo X/weyne ee gobolka Benaadir.

Natiijada Kaxda

Guddigiga tartanka ayaa dhammaadka su’aallaha kaddib shaaciyey natiijada tartanka, degmada Kaxda waxaa la weydiiyey toddobo su’aal, waxa ay si sax ah uga jawaabeen afar su’aal saddex waa ay iska qaldeen, wax kka faa’ideysi ahna ma  helin, sidaas ayeey ku heleen siddeed dhibcood.

Natiijada X/weyne

Sidoo kale degmada X/weyne waxaa la weydiiyey toddoba su’aal, si sax ah waxa ay uga jawaabeen saddex su’aal hal su’aal ka faa’ideysi ayeey ku heleen saddexna waa ay iska qadldeen, iyaguna waxa ay uruursadeen siddeed dhibcood, sidaa darteed guddiga ayaa shaaciyey  in loo baahan yahay su’aallo dheeri ah, maadaama ay isku dhibco noqdeen, waxaau lagu daray  min  saddex su’aal.

Natiijada su’aallaha dheeriga ah

Su’aallaha dheeriga ah ee lagu daray kaddib degmada Kaxda waxaa la weydiiyey saddex su’aal, waxa ay ka jawaabeen laba su’aal hal su’aalna waa ay iska qaldeen, sidaas ayeey ku uruursadeen wadarta guud 12 dhibcood.

Degmada X/weyne iyaguna waa la weydiiyey saddex su’aal oo dheeri ah, waxa ay ka jawaabeen laba  su’aal oo la weydiiyey mid saddexaad oo ka faa’dieysi ahna waa ay saxeen, sidaas darteed waxa ay uruursadeen 14 Dhibcood oo ay ugu gudbeen wareegga labaad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka.

Habeen dambe, waxaa tartami doona degmooyin Kaaraan oo gobolka Benaadir ka tirsan iyo degmada Boosaaso oo ka tirsan gobolka Bari Puntland.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wasaaradda Gaadiidka Badda oo soo saartay digniin

0

Wasaarradda Dekadaha iyo Gadiidka Badda ayaa dignin u dirtay ganacsatada Soomaaliyeed ee isticmaala Dekadaha dalka, maadama la gaaray xilligii bad xeranka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Mudane Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa waxa uu sheegay in lagaaray xilligii bad xeranka, ayna ugu digayaan maraakiibta iyo doon yaha yar yar isticmaalka badda maadama ay badda xilliyadan oo kale ka jiraan muujado iyo dabeeylo xoogan.

Agaasimaha Guud ayaa tilmaamay in maraakiibta uu culeys koodu ka yar yahay 1200 MT ilaa 1500mt iyo doon yaha yar yar ay isticmaali karin badda xilliyadan oo kale sanad waliba, loona baahanyahay in ganacsatadu aysan arrintan fududeysan oo ay ka digtoonaadaan maraakiibta ay isticmaalayaan.

Madaxweynaha Hirshabelle Oo Jaaliyadda ugu Baaqay inay Maalgashi ku Sameystaan Deegaanada Hirshabelle

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble oo maanta Dalka Dib ugu soo Laabtay kaddib Safaro Shaqo uu Ku Tagay  Dalalka Ingiriiska iyo Kenya ayaa ugu baaqay Jaaliyadda Reer Hirshabelle ee ku nool dalka dibadiisa in ay ka qeyb qaataan Horumarinta, Dib u dhiska iyo in ay maalgashtaan Deegaanada Hirshabelle.

Mudane Cali Cabdullaahi ayaa garoonka Diyaarada Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan labada Gole ee Hirshabelle iyo Xildhibaanno Ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay markii ay ka qeyb galeen Shirkii arrimaha Soomaaliya ee London in uu kulamo kale duwan uu la qaatay  Jaaliyadda Reer Hirshabeelle ee UK, isla markaana uu faah faahin ka siiyay howlaha Maamulka, sidoo kalena  ay ka wada hadleen sida lagama maarmaanka ay u tahay ka shaqeynta Horumarinta iyo Dib u dhiska Hirshabelle in ay ka qeyb qaataan iyo in maalgashi Ku sameytaan Hirshabelle oo fursado badan ay ka jiraan, loona baahanyahay in laga faa’ideysto, waxaana uu mar kale Jaaliyadda Reer Hirshabelle iyo Ganacsatada uu ugu baaqay in ay maalgashi ay Ku sameeystaan deegaanadoodi.

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in Magaalada Nairobi sidaas Oo kale kulamo uu La soo qaatay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Hirshabelle ee ku nool halkaasi, iyana ay ka wada hadleen la shaqeynta maamulka iyo ka qeyb qaadashada Xoojinta dowladnimada.

Ugu Dambeyntii Mudane Cali Cabdullaahi ayaa sheegay in ay dhowaanqorsheynayaan dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha iyo fulinta mashaariicyo Horumarineed oo laga fulinayo deegaanada iyo Degmooyinka Hirshabelle, waxaana bulshada uu ugu baaqay in ay la shaqeeyaan oo ay garab istaagaan.

DHAMAAD

 

      

Golaha wasiirrada oo ka hadlay dib u habeynta safaaradaha

0

Muqdisho, 1, April 2017 – Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. kulanka ayaa waxaa warbixino looga dhageystay qaar kamid ah Wasaaradaha iyo Hay’adaha ammaanka.

Ugu horeyn, Golaha ayaa warbixin ka dhageystay Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Mudane C/laahi Sanbaloolshe oo ka hadlay howlgallo ay ciidamada amnigu ka sameeyeen Caasimadda inta lagu guda jirey bishan Ramadan, wuxuna tilmaamay in la fashiliyey lana fuliyey qorshe-yaal badan oo cadowgu doonayeen in ay ku qal-qalgeliyaan amniga Muqdisho.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta masiibooyinka, Marwo Maryam Qaasim ayaa ka warbixisay safaro ay ku tagtay gobollada Bay, Bakool iyo Gedo, waxaana ay sheegtay in dadka gobolladaasi dagan ay ku sugan yihiin xaalad adag, gaar ahaan degmada Waajid oo go’doon ay galiyeen kooxaha Argagixisada una baahan gurmad in loo fidiyo shacabka halkaasi dagan.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Yuusuf Garaad ayaa laga dhageystay warbixin ku aadan Qorshaha iyo qaabka wax ka badelka wasaaradda iyo safiirada dibedda u jooga Soomaaliya, wuxuna tilmaamay Wasiirku in loo baahan yahay dib-u habayn in lagu sameeyo qaabka ay u shaqeeyaan safaaradaha dibedda ugu yaalla Soomaaliya, isla markaana la dhaqan geliyo sharcigii arrimiha dibedda ee horey loo ansixiyey.

Ugu danbeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa Golaha Wasiirada kula dar-daarmay in howlaha muhiimka ah ee horyaala dhaqso loo fuliyo si shacabka Soomaaliyeed ay u gaaraan adeegyada ay u baahan yihiin.

—-DHAMMAAD—-

Dowladda Philippine oo sheegtay 10 ka mid ah Ciidamadeeda lagu dilay duqeyn loo waday mintidiin

0

Wasiirka Difaaca Dowlada philippine Delfin Lorenzana ayaa sheegay  in 10 ka mid ah Ciidamadooda ay dhinteen 8 kalana ay ku dhaawacmeen kadib duqeyn loo waday koox mintidiin ah oo ka dhacday Dalkaasi.

“waxaa nagu dhacday dhibaato ay ku lug lahaayeen ciidamadeenna Milatariga ,kuwaas oo saaxibbadooda si aan ula kac ahayn u duqeeyay,waxaa naga dhintay 10 askari, 8 kalana way ku dhaawacmeen”, ayuu yiri Mr Lorenzana.

kooxo mintidiin ah oo gacan saar la leh kooxda Daacish ayaa ciidammada dalkaasi sideedii maalin ee la soo dhaafay kula dagalamayay magaalada Marawi ,waxaana ka dhashay khasaaro xoog badan oo soo gaaray labada dhinacba.

Xigasho:-Wakaaladda Wararka Iina

Keating oo soo dhoweeyay heshiiskii ay saxiixdeen Gaas iyo Xaaf

0

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u jooga Soomaaliya Michael Keating ayaa soo dhoweeyay Heshiiskii Magaalada Cadaado ay dhawaan kula saxiixdeen Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa labada madaxweyne maamul goboleed loogu amaanay heshiiska ay kala sexiixdeen ,waxaana looga codsaday  labada dhinac in ay ka shaqeeyaan in ay ka mira dhaliyaan hishiiskaas.

“Beesha Caalamka waxay soo dhoweyneysaa Heshiiska Nabadeed ay gaareen labada Madaxweyne waxaana loo baahanyahay labada dhinac in ay meel mariyaan heshiiskaas, anagana waxaan ka shaqeyneynaa in aan qeybteena ka qaadano heshiiskaas islamarkaan dhiira galino” ” ayuu yiri Keating

Madaxweynaha Puntland, Abdiweli Moxamed cali “Gaas” iyo madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Xaaf ayaa ku heshiiyay in xal kama dambeys ah laga gaaro dhibaatada Gaalkacyo.

Horjooge ka tirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab oo isu soo dhiibay ciidanka Xoogga Dalka.

0

Horjooge ka tirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Hiiraan.

Janaraale Axmed Maxamed Tareedishe oo ah Taliyaha ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliya Qeybta 52 oo wareysi  gaar ah siiyey warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in horjoogaha is soo dhiibey uu  kala soo baxsaday Kooxda Al-shabaaab labo qori iyo rasaas farabadan waxaana u sheegay in uu si nabad ah kusoo gaaray Xeradda ciidamadda.

Horjoogaha is soo dhiibay ayaa sheegay in uu u dulqaadan waayey falalka guracan ee naxariis daradda ah ee kooxda shabaab kula kacayaan shacabka Soomaaliyeed sidaana uu u go’aansaday in uu si cad uga soo horjeesto kooxda Al-shabaab.

Degmada Dhahar oo wareegga labaad ee tartan cilmiyeedka u gudbtay caawa

0

Habeenkii shannaad tartan Cilmiyeedka degmooyinka gobollada ee Warbaahinta Qaranka, isla markaana u taabagelinayo maamulka gobolka Banaadir, waxaa ku tartamay caawa degmooyinka Dhahar oo ka tirsan gobolka Sanaag iyo degmada Dhuusamareeb oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Sida caadada aheyn degmooyinka ayaa la weydiiyey  min toddobo su’aal, taas oo wadarta guud ka dhigeysa 14 su’aal, qeybta hore waxa lagu kala nastay min afar su’aallood, kaddib ayaana la soo bandhigay warbixinnadii Taariikhda  labada degmo ka hadlayey, si xiriirkooda iyo isdhaxgalkoodu uu u sii xoogeysto.

 Degmada Dhahar Natiijo

Degmada Dhahar ee gobolka Sanaag tartamayaashii ka socdey, waxaa la weydiiyey toddobo su’aal waxa ay si sax ah uga jawaabeen afar ka mid ah su’aalahaasi, saddex  waa ay iska qaldeen, waxa ay ka faa’ideysteen laba su’aal oo soo hareermartay degmada Dhuusamareeb.

Degmada Dhuusamareeb Natiijo

Degmada Dhuusamareeb, waxaa la weydiiyey toddobo su’aal waxa ay ka jawaabeen afar su’aal, saddex ayeey iska qaldeen,  hal su’aalna si ka faa’ideysi ah ayeey uga jawaabeen.

Natiijada Guddiga

Axmed Cali Kaahiye oo guddiga tartanka ka tirsan, ayaa sidaan u shaaciyey natiijada tartankii  “Dhuusamareeb, waxa ay ka jawaabeen afar su’aal saddex ayeey qaldeen hal su’aal ayeey si ka faa’ideysi ah uga jawaabeen, sidaas waxa ay uruursadeen 10 dhibcood”.

Sidoo kale degmada Dhahar waxa ay si sax ah uga jawaabeen afar ka mid ah su’aalahaasi, saddex  waa ay iska qaldeen, waxa ay ka faa’ideysteen laba su’aal oo soo hareermartay degmada Dhuusamareeb, Dhahar waxa ay uruursadeen iyaguna  12 dhibcood oo waxa ay u gudbeen wareegga labaad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka.

Guddiga ayaa ku dhawaaqay in habeen dambe ay tartanka ku ballansan yihiin degmooyin Kaxda iyo X/weyne oo ka wada  tirsan gobolka Benaadir.