Home Blog Page 1682

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo maanta dil ku fulisay gacan ku dhiigle

0

Maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybta 60-aad ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay askari ka tirsanaa booliiska oo magaalada Buurhakaba ku dilay marxuum lagu magacaabi jiray Qaasim Cabdiyoow Keerow isla markaana dhawacay labo wiil oo marxuumka uu dhalay.

Xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybta 60-aadDhamme Muumin Xuseen Cabdulaahi, ayaa ka sheegay goobtii toogashada ay ka dhacday in dambiilaha uu galay falkii lagu soo eedeeyay maxkamadana la hor keenay caddeeymo iyo marqaatiyo ku filan, isagoo intaa raaciyay in cid kasta oo dambi gåshö la marsiin doono sharciga.

Shaley ayaa maxkamadda ciidamada ciidamada qalabka sida qeybta 60-aad ay Baydhabo ku toogatay afar dhagarqabe oo ka danbeeyay qaraxyo ay dad ku dhibteen oo ka dhacay Baydhabo..

Guddoomiye ku xigeennada cusub ee gobolka Banaadir oo xilalka la wareegay

0

Giddoomiye ku xigeennada cusub ee Gobalka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah xilalka ula wareegay sidoo kale waxaa xilka la wareegay xoghayaha guud ee loo magacaabay maamulka gobola Banaadir..

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Max’ed ayaa Xil wareejinta kaddib kulan laqaatay Gudduumiya ku-xigeennadii hore iyo kuwa cusub waxuuna uga mahadceliyay sida sharafta badan oo ay xilalka ugu kala wareegeen.

Digreeto  ka soo baxday shalay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu magacaabay guddoomiye Ku xigeennada Gobolka Banaadir iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobalka Banaadir .

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay dalka Turkiga

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi “Farmaajo” iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow u duulay Waddanka Turkiga.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah mas’uuliyiin ka tirsan golaha Wasiirrada iyo Xildhibaanno, waxaana halkaasi ay kula kulmi doonaan madax kala duwan oo ka tirsan dowladda Turkiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo warbaahinta kula hadlay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Madaxda labada dowladooda ay ka wada hadli doonaan xiriirka labada dal iyo iskaashiga.

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa ah labo dowladood oo saaxiib ah waxaana Turkigu uu ka caawiyaa Soomaaliya dhinacyo badan.

Xigasho SONNA

Degmada Caabudwaaq oo la-gaarsiiyey bukaano uu soo ritay xanuunka shuban biyoodka

0

Isbitaalka Hadiya ee Degmada Caabudwaaq waxaa jiifa bukaano qaba xanuunka Shuban Biyoodka  Waxaa  inta badan dadkaan uu kusoo ritay xanuunka baadiyaha  xili ay joogeen deegaanada miyigi ah waxaana wehliya tiro dad ah oo yar oo xanuunku uu  ku helay gudaha Magaalada Caabudwaaq sida ay ii sheegeeen dhaqaatiirta daweynaysa bukaanadan oo aan kula kulmay Xili ay ku jireen daweeynta dadka xanuunsan.

Faarax Axmed Cabudllaahi waa Maamulaha Isbitaalka Hadiya waxaa uu sheegay in ku dhow 10 Qof u dhinteen Cudurka.

Shiikh Burhaan Cabdullaahi jaamac oo kamdi ah culumaa”udiinka Ahlusunna ee  Degmada Caabudwaaq ayaa dadka bukaanada ee jiifa isbitaalkan iyo gooba kale waxaa ay gaarsiiyeen deeq ka kooban raashin  oo ay soo dirtay Dawladda dhexe.

    

C/kariiin Axmed Bulxan

Maalinta Caalamiga ah ee Malaariyada oo laga xusay Soomaaliya  

0

Warka la xiriira in hoos u dhac uu ku yimid Cudurka Malaariyada Sanadihii ugu danbeeyey ayaa waxa ay ku beegantahay  xili ay maanta tahay maalinta Malaariyada taas oo Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda  ay u  qabatay Munasanada la xirirta Maalintaas.

Dr Yaasin Nuur Axmed ayaa ka hadlay habka ka horgtaga  cudurka duumada iyo la dagaalka in uu bulshadda uu ku sii fido,qaasatan Magaalooyinka iyo dhulka Webiyadda.

Agaaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Cabdullaahi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka hadlay dhibaatoyinka Cudurka Malaariyada, daka u nugul sababaha iyo  isbadelka cimilada .

Wasiir xigeenka Wasaarada Caafimaadka ee Soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen ayaa sheegay in Cudurkaa Maleeriyada iyo Cudurada kalaba looga gudbikaro iskaashi iyo  wacyigelinta Bulshada .

Maanta oo ay ku beegantahay maalinta Maleeriyada Adduunka ayaa laga xusay guud ahaan caalamka  in Cudurka heerka qaadista uu  marayo 20% halka dhimashada ay tahay 30%.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada oo Sheegtay in Dib loo howlgelin Doono Kooxdii Fanaaniinta ee Danan

0

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha iyo Sidoo kale Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada waxaa ay Maanta kulan la-qaateen Shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha.

Waxaa ay Shaqaalaha Wasaaradda iyo Sidoo kale Masuuliyiinta ka wada hadleen Arrimo ay ka mid yihiin Xoojinta Shaqada Wasaaradda iyo qaabka loo hagaajin karo wax yaabaha qaldan.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyaradda iyo Cayaaraha Marwo Khadiija Maxamed Diiriye ayaa waxaa ay sheegtay inay dib eegis ku sameyn doonaan waaxyaha kala duwan ee Wasaaaradda Dhallinyaradda iyo Cayaaraha.

“Waxaan sameyn doonaa dib u eegis dhanka Wasaaradda dhallinyaradda iyo Cayaaraha ah si-shaqada loo ogaado qaabka ay u socoto, taasna waxaan uga gol leenahay in aan helno maamul wanaagsan iyo shaqaale wanaaagsan waxaan markasta xil iska saari doonaa in aan helno shaqaalo dhankasta ka dhameystirin” ayay tiri Marwo Khadiija.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Dhallinyaradda ayaa sheegtay in dib loo howlgalin doono Kooxda Fanaaninta ee Danan kuwaas oo Wasaaradda ka tirsanaa si-ay uga qeyb qataan Wacyi galinta ay sameyneyso Wasaaradda.

Masuuliyiinta Wasaaradda Dhallinyaradda iyo Shaqaalaha Wasaaradda ayaa sidoo kale ka wahadlay qaabka loogu diyaar garoobayo Munaasabado kala duwan oo heer qaran ah oo ay kamid tahay Maalinta Dhalinyaradda Soomaaliyeed 15 May.

W/Q  Wariye Ali Ahmed Sh

Qoysas abaartu saameysay oo kaalmo la gaarsiiyay

0

Qoysas abaarta ku xoola beelay ayaa la gaarsiiyay deeq uu ku taakuleyay Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Barlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad

Deeqdaan oo uu soo dhiibay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxa hay’adda maxaligaa ee Towfiiq Aid Foundition gaarsiisay ilaa iyo 450 qoys oo ka mida qoysaska abaaraha ku xoola beelay kuwaasi ku kala sugnaa deegaanka Towfiiq ee Gobalka Mudug iyo qoysas naftooda lasoo magan saday gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Abaaraha ee deegaanka Towfiiq Maxamuud Yuusuf Xirsi Bur le’eg) ayaa Warbaahinta Qaranka uga warbixiyay tirada deeqda ay soo gaarsiiyeen Mas’uuliyiintii ka socatay hay’adda Towfiiq Aid Foundition isagoo uga mahad celiyay Guddoomiy ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad.

“Halkaan waxaan kula wareegnay raashin loogu tala galay 350 qoys oo qoyskiiba leeyahay haaf bariis ah, haaf sokor ah iyo caagad saliida waxaana uga mahad celinaynaa guddoomiye Cawad deeqdaan uu ku soo caawiyay dadka abaarta ku xoola beelay ee naftooda ula soo cararay deegaanka kaddib markii ay abaarta uga dhamaadeen xoolihii ay nolashooda ku tiirsaneyd” ayuu yiri Maxamuud Yuusuf.

Qaar ka mida dadkii deeqda la siiyay ayaa dhankooda ka mahad celiyay iyagoo ka dhawaajiyay ineey baahi weyn u qabeen, dhanka kalana ka dhawaajiyay in inta badan aysan soo gaarin gurmadyada lagu taakuleeynayo dadka ku xoola beelay abaaraha

Ugu Danbeyna Guddoomiyaha Deegaanka Towfiiq Maxamed Cabdiqaadir Axmed ayaa sheegay in maalinba maalinta ka danbeysa ay sii kordheyso tirada qoysaska abaaraha ku ceyrtoobay ee soo gaaraya deegaanka Towfiiq.

Abaaro iyo biyo la’aan baahsan oo isa sii taraya ayaa wali ka jira guud ahaan deegaanada Gobalka Mudug inkastoo haatan abaaraha xoogoodu ay yihiin kuwa laga dareemayo deegaanada Godad, Gacnefale, Ceel Bardaale, Balibusle, Jariiban iyo Towfiiq kuwaasi oo dhamaantood ka tirsan deegaanada dowlad Gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax dhigay Dib u dayactir Dugsi sare

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Max’ed ayaa Dhagax dhigay Dib u dayactirka dugsiga sare ee Max’uud Axmed Cali oo muddo 27 sano ah burbursanaa.

Guddoomiyaha gobolka oo ka hadlay munaasabadda dhagaxdhigga ayaa sheegay in maamulka cusub ee gobolka ay  muhiimad wayn siinayaan xoojinta iyo horumarinta adeegyada bulshada sida waxbarashada, Caafimaadka iyo Waddooyinka.

“Haddii aan nahay Maamuka gobolaka waxaa naga go’an in aan ballarino fursadda da’yarta Soomaaliyeed ay ku heli karaan waxbarashada aasaasiga ah, dugsigaanna wuxuu dowr wayn ka qaadan doonaa hirgalinta hadafkaasi”.

Dugsigan oo loogu magac daray halgamaa Max’uud Axmed Cali oo ka mid ahaa Raggii dhidibada u taagay hannaanka waxbarashada Casriga ee Soomaaliya waxuuna ka mid yahay dugsiydii sare ee gobolka Banaadir ee ku burburay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay, wuxuuna cabir ahaan ku fadhiyaa Masaafo aad u ballaaran.

Madaxweynaha oo qaabiley ehelada AUN Tahliil Jimcaale Hubane

0

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta gelinkii dambe ku qaabiley xafiiskiisa ehelada Allah u naxariistee Tahliil Jimcaale Hubane oo shalay magaalada Muqdisho ugu geeriyooday shir gaari kaas oo ka dhacay afaafka hore ee madaxtooyada.

Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo, Madaxweynaha dalka ayaa tacsi u direy ehelada Tahliil, isagoona ilaahay ugu bariyay in uu janadiisa ka waraabiyo.

Kulanka ayaa sidoo kale, waxaa goob joog ka ahaa wasiirka warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha, agaasimaha ku meel gaarka ah ee wasaaaradda iyo agaasimaha telefishinka qaranka.

Ehelada Allah u naxariistee Tahliil Jimcaale Hubane ayaa madaxweynaha jamuuriyadda federaalka Soomaaliya ugu mahadceliyay sida uu u qaabiley ulana qeybsaday tacsida.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta qaranka ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allah u naxariistee Tahliil Jimcaale Hubane oo ka tirsanaa shaqaalaha wasaaradda warfaafinta.

Xaalad Dawo La’aan ah oo ka Jirta Isbitaalka Banaadir

0

Abaarta ku dhufatay Soomaaliya ayaa saameyn ku yeelatay xoola dhaqatada iyo Beeraleyda, taasi oo sababtay dhimashada xoolaha iyo in ay hoos u dhaco wax soosaarka Baaraleyda.

Ka sakow, saameynta, ay abaartu ku yeelatay Dadka iyo duunyada haddana waxaa ka dhashay cuduro ay ka mid yihiin jadeecadda iyo shubanka oo ay u dhinteen dad badan kuwa kalane ay hadda la jiifaan Xarumaha Caafimaadka oo ay ka mid yihiin kuwa magaalada Muqdisho.

Dad badan oo abaarta uga soo barakacay deegaanadooda ayaa soo gaaray magaalada muqdisho,  kuwaasi oo ay ka muuqato daruuf dhinaca nolosha ah oo ay ka mid tahay tan caafimaad darrada.

Qaar ka  mid ah caruurta Dadka kusoo barakacay magaalada Muqdisho ayaa la dhigay Isbitaalada magaalada Muqdisho oo uu ka mid yahay Isbitaalka Banaadir oo si lacag la’aan ah ugu adeega bulshada Soomaaliyeed, hase ahaatee Isbitaalka kuma filna in uu wada daboolo baahida Caafimaad Caruurtaasi.

In ka badan 60 Caruur oo ay soo riteen cudurada Shubanka iyo Jadeecadda ayaa la dhigay Isbitaalka Banaadir, kuwaasi oo ay ka muuqato xaalad nafaqo daro oo aad u baahsan, islamarkaana qatar ugu jiraan in ay u dhintaan cuduradaasi.

intii ku sugnaa Isbitaalka waxaa geeriyooday mid ka mid ah caruurta uu soo ritay shubanka, iyada oo  maamulka cubitaalka uu sheegay in uu ka walaacsan yahay in dadkaan ay u dhintaan daryeel la,aan haddii aan lagu gacan siin in loo helo adeeg caafimaad oo dhamaystiran.

Madaxa Caafimaadka Cusbitaalka Banaadir Dr Luul Maxamed Maxamuud  ayaa sheegtay  in daawo la,aan tii ugu darnayd ay ka jirto  cusbitaalka banaadir iyadoo baaq u dirtay Madaxda wasaaradda caafimaadka oo ay ka codsatay in caruurta uu hayo Jadeecada loo keeno Tallaaka ka hortagga Cudurkaas si nolosha uabadkaan oo bad-baadiyo.