Home Blog Page 1684

Raashin gargaar ah oo loo qeybiyay qoysas ku nool Dhuusamareeb

0

Raashin gargaar ah ayaa laga qeybiyey Magaalada Dhusaamreb kaas oo loogu talagalay dadka Abaaruhu saameeyeen waxa ayna deeqdani ka timid waddanka Sucuudiga.

Raashinkan waxaa wakiil ka ahaa Hay’adda Al-xamlatul Wadaniyah Alsucuudiyah waxaana ka faa’iideystay 500 oo Qoysas danyar ah kuwaasoo u badnaa dadka ku ceyrtoobay Abaarta.

Dadka raashinka loo qeybshay ayaa dhowaan soo gaaray magaalada Dhuusamareeb kaddib markii ay xoolihii ay dhaqanayeen uga dhamaadeen abaarta.

Gudoomiyaha Degmada Dhusamareb Macalin Nuur Cilmi Cabdulle ayaa sheegay in deegaanka ay ka jirto abaar daran iyo biyo la’aan isagoo xusay in raashinkan la gaarsiiyay dadkii ugu baahida badnaa ee ku soo barakacay Dhuusamareeb, wuxuuna u mahadceliyey ciddii soo gaarsiisay.

Qaar ka mid ah Dadkii raashinka la siiyey ayaa dhinacooda ka mahadceliyay waxa ayna sheegeen inay aad ugu baahnaayeen uuna ku soo aaday waqti aay aad u dhibaateysnaayeen.

Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha oo la kulmay Madaxa UNHCR ee Soomaaliya

0

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha gudaha, dib u heshiisiinta iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Faarax Wehliye ayaa maanta kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR u qaabilsan Soomaaliya Mss Carolina Van, kaasi oo ka dhacay xarunta Hay’adda Qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka.

Wasiiru dowlaha iyo wafdiga ka socday UNHCHR waxa ay kormeereen xarunta hay’adda oo xiligaasi ay ka socotay shaqo oo wax loogu qabanayay muwaadinin Soomaaliyeed oo dalkooda dib loogu soo celiyay, kuwaasi oo laga kala keenay Wadamada Kenya, Yemen iyo Jabuuti.

Guddoomiyaha hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Axmed Cabdikariin Nuur ayaa sheegay in muwaadiniinta dib loogu soo celiyay dalkooda si wanaagsan loogu shaqeeyo.

Madaxa Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR u qaabilsan Soomaaliya Mss Carolina Van ayaa sheegtay inay gacan ka geysanayaan sidii wax looga qaban lahaa abaaraha ka jira dalka.

“UNHCR waxa ay diyaar u tahay inay ka qeyb qaadato abaarta ka jirta Soomaaliya, isla markaana aan u kuurgalno deegaannada ugu daran ee ay abarta ka jirta, aniga oo kaashanayna dhamaan hay’adaha aan shaqo wadaaga nahay ee Qaramada Midoobay” ayay tiri Mss Carolina Van

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha gudaha, dib u heshiisiinta iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Faarax Wehliye ayaa bogaadiyay howlaha loo hayo dadka dib loogu soo celiyo dalkooda Hooyo.

“Runtii aad baan ugu faraxsanahay howsha ay hayaan, haddii aan anahay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha gudaha waan bogaadineynaa, waan xoojineynaa wada shaqeynta naga dhexeyso anaga iyo hay’adda UNHCHR” ayuu yiri Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha.

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dowladdu ay xoogga saareyso u gurmashada dadka ay abaartu saameysay

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah dowlad goboleedka Koonfur galbeed ayaa sheegay in dowladda ay ahmiyadda koowaad siineyso sidii gurmad deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka ay abaartu saameysay.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Difaaca Mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Drs Maryan Qaasim Axmed, Wasiirka Caafimaadka Drs Fawziya Abiikar Nuur, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Xaaji Cali Sheekh Maxamed Nuur, Wasiir ku-xigeenka caafimaadka Mudane Xuseen Cismaan Xuseen iyo Wasiiru dowlaha Ganacsiga Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka iyo Aqalka sare.

Madaxweyne Farmaajo oo ay soo dhaweeyeen Madaxda dowlad goboleedka Koonfur galbeed ee Soomaaliya, qeybaha bulshada iyo ciidamada qalabka sida ayaa shacabka u sheegay in dowladdu ay dadaal u gashay u gurmashada dadka ay abaarta saameysay, ayan sii wadayaan in loo gurmado dadka ku xoolo beelay abaarta.

Madaxweynuhu waxa uu ugu baaqay shacabka ku nool deegaannada Koonfur galbeed inay la shaqeeyaan ciidamada si looga dulqaado kooxaha dhibaateynaya shacabka, isagoo intaa ku daray in amniga uu ka midyahay tiirarka ay dowladdu qorsheyneyso inay wax badan ka qabato.

“Aan iska kaashano sidii wax looga qaban lahaa amniga, dowladdu waxaa ka go’an inay xoogga saarto arrimaha amniga, si gar gaar loo gaarsiiyo meelaha ay ka jirto abaaraha, waxaana aan diyaar u nahay inaan wax ka qabano abaaraha ka jirta dalka” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa inta ay ku suganyihiin magaalada Baydhabo waxa ay u kuurgeli doonaan xaaladda dhabta ah ee ka jirta magaalada, gaar ahaan dhanka beni’aadanimada iyo amniga.

Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo tababbar loogu qaaday Dalka Ingariiska

0

Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaliya  ayaa manta tababbar loogu qaaday Dalka Ingariiska, waxaana garoonka ku sii sagootiyay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Gaashaanle Sare Maxamed Adam Jimcaale ( Koofi)

Saraakiishan maanta tababbarka u baxay ayaa waxaa lagu soo tababbari doonaa Garoomada diyaaradaha dalka Ingariiska, gaar ahaa garoomada London ,  Manchester iyo Birmingham.

Wadamada Dernmark, Norwey  iyo Rwanda ayaa tababbaro nuucan oo kale ah waxa ay horay u siiyeen saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, waxaana uu dalka Ingariiska qeyb ka noqonaa Wadamada dalkooda ku soo tababbaray saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Eng. Yarisow “UK waxey door hoggaamineed ka qaadatay inay Soomaaliya uga ololeyso caalamka.”

0

Muqdisho, 23 April 2017 – Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa shalay kulan dheer la qaatay Safiirka UK ee Soomaaliya David Concar oo ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin horumarinta warbaahinta dalka, Shirka London ee 11ka May iyo arrimo kale.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa Safiirka UK uga mahadceliyey doorka hoggaamineed ee UK ay ugu ololeyneyso caalamka sidii Soomaaliya wax loogu qaban lahaa si dalka loo nabadeeyo oo dowlad wanaag loo hirgeliyo. Eng. Yarisow ayaa yiri “UK waxey door hoggaamineed ka qaadatay inay Soomaaliya uga ololeyso caalamka si indhaha caalamku ay ugu soo jeestaan arrimaha Soomaaliya. Sidoo kale UK waxey si aad ah uga ololeysaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo sanooyinkii la soo dhaafay ay soo saareen qaraarro fara badan oo Soomaaliya looga taageerayo arrimo fara badan.”

Safiirka UK David Concar ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada warbaahinta ay ka qaadan karto sidii Soomaaliya ay u noqon laheyd dal horumaray oo nabad ah. Safiirka UK ayaa ballanqaaday in dowladda UK ay garab taagantahay sidii Dowlada Federaalka iyo shacabka loo garab-istaagi lahaa waqtigan xasaasiga ah, gaar ahaan sidii loo horumarin lahaa warbaahinta dalka.

Eng. Yarisow ayaa ugu danbeyntii la wadaagay safiirka qorshaha iyo siyaasada Wasaarada Warfaafinta ay ku dooneyso inay ku horumariso warbaahinta dalka iyo sdii suxufiyinta Soomaaliyeed loo garab istaagi lahaa si ay waajibaadkooda ugu gudan lahaayeen si xirfadi ku jirto oo shacabka loogu gudbinayo horumarka dalka ka jira.

DHAMAAD

Kulan soo dhaweyn ah oo loo sameeyay guddoomiye ay iska dhex doorteen ardayda Soomaaliyeed ee dalka Pakistan

0

Ardayda wax ka barata Jaamacadaha dalka Pakistan ayaa kulan soo dhaweyn ah u sameeyay Guddoomiyaha ururka Midnimo oo ah guddoomiye cusub oo ay dhawaan iska doorteen, kaasi oo ka shaqeynaya horumarinta waxbarashada ardayda Soomaaliyeed.

Munaasabad si heer sara ah  loo soo agaasimay  ayaa waxaa ka soo qeyb galay qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Dalka Pakistan sida  Diblomaasiyiin safaaradda Soomaaliya ee Pakistan, Aqoonyahano, , Arday iyo dhammaan Qeybaha Bulshada ee ku nool Dalka Pakistan.

Ka qeyb galayaashii munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay inay diyaar u yihiin la shaqeynta guddoomiyaha cusub ee ay ardayda doorteen, waxaana ay kula dar daarmeen in uu si cadaalad ah ugu adeego ardayda wax ka barata dalka Pakistan, iyagoo u mahadceliyay guddoomiyihii hore Maxamed Cabdi Guuleed (Baafow)

Guddoomiyaha cusub ee dhawan loo doortay Ururka Midnimo Axmed Maxamed Xasan (Shuutaaye) ayaa sheegay in uu u istaagi doono sidii ardayda ay u heli lahaayeen agabyada waxbarashadooda, uuna ka shaqeyn doono isu keenidda ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Pakistan.

Xafladda ayaa waxaa lagu soo bandhigay suugaan iyo ruwaayado ka turjumaya dhaqanka Soomaaliyeed

Taliska ciidamada Nabadgelyada Waddooyinka oo baaq u diray shacabka

0

Taliyaha cusub ee Taliska Ciidamada Nabad gelyadda Waddooyinka Jeneraal Cali Xirsi Barre “Cali Gaab” oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta taraafikada sheegay in ciidamada Nabad gelyada Waddooyinka ay hayaan shaqo adag, isagoo intaa ku daray inay dar dargelinayaan howlaha loo xilsaaray.

 Sareeyo Guuto Cali Xirsi ayaa kula dar daarmay ciidamada Nabad gelyada Waddooyinka Xamar ka shaqeeya inay si hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday, waxa uuna u mahad celiyey madaxdii hore ee taraafikada.

Taliyaha ciidamada Nabad gelyada Waddooyinka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan ciidamada oo aysan u arkin kuwa xaquuqdooda ku xadgudbaya.

Taliska ciidamada Nabadgelyada Wadooyinka ayaa looga fadhiyaa hirgelinta sharciyada waddooyinka.

Wasiirka Waxbarashada oo shaaciyay xilliga uu bilaabanayo imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare

0

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay xiliga uu dhacayo Imtixaanka shahadiga ee Dugsi Sarre ee Dalka iyo tirada ardayda u fariisaneysa sanadkan oo ka badan kuwii sanadkii hore u fadhiista Imtixaanka mideysan ee dowladda.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dalka Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa sheegay in dhawaan la bilaabi doono qaadista imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare ee dalka, isagoo ardayda u rajeeyay inay ku guuleystaan imtixaanka.

“Waxaan rabnaa inaan shaacino in Imtixaankii dugsiga sare ee Shahaadiga la qaadi doono 20-ka bisha May ee sanadkan, waana sanadkii sadexaad ee ay qabaneyso Wasaaradda Waxbarashada, waxaana ka qeyb galaya 23,000 (saddex iyo labaatan kun) oo arday, waxaana uu ka bilaabanayaa ilaa iyo afar dowlad goboleed oo kala ah, Jubaland, Koonfurgalbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, waxaana ardayda u rajeyneynayaa in ay ku guuleystaan imtixaanka” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dalka Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa xusay inay tahay wax lagu farxo in tiro ka badan kuwii sanadkii hore ay sanadkan imtixaanka u fadhiisanayan.

Taliyaha ciidanka Asluubta oo ka digay in la dhisto dhulalkii ciidanka

0

Taliyaha ciidanka Asluubta Sareeyo Gaas Xuseen Xasan Cismaan iyo saraakiil uu hogaaminayo ayaa maanta kormeeray dhul ku yaala degmada Karaan oo ay leeyihiin ciidanka Asluubta, kaasi oo ujeedkiisu ahayd u kuurgelidda dhulka oo kaabiga ku haya Isbitaalka Keysaney.

Taliyaha ayaa ku soo wareegay qeybaha uu ka koobanyahay dhulka, waxaana halkaasi ka socotay howlo dhismo ah.

Sareeyo Gaas Xuseen Xasan Cismaan oo kormeerka kaddib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa digniin u jeediyay dadka sida sharci darrada ah u dhisanaya xarumaha danta guud, waxaana uu intaa ku daray in ciddii lagu hela iyada oo dhisaneyso xarumaha ciidanka Asluubta laga qaadi doono tallabo sharciga waafaqsan.

“Waxaan u sheegeynaa shacabka iyo ganacsatada ku howlan dhismaha xarumaha ciidanka Asluubta inay joojiyaan dhismooyinka sharci darrada ah, cid Alaalle iyo ciddii dhisatana waan ka bur burineynaa dhismooyinka” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Asluubta.

Taliyaha ciidanka Asluubta Sareeyo Gaas Xuseen Xasan Cismaan ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay waxa uu bilaabay kormeeridda xarumihii ciidanka Asluubta, waxaana taasi ay qeyb ka tahay dadaallada uu kaga hortagayo in la boobi dhulkii ay lahaayeen ciidanka Asluubta.

Isutaga Imaaraadka Carabta (UAE) oo yabooh 45 milyan oo dollar u sameeyey shacabka Soomaaliyeed

0

Muqdisho, 23 April 2017 – Safiirka dalka Isutaga Imaaraadka Carabta (UAE) ee Soomaaliya Mudane Mohamed Al-Othman oo booqasho ku yimid xafiiska Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya ayaa la kulmay Wasiir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo ay ka wada hadleen arrimo fara badan.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa ugu horeyntii uga mahadceliyey safiirka booqashadiisa Wasaarada Warfaafinta, isagoo lagu soo wareejiyey xarunta SNTV iyo Keydka Raadiyo Muqdisho. Sidoo kale Eng. Yarisow ayaa safiirka uga mahadceliyey dadaalka dalka Imaaraadka ee ku aadan u gurmadka abaaraha oo Bisha Cas ee Imaaraadka ay maalmahan dalka gudihiisa ku qeybinayeen raashin gar-gaar ah oo la gaarsiiyey dadka abaarahu ay saameeyeen.

Eng. Yarisow “Waxaan si gaar ah uga mahadceliyey shacabka iyo Dowlada Imaaraadka yaboohii ay Telefishinada dalka Imaaraadka ka sameeyeen maalintii Jimcaha 21kii April oo ay muddo lix saax ah ku ururiyeen lacag dhan 167 milyan UAE Dirham oo u dhiganta 45 milyan dollar. Tani waxey na tuseysaa in Imaaraadku ay yihiin wallaalo u naxay shacabka Soomaaliyeed oo si hagar la’aan ah u doonaya inay u garab istaagaan. SNTV waxuu ku guuleystay inuu si toos (live) ah yaboohaas ugu soo tabiyey shacabka Soomaaliyeed. “

Wasiir Eng. Yarisow iyo Safiir Mohamed Al-Othman ayaa sidoo kale ka wada hadlay horumarinta warbaahinta dalka, gaar ahaan sidii suxufiyiinta Soomaaliyeed loo kordhin lahaa aqoontooda, xirfadooda iyo waayo-aragnimadooda. https://www.youtube.com/watch?v=N-H_g7rH5pQ

Halkan ka daawo barnaamij gaar ah oo SNTV ay ka sameeyeen barnaamijkii yabooha Jimcaha https://www.youtube.com/watch?v=rG4CG-SzaPM

DHAMAAD