Madaxweynaha Puntland oo Garoowe Ku Qaabilay Qunsulka Dalka Hindiya Ee Soomaaliya

Date:

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa kuqaabilay wefti ka socdey safaarada Hindiya ee Soomaaliya oo uu hogaaminayey qunsulka dalka Hindiya ee Soomaaliya Mr Rajesh Swami.

Weftigani oo Garoowe soo gaaray maalinimadii shalay ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kanooko kusoo dhoweeyey Mas’uuliyiin ka tirsan golaha wasiirada Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, waxaana ay isla maata gelinkii hore kulan kula qateen Madaxtooyada Garoowe Wasiiro, Wasiir ku-xigeeno iyo saraakiil kale.

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland ayaa ugu horayn ku soo dhoweeyey weftigani Puntland, waxaana uu faahfaahin ka bixiyey xiriirka soo jireenka ah ee Puntland iyo dalka Hindiya kaas oo ay iska kaashan jireen arrimaha Ganacsiga iyo Waxbarasha, isla markaana waxa uu hoosta ka xariiqay in ay lagama maarmaan tahay in laga warhayo xiriirkaas soo jireenka ah.

Dhinnaca kale Qunsulka dalka Hindiya ee Soomaaliya  Mr Rajesh Swami ayaa dhankiisa sheegay inay diyaar u yihiin adkaynta iyo xoojinta xiriirka, isla mar’ahaantaana ay xooga saaridoonaan kuna fara adaygi doonaan sii jiritaanka iska garabsiga arrimaha Ganacsiga, Waxbarashada, Kalluumaysiga  iyo Caafimaadka.

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markasta ku hawlan kobcinta iyo sare u qaadida arrimaha Bulshada sida kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarasha, Caafimaadka iyo Biyaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

Madashu waxay iskugu keenaysaa mas'uuliyiinta dowladda, maal-gashadayaasha Shiinaha iyo...

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, isagoo fulinaya...