Madaxweynaha Hirshabelle Oo Jaaliyadda ugu Baaqay inay Maalgashi ku Sameystaan Deegaanada Hirshabelle

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble oo maanta Dalka Dib ugu soo Laabtay kaddib Safaro Shaqo uu Ku Tagay  Dalalka Ingiriiska iyo Kenya ayaa ugu baaqay Jaaliyadda Reer Hirshabelle ee ku nool dalka dibadiisa in ay ka qeyb qaataan Horumarinta, Dib u dhiska iyo in ay maalgashtaan Deegaanada Hirshabelle.

Mudane Cali Cabdullaahi ayaa garoonka Diyaarada Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan labada Gole ee Hirshabelle iyo Xildhibaanno Ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay markii ay ka qeyb galeen Shirkii arrimaha Soomaaliya ee London in uu kulamo kale duwan uu la qaatay  Jaaliyadda Reer Hirshabeelle ee UK, isla markaana uu faah faahin ka siiyay howlaha Maamulka, sidoo kalena  ay ka wada hadleen sida lagama maarmaanka ay u tahay ka shaqeynta Horumarinta iyo Dib u dhiska Hirshabelle in ay ka qeyb qaataan iyo in maalgashi Ku sameytaan Hirshabelle oo fursado badan ay ka jiraan, loona baahanyahay in laga faa’ideysto, waxaana uu mar kale Jaaliyadda Reer Hirshabelle iyo Ganacsatada uu ugu baaqay in ay maalgashi ay Ku sameeystaan deegaanadoodi.

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in Magaalada Nairobi sidaas Oo kale kulamo uu La soo qaatay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Hirshabelle ee ku nool halkaasi, iyana ay ka wada hadleen la shaqeynta maamulka iyo ka qeyb qaadashada Xoojinta dowladnimada.

Ugu Dambeyntii Mudane Cali Cabdullaahi ayaa sheegay in ay dhowaanqorsheynayaan dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha iyo fulinta mashaariicyo Horumarineed oo laga fulinayo deegaanada iyo Degmooyinka Hirshabelle, waxaana bulshada uu ugu baaqay in ay la shaqeeyaan oo ay garab istaagaan.

DHAMAAD

 

      

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Sirdoonka Macmalka ah (AI) loo adeegsado horumarka aadanaha

Beijing/Shanghai – 17 Luulyo 2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha,...

Guddoonka labada Aqal oo shaaciyay xiliga u furmi doono kalfadhiga 8-aad ee BJFS

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Taliska Qeybta 27-aad ee CXDS oo digniin u diray dadka la shaqeeya Khawaarijta ee Hiiraan

Korneyl Cali Axmed Xaashi (Cali Cagey), Taliyaha Qeybta 27-aad...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyadeeysay geerida AUN Maxamuud Cabdi Cali Ducaale

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...