Wasaaradda Gaadiidka Badda oo soo saartay digniin

Date:

Wasaarradda Dekadaha iyo Gadiidka Badda ayaa dignin u dirtay ganacsatada Soomaaliyeed ee isticmaala Dekadaha dalka, maadama la gaaray xilligii bad xeranka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Mudane Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa waxa uu sheegay in lagaaray xilligii bad xeranka, ayna ugu digayaan maraakiibta iyo doon yaha yar yar isticmaalka badda maadama ay badda xilliyadan oo kale ka jiraan muujado iyo dabeeylo xoogan.

Agaasimaha Guud ayaa tilmaamay in maraakiibta uu culeys koodu ka yar yahay 1200 MT ilaa 1500mt iyo doon yaha yar yar ay isticmaali karin badda xilliyadan oo kale sanad waliba, loona baahanyahay in ganacsatadu aysan arrintan fududeysan oo ay ka digtoonaadaan maraakiibta ay isticmaalayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Amniga Qaranka oo daahfuray Shirka maareynta Hubka iyo Rasaasta ee 2025–2030.

Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay...

Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo kulan la yeeshay madax ka socta hay’adaha UNODC, UNDP.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Soomaaliya oo Khibraddeeda Maaliyadeed la kajeedisay Shir Caalami ah oo ka dhacay Beirut.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige,...

Urrur siyaasadeedka JSP oo daah furay ololaha Musharaxa Duqa Muqdisho.

Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa si heer...