Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka oo la kulmay Safiirka Soomaaliya ee Belgium

Date:

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda G/Sare Maxamed Aadan Koofi ayaa dalka Belgium kula kulmay maamulka  Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahey dalkaasi iyo qaar kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan halkaasi.

Agaasimaha ayaa halkaas kulan kula qaatey Safiirka safaaradda, Qumsulka iyo guddi ka socdey bulshada  Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Belgium.

Kulanka ayaa looga hadley adeegga bixinta baasaboorka iyo aqoonsiga oo dhowaan laga bilaabey safaaradda, wuxuuna agaasimuhu kala hadley mas’uuliyiinta safaaradda iyo guddigaba muhiimadda ay leedahay ilaalinta sharciga iyo xeerarka lagu bixiyo baasaboorka iyo aqoonsiga.

Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Beljimka ayaa uga mahadceliyey HSJ adeegga ay soo gaarsiiyey oo dhib badan ay u mari jireen helidda baasaboorka iyo aqoonsiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...