Home Blog Page 1681

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo Ankara wada hadal ku yeeshay(Sawirro)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ku sugan magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga, ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalkaasi.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,  waxaa soo dhoweeyey madaxweynaha dalka Turkiga mudane Recep Tayyip Erdogan , labada madaxweyne ayaa salaan ka qaatay ciidanka Qalabka Sida ee Turkiga oo soo dhoweynta madaxweyne Farmaajo ee madaxyootada Turkiga ka dhacdey joogey.

Labada madaxweyne ayaa qaatay kulan gaar ah oo ay uga hadleen xiriirka labada dal, madaxweynaha Soomaaliya Mudane Farmaajo  ayaa xaaladda abaaraha iyo midda guud uga warramay dhiggiisa Turkiga, waxa uu ka mahadceliyey dedaallada dowladda iyo shacabka Turkiga ay uga qeyb-galaan gurmadka dadka Soomaaliyeed ee ay abaaraha saameeyeen.

Sidoo kale madaxweynaha Turkiga, mudane Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in booqashada Madaxweyne Farmaajo uu ku faraxsan yahay, isla markaana labada dowladood ay  mar walba ka wada shaqeyn doonaan sidii horumar iyo degnaasho loo gaarsiin lahaa dadka iyo dalka Soomaaliyeed, dowladda Turkiga waxa uu sheegay in aysan marnaba ka daali doonin howlaha horumarinta iyo dhismaha ee ay ka waddo gudaha Soomaaliya.

Waxaa jiri doono heshiisyo iyo wada hadallo kale oo si rasmi ah u dhexmari doona Soomaaliya iyo Turkiga.

 

 

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Turkiga

0

Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo oo booqasho ku jooga dalka Turkiga ayaa la kulmay maanta guddoomiyaha baarlamaanka Turkiga Ismail Kahraman iyagoo ka wadahadlay xiriirka wadamada Soomaaliya iyo Turkiga.

Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen xildhibaano ka tirsan Baarlmaanka Turkiga iyo xubnaha wafdiga ku wehelinaya madaxweyne Farmajo booqashada uu ku tegey dalka Turkiga.

Madaxweyne Farmajo ayaa ugaga mahadceliyay dowlada Turkiga howlaha kala duwan ee ay ku taageerto dalka Soomaaliya waxana uu sheegay in ay ku faraxsan yihiin shacabka Soomaaliyeed gargaarka ay marwalba la garab taagan yihiin dowlada Turkiga walalahooda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha baarlamaanka Turkiga Kahraman ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu la kulmo Madaxweyne Farmajo oo dhowaan ku guuleystey doorashada madaxtinimada dalka Soomaaliya.

Kulankan kadib ayuu Madaxweyne Farmaajo waxa uu dhigay ubax beerta nasashada ee lagu maamuuso hogaamiyihii weynaa ee aasaasay dowlada Turkiga Ataturk.

Madaxweyne Farmajo oo ay tahay booqashada uu ku tegey dalka Turkiga tii ugu horeysay ee uu ku tago tan iyo markii uu ku guuleystay doorashada madaxtinimada dalka ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu la kulmo Madaxweyne Ordegan waxaana la rajeynayaa in ay kala saxiixdaan heshiisyo.

La Taliyaha Amniga Qaranka oo faahfaahiyey Qorshaha Amniga Qaran ee dalka

0

La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xuseen Macalin Maxamud Sh. Cali ayaa faahfaahin ka bixiyay Qorshaha Amniga Qaranka Soomaaliyeed oo dhowaan la go’aamiyay.

Md,Xuseen Macallin ayaa sheegay in ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay yihiin geesiyaal u soo dhabar adaygay difaaca dalka iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed, ayna intooda badan muddo ka badan 10 sano heegan joogta ah ugu jiraan furumaha oo ay kula dagaalamayaan cadawga nabad diidka ah ee Al-Shabaab.

Dowladda Federaaka waxaa ka go’an in ciidankaas geesiyaasha ah ee naftood hurayaasha ah loo helo daryeel, qalabeyn iyo inay helaan dhammaan xuquuqdooda aasaasiga ah. Mana jiro wax saameyn ah oo ciidankan howlgalaya ay ku yeelanayso Qorshaha Amniga Qaranka oo ujeedadiisu tahay sidii loo dar-dargelin lahaa tayaynta ciidanka Soomaaliyeed.

“Haba yaraatee ma jiraan qorshe lagu kala dirayo ciidanka XDS oo aan aragnay in fasiiraad aan sax ahayn laga bixinayo taasi oo aan waafaqsanayn Qorshaha Amniga Qaran,Dowladda Federaalka inay sii xoojiso howlaha ciidanka XDS mooyee ma dhici karto wax dalka dib u celiya” ayuu yiri la taliyaha dhinaca Amniga qaran ee Madaxwaynaha.

Si shacabka ay u fahmaan dooda Qorshaha Amniga Qaranka waxaan halkan hoose ku soo gudbinaynaa sida uu u qoranyahay arrinka ku saabsan ciidamada:

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu ka kooban yahay;
• Ciidanka Lugta
• Ciidanka Cirka
• Ciidanka Badda
Waajibaadka ciidanka XDS waa;
• Ilaalinta midnimada Qaranka
• Illaalinta iyo difaaca xuduudaha dalka
• Difaaca cadawga dibadda iyo kan gudaha oo u abaabulan qaab hubaysan oo khatar galinaya xasiloonida dalka.

Qorshaha Amniga Qaranka ayaa waxaa lagu xusay in Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed (XDS) tiradiisu ay noqonayso ugu yaraan 18,000 oo aysan ku jirin ciidanka cirka, kuwa badda iyo ciidamada gaarka ah ee gaashaaman.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Waddanka Turkiga

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminaayo  ayaa gaaray Magaalada  Ankara ee Turkiga, iyadoo si wayn loogu soo dhoweeyay Halkaas

Waxaa ku wehlinaya Madaxweynaha Safarkiisa xubno ka tirsan golaha Wasiirada xildhibaano iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa waxaa lagu wadaa inuu la kulmo dhigiisa wadanka Turkiga iyo Madax kale oo ka tirsan dowladda Turkiga ayaga oo ka wada hadli doona cilaaqaadka labada dal, iskaashiga iyo arrimo kale.

Madaxweynaha Soomaaliya oo magacaabay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada

0

Madaxwaynaha Soomaaliya  Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa magacaabay   Maareeyaha Guud ee Hay’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada Soomaaliya.

Madaxweynaha JFS Soomaaliya ayaa wuxuu u magacaabay xilkaan Mudane Yusuf Cabdi Cabdulle oo loo yaqaano “Yuusuf Jaalle”.

Yusuf Cabdi ayaa wuxuu horay u soo noqday Guddoomiye ku xigeenka Gobalka Shabeellaha Dhexe ee dhinaca Arrimaha Siyaasadda.

Dowladda Shiinaha oo 10 Malyan oo doolar oo ay ugu talagashay dadka ay abaaraha saameeyeen ku wareejisay

0

Madaxa Barmaamijka Qaramada Midoobay u qaabilsan cunada WPF ee Soomaaliya ,safiirka Dowladda Shiinaha ee Soomaaliyo iyo wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Masiibooyina Dowladda Soomaaliya ayaa goob joog ka ahaa goobta lagu wareejinayay deeq lacag oo gaareysa Toban Milyan oo Doolar (10,000$) oo Dowladda Shiinaha ay ugu tala gashay dadka Soomaaliyeed oo ay abaarta saameysay ,iyadoo si toos ah deeqdaas lacagta ah loo soo marsiinayo Barnaamijka Cunada Aduunka ee WFP.

 U qeybsamaha Barnaamijka Cunada Aduunka WFP ee Soomaaliya Laurent Bukera ayaa sheeegay in WFP ay mudo badan caawineysay dadka Soomaaliyeed kuwooda caawinta u baahan ,hadana ay diyaar u tahay in ay sii wado “marka hore waxaan rabaa inaan u mahad celiyo safiirka shiinaha ee soomaaliya oo ka turjumay sida shacabka shiinaha ay mar walba u garab taaganyihiin dadka soomaaliyeed ayna ka taageeraan dhinaca gargaarka bani’aadanimo,anaga WFP ahaan waxaan diyaar u nahay inaan sii wadno caawinta dhinacyada kala duwan leh oo aan mar walba la garab taaganahay dadka Soomaaliyeed ,deeqdan lacagta ahna waxa loogu tala galay in lagu caawiyo dadka aadka u liita ee ay abaarta saameysay sida haweenka iyo  caruurta kuwooda ay nafaqa darida heysato”.

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Qin Jian ayaa sheegay in Shiinaha iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen oo dhinacyo kala duwan leh islamarkaana Dowladda Shiinaha mashaariic kala duwan ay ka fulisay Soomaaaliya hadana ay diyaar u tahay in ay sii wado ,waxaana safiirka sidoo kale uu sheegay in Dowladda Shiinaha iyo Shacabkeeda oo iskaashanaya ay mar walba diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada dadka soomaaliyeed ee abaarta saaameysay“lacagtan waxaan ugu tala galnay dadka abaarta saameysay gaar ahaan dhinacyada nafaqa darida  ,waxaana rajeyneyaa in ay qeyb ka qaadato caawinta dadka soomaliyeed oo ay abaarta saameysay,waaana sii wadeynaa taageeradda dadka soomaaliyeed iyo dowladooda”.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Masiibooyina Dowladda Soomaaliya Drs Maryam Qaasim Axmed oo u mahad celisay Dowladda Shiinaha oo deeqdan lacagta ah soo dhiibtay iyo Wfp oo lasoo marsiiyay ayaa sheegtay in ay wax badan ka tari doonto baahida dadka ay abaarta saameysay.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Masiibooyina ayaa ugu baaqday dadka Soomaaliyeed ee jooga gudaha dalka iyo dibadiisa iyo sidoo kale beesha Caalamka in ay gar gaaraan dadka ay abaarta saameyn ku yeelatay.

Kulan lagu xoojinayay xiriika jaaliyada Soomaaliyeed iyo laamaha amaanka Koonfur Sudan oo lagu qabtay magaalada Juba.

0

Kulankan oo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen wasaarada arimaha gudaha ee wadanka Koonfur Sudan iyo safaarada Soomaaliya ee magaalada Juba ee caasimada wadanka Koonfur Sudan ayaa ahaa mid lagu xoojinayay xariirka jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool wadankan iyo laamaha kala duwan ee amniga.

Ugu horeyn waxaa kulanka furay wasiirka arimaha gudaha Koonfur Sudan Michael Chiangjiek Geay kaasi oo sheegay in dowladiisu dhiirigalineyso maalgashiga oo ay Soomaalidu ugu horeyso asigoona faray hay’adaha amniga in la xaliyo baahiyada iyo cabashooyinka ganacsatada Soomaaliyeed sida ugu dhaqsiyaha badan.

Sidoo kale danjiraha dowlada Soomaaliya ee wadanka Koonfur Sudan mudane Xuseen Xaji Axmed ayaa sheegay in muhiimada koowaad ay tahay badbaada nafta iyo hantida soomaaliyeed oo aan lagu xadgudbin meelna looga soo wada jeesto wixii dhibaato u keenayo labada dhinac.

Ugu dambeen kulanka ayaa ku soo idlaaday is afgarad aad wanaagsan laguna xaliyay dhamaan caqabadiihii taagnaa sidoo kalene la isku waafaqay in meel looga soo wada jeesto dadka wax tahriibiya iyo wixii keeni kara amni darado.

Ciidamadda Amaanka oo gacanta ku dhigay Gaari Walxaha Qarxa laga soo buuxiyey

0

Ciidamada amaanka ee Gobolka Bari ayaa habeenimadii xalay gacanta kusoo dhigay gaari lagasoo buuxiyey walxaha qarxa waxaana gaariga lasocdey 5ragga oo loogu tala galay iney fuliyaan qorshaha lagu qarxinayo hubkan.

Walxahan qarxaha oo ahaa ilaa iyo 3waaxood ayaa lagu wadey in lagu qarxiyo  goobo kala duwan oo ku yaala Boosaaso  waxaana gaarigan laga qabtay wadada jidka 30ka ee Bosaaso gaar ahaan inta udhexeysa madaxtooyada iyo cusbitaalka 3 xidigood bosaaso.

Taliyaha qaybta gobolka bari C/xakiim Xuseen Yuusuf oo Warbaahinta kula hadlay Boosaaso ayaa faahfaahiyey hawlgalkan ciidamadu kusoo qabteen Kooxdaan katirsan Malayshiyaadka Al-shabaab waxaana uu xusay in ay la socdeen dhaqdhaqaaqa kooxdan.

Taliyaha ayaa shacabka usheegay iney dagaal ku jiraan loona baahanyahay iney la shaqeeyaan shacabka si looga guulaysto kooxaha kasoo horjeedka amaanka Gobolka.

Hawlgalkan lagusoo qabtay gaarigan laga soo buuxiyey Waxlaha qarxa ayaa noqonaya kii ugu horeeyey oo noociisa oo ciidamada amaanka sameeyaan sanadkan 2017 waxaana uu qeyb kayahay qorshaha lagu horumarinayo amaanka deegaanada Puntland.

Baarlamaanka Jaamacadda Carabta oo Cambaareeyay falkii lagu dilay 45 ruux oo Soomaali ah

0

Xildhibaan Maxamed Cumar dalxa oo Baarlamaanka Soomaaliya  u qaabilsanaha  Baarlamaanka  Jaamacadda Carabta ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in shirkii baarlamaanka Jaamacadda Carabta looga hadlay Arrintii ka dhacday Yemen iyagoo Cambaareeyeen falkii lagu dilay 45 qof oo Soomaali ah kuwaa oo marayay xeebaha dalka Yemen.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in Baarlamaannada Jaamacadda Carabta ay ku baaqeen in tallaabo laga qaado ciddii mas’uuliyadda falkaas ka dambeysay gantaalkii lagu dhuftay dadka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in xildhibaanada baarlamaanka Jaamacadda carabta ay balan qaadeen in ay gurmad deg deg ah ay soo gaarsiin doonaan dadka Soomaaliyeed ee ay abaartu saameysay.

Shirweyne lagu horumarinayay Arrimaha Soomaalida oo madaxtooyada Ohio lagu qabtay

0

Shirweyne si weyn loo soo agaasimay oo lagu soo bandhigay natiijada cilmi-baaris muddo saddex sano ah qaadatay ayaa lagu qabtay aqalka looga taliyo gobolka Ohio. Shirweynahan oo ka koobnaa khudbado, aqoon is weydaarsi iyo casho sharaf ayaa waxaa soo agaasintay hay’adda SomaliCAN oo dhaqdhaqaaqda danaha dadka Soomaaliyeed.

Waxaa shirweynaha ka soo qaybgalay madax ka kala socotay magaalada Columbus, gobolka Ohio, iyo Madax heer Qaran a, aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Wasiirkii hore ee Waxbarashada Soomaaliya Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamed, Guddoomiyihii hore ee Bangiga Dhexe Yusur Abraar, Dr. Bashiir Nuur Bidaar oo ah Madaxweyne-ku-xigeenka bangiga Chase, culumaa’u diin, ganacsato, Ardayda jaamacadda iyo qaybaha kale ee bulshada.

Professor Jibriil Maxamed oo ah madaxa SomaliCAN isla markaasna Macallin sare ka ah jaamacadda Ohio State ayaa khudbaddii furitaanka ku sheegay in ujeeddadu tahay in la isu keeno indheer-garadka Soomaalida iyo madaxda la doortay ee heer magaalo gobol iyo heer qaran intaba si loo helo warbixin ku salaysan cilmi baaris iyo aqoon si wada jir xal loogu helo caqabadaha ay wajahaan dadka Soomaaliyeed ee reer Ohio. Jibril ayaa ku dhawaaqay in hay’adda SomaliCAN ay tababbari doonto toban dhallinyaro Soomaaliyeed ah si loo kobciyo ka qaybgalka Soomaalida ee arrimaha Dowladda.

Cabdi khayr Soofe oo ah madaxa arrimaha soo galootiga ee magaalada Columbus ayaa ka warramay xaaladda dadka ku cusub Maraykanka isaga oo sheegay in ay horumar baahsan ka samaynayaan dhinacyada aqoonta, ganacsiga iyo shaqooyinka.

Khadra Maxamed Shire oo madax ka ah ururka haweenka Ohio ayaa ka warbixisay kaalinta haweenka Soomaaliyeed ee Ohio iyo sida ay hormuud uga yihiin dhan walba.

Cabdirisaaq Faarax oo ka tirsan wasaaradda amniga gudaha Maraykanka, Mushtaaq Ducaale oo u hadashay dhallinyarada, Cabdirisaaq Cali Ciise oo u hadlay ganacsatada iyo Axmed Cali oo ka hadlay arrimaha siyaasadda ayaa dhammaantood muujiyay horumadka Soomaalida iyo sida ay uga qaybqaataan arrimaha gobolka Ohio.

Ugu dambayntii, Stefanie Chambers oo ah qoraaga buugga “Somalis in the Twin Cities and Columbus,” oo ah bare jaamacadeed ayaa soo bandhigtay natiijada cilmi baaristeeda. Dr. Chambers waxay sheegtay in Soomaalida Ohio ay haystaan caqabado.