Qoysas danyar ah oo afurin loogu sameeyay Caabudwaaq iyo Balanbale

Date:

Barnaamijka Afuri Dadka aan awoodin ee danyarta ah oo ay iska kaashadeen Hay’adaha O.I.C. iyo WAAT ayaa magaalooyinka Caabudwaaq iyo Balanbale loogu sameeyay Afur soconaya Bisha barakaysan ee Ramadaan qoysas gaaraya 800 oo qoos.

Eng-Bashiir Axmed Jalaato iyo Xasan Aw-faarax oo wakiil uga ahaa Hay’adda soo sadaqaystay Afurkan loo samaynayo bisha Ramadaan  Dadka Danyarta iyo Barakacayaasha ayaa sheegay in Raashin bisil ay heli doonaan dadkan, kaasi oo socon dooni inta ka dhiman bisha barakeysan ee Ramadaan.

Cabdifitaax Daahir Xirsi oo ah Madaxa amniga degmada Balanballe ayaa ka maamul ahaan uga mahadceliyay hay’adihi ku soo sadaqaystay Dadka aan awoodin afurka Raashinka Bisil.

Qaar kamid ah dadkii ka faa’iidaystay Deeqdaan Afuri walaalkaa ayaa ka mahadceliyey Afurka loo sameenayo maalin waliba inta lagu gudo jiro Ramadaan.

       

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka...

Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Sirdoonka Macmalka ah (AI) loo adeegsado horumarka aadanaha

Beijing/Shanghai – 17 Luulyo 2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha,...