Maamulka Gobolka SH/Hoose oo deeq raashin iyo daawo gaarsiiyay degmada Baraawe

Date:

Munasabada kooban oo lagu qabtay xarunta Isbitaalka magalada Barawe ayaa waxaa deeq daawo ah lagu wareejiyay mamulka Isbitaalka degmada Baraawe si loogu daweeyo bukanada jiifa isbitaalka degmada, waxana munaasabadda goob joog ka ahaa Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Koonfurgalbeed ahna Guddomiyah Guddiga abaaraha Koonfurgalbeed, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, Guddomiyaha degmada Barawe, waxaana deeqda daawada ah ka timidย  Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiiboyinka Xukuumadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha degmada Baraawe Aadan Cumar ayaa u mahadceliyayย  Wasaaradda gar gaarka ee dawadaan soo garsisay, isagoo sheegay in deeqdan ay ku soo aaday xilli baahi weyn loo qabay.

Agaasimahaย  isbitalkaย  Degmada Barawe Cabdalla Cabdiraxmaan Nuuraniย  ayaa ka guddomiyay masโ€™uuliyin deeqda daawada ah, waxaana uu carabka ku adkeeyay in daawada loogu adeegi doono si siman bukaanada isbitaalka ku jirta.

Dhanka Kaleย  Deeeq raashin ah oo ka timid Wasaaradda Gargaarka Soomaaliyaย  ayaa maanta loo qeybiyaay qoysas danyar ah oo gaarayaย  750 qoysย  kuna sugan magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose

Goobta lagu qeybinayay rashinka ayaa waxaa ku sugnaaa Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose, Wasiirka Xanaaanada Xoolaha Koonfurgalbeed ahna Guddoomiyha Guddiga Abaraha Koonfurgalbeed iyo maamulka degmada Baraawe

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Ibraaahim Aadan Cali Najax ayaa u mahadceliyay Wasaradda Gargaarka iyo Maareynta musiiboyinka ee deeqdan soo garsiyay dadka ay abaartu saameysay, isagoo u mahadceliyay heyโ€™adaha ammaanka ee ka qeybqaatay gaarsiinta raashinka dadka ay abaartu samesay

Wasiirka Wasaaradda Xanaanda Xoolaha Koonfurgalbeed Madoobe Nuunow Maxamed ayaa shegay in raashinka la gaarsiyay dadkii loogu talagalay.

ย 

W/D. Maxamed Cali Cumar Jubba

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...