Waxqabadka Dawladda ee usbuucii la soo dhaafay 10

Date:

June – 17 JuneMogadishu, 17 June 2017 – Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Cumar

Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la

soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin;

Ciidanka XDS oo dilay Maleeshiyaad miino aasayey

15kii June 2017 ayey Ciidamada XDS dileen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab

oo miino waxyeello geysatay ku aasay waddada isku xirta degmooyinka Jowhar

iyo Balcad. Ciidamo watay sadex gadiid ah kana tagay degmada Balacad oo ku

sii jeeday Jowhar ayaa miino lagu aasay dhulka ku qaraxday. Qaraxa kadib ayey

ciidamadu bilaabeen howlgal ay ku baacsanayeen maleeshiyaadka aasay

Miinadaasi halkaas oo ay ku dileen maleeshiyaadkii miinada aasay.

 

Wadatashiga Hannaanka Dib-u-eegista Dastuurka oo lagu qabtay Garowe

Wasaarada Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo

waday barnaamijka wadatashiga hannaanka dib-u-eegista dastuurka ayaa

usbuucan kulamo wadatashi ah ku qabatay Garowe, caasimada Puntland.

Wasiirka Dastuurka ayaa kulamo la qaatay Madaxweynaha Puntland,

Guddooomiyaha Baarlamaanka, mas’uuliyiin kale iyo qeybaha bulshada

Puntland. Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka

Soomaaliya ayaa kulan wadatashi oo ka dhacay Xarunta Cilmibaarista ee

Nabadda iyo Horumarinta Puntland u qabatay qaybaha kala duwan ee bulshada

rayidka ee deegaanada Puntland.

 

Hindise Sharciyeedka La Dagaalanka Musuqmaasuqa oo la diyaariyey

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed

(Khader) ayaa 14kii June 2017 xafiiskiisa kala wareegey Wasaarada Cadaalada

Hindise Sharciyeedka La dagaalanka Musuq-maasuqa kasoo la qorsheenayo in

la horgeeyo Golaha Wasiirada Soomaliya si ay uga doodaan Sharcigan cusub ka

dibna ay u ansixiyaan. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi

Maxamuud Guuleed ayaa u mahed madaxda iyo shaqaalaha Wasaarada

Cadaalada, maadaama ay wakhti badan galiyeen sidii loo dhameys tiri lahaa

sharciga la dagaalanka Musuq maausaqa oo baahi badan loo qabo inuu

shaqeeyo, sidoo kalena waxuu tilmamey iney turjumeen sharcigii hore ee Musuq

maasuqa kasoo lagu dhaqmi jirey 1968-kii oo ku qornaa luuqada Talyaaniga.

 

Dowlada Federaalka oo Hirgelineysa Dib-Heshiisiin Qaran

Ra’iisul Wasaare ku -xigeenka XFS ahna ku simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane

Mahdi Maxamuud Guuleed ayaa 13kii June 2017 si rasmi ah u daah furey shirka

Wadatashiga Dib-u-heshiisinta Qaran, Xog-ururinta Khilaafaadka iyo Xalkooda

kaas oo socday 4 cisho, laguna qabtey Muqdisho. Waxaana ka soo qayb galey

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u hushiisiinta

Soomaaliya, Qaar kamid ah madaxda dalka, Xubno ka socdey Maamul

Gaboleedyada, Odayaasha dhaqanka, Abwaano iyo qeybaha kala ee bulshada.

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta

Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa sheegey in shirkan uu horudhac u

yahey dib-u-heshiisiin dhab ah oo loo sameeynayo shacabka Soomaaliyeed.

Waxuuna tilmaamey sida loogu baahan yahey in shirkan wadatashi ey ka soo

baxaan qodobo dhaxal gal u ah bulshada Soomaaliyeed, waxuuna balan qaadey

iney dhaqan galinayaan go’aanada laga gaaro shirka.

 

Dowlada Federaalka oo Mideyneysa Hannaanka Canshuuraha Dalka

Wasiirka Wasaaradda Maaaliyadda Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa 12kii

daahfuray Shirweyne ay Wasaaradu ku casuuntay Wasaaradaha Maaliyada ee

Dowlad Goboleedyada kaas oo lagu mideynayey canshuuraha iyo dakhliga dalka

iyo sidoo kale xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga. Wasiirka Maaliyadda

ayaa wasiirada iyo xubnihii kale ee shirka ka qeybgalay u sheegay in mas’uuliyad

weyn ka saaran tahay sidii dalkan isku filaansho dhaqaale u gaari lahaa. Ka

qeybgaliyaasha shirka ayuu wasiirka ku adkeeyay in ay ka shaqeeyaan sidii

dalkeenu u noqon lahaa mid amaano leh isla markaana canshuur bixiyeyaasha

ay ku kalsoonaan karaan si taa loo helona ay tahay in la sameeyo isla xisaabtan

joogto ah. Ugu dambeyntii wasiirka, ayaa sheegay in ay lagama maarmaan ay

tahay in wada shaqeyn joogto ay dhex marto wasaaraddaha maaliyadda ee

dowlad goboleedyada iyo tan dowladda federaalka isla markaana arintaas xooga

la saaro.

 

Saldhiga tababarada Al-Shabaab ee Saakow oo la burburiyey

11kii June 2017 ayaa ciidamada XDS iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka

waxey ku guuleysteen inay bur-buriyaan saldhig weyn oo kooxda argagaxisada

ee Al-Shabaab ku lahaayeen meel u dhow Degmada Saakow ee gobolka

Jubbada Dhexe. Hawlgalkan ayaa waxaa fuliyey ciidadanka sida gaarka ah u

tababaran ee Soomaaliya oo taageero ka helaya ciidamada kale ee caalamiga

  1. Guushan ayaa waxay wiiqaysaa awoodda cadowga uu kusoo abaabulo

weerarro cusub.

 

Dowlada Federaalka oo hirgelisey Tababarka Fahamka Xaquuqda Carruurta

Tababar wacyi galin ah oo la xiriirta Fahamka Xuquuqda Carruurta, diyaarinta

warbixinta heshiiska Caalamiga ee Axdiga Carruurta ayaa loo qabtay qaar ka mid

ah Xildhibaanada Golaha Shacabka, Saraakiisha hay’adaha Dowladda iyo

Bulshada Rayidka 11kii June 2017. Siminaarka oo ay soo agaasintay

Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Soomaaliya

ayaa waxaa diiradda lagu saaray inta uu socday wacyigelinta fahamka xuquuqda

carruurta. Ujeedka tababarka ayaa ahaa in si fiican qeybaha bulshada looga

fahamsiiyo xaquuqda carruurta, isagoo intaa ku daray inay joogteyn doonaan

tabbabarada nuucaani oo kale ah.

 

Dowlada Federaalka oo qorsheyneysa soo nooleynta Dalxiiska

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar

Cismaan (Eng. Yarisow) oo 16kii June 2017 kulan la qaatay Xoghayaha Guud ee

Hay’ada Dalxiiska Caalamiga ah (Word Tourism Orgnanization) Mr Taleb D. Rifai

ayaa sheegay in Dowlada Federaalku ay wado qorshihii dib u soo nooleynta

Dalxiiska Soomaaliya si bushada caalamka ay ugu soo dalxiis tagaan dalka,

tanoo keeneysa maalgashi caalami ah iyo shaqo-abuur ay dhalinyaradu ka

helayaan. Bacdamaa uu amniga soo roonaanayo ma aha in la sugo inta wax

walba ka hagaagayaan ee waa inaan jiilka cusub u sii diyaarinaa jawi dalku uu

kula tartami karo caalamka intiisa kale. Kulanka Xoghayaha Guud ee WTO waa

fursad ay Soomaaliya ay ku dooneyso inay door ku yeelato Hay’ada DalxiiskaCaalamiga.

DHAMAAD

Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska

[email protected]©2017 Ministry of Information, Culture & Tourism | Mogadishu, SomaliaWeb Version Forward Unsubscribe

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...