Midoowga Afrika iyo Qaramadda Midoobay oo ka hadlay xaalada ka taagan xuduudaha Jabuuti iyo Eritarya.

Date:

Urur Goboleedka Midowga Afrika iyo Qaramadda Midoobay ayaa ka hadlay xaalada kusoo korortay   xiisaddii dalalka Jabuuti iyo Eritarya, kaddib markii ay Ciidamada Eritarya qabsadeen dhulka la isku heysto  ee xuduuda labada dal.

Gudoomiyaha Midowga Afrika Mousa Faki ayaa shaaciyey in uu ka welwelsanyahay xaalad cusub ee kusoo korortay xuduudaha labadda dal ee Jabuuti iyo Eritarya Sidoo kale Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay ayaa soo cusboonasha khilaafka u dhaxeeyo Jabuuti iyo Eritarya ku sheegay in uu soo nooleeyey khilaafka u dhaxeeyo Wadamada Khaliijka.

Labada Dowlad ayaa waxaa horay ugu kala dhaxjiray ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socday dalka Qadar ayagoo isaga baxay halkaas kadib markii ay dowladda Eritarya Xiirka u jartay Dowladda Qadar halka ay Dowladda Jabuutina hoos u dhigtay xiriirkii Diblomaasi ee kala dhaxeeyey  dowladda Qadar.

Qaraar kasoo baxay Qaramadda midoobay ayaa waxaa horay labadda dal loogu amray in ay ciidamadooda kala baxaan dhulka la isku heysto ayadoo geysan ciidamadda nabad ilaalinta ah ee ka socday dalka Qadar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii ugu horreeyay ee qaata kaarka codeynta

Madaxweynaha Dowlad Goboleeda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya,Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali,ayaa...