Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre oo ku booqday Isbitaal Madiino dad qaba Dhaawacyo kala duwan.

Date:

Muqdisho, 17 June 2017….Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo weheliyo Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Jamaal Xasan ayaa booqday qaar kamid ah dhaawacyadii ay wax yeeladu ka soo gaartay weeararkii ugu danbeeyey ee kooxaha argagixsadu ay ka geysteen Caasimadda iyo qaar kale oo dhaawacyo daran ay ku soo gaareen gobollada dalka, wuxuna Alle uga baryey in uu siiyo caafimaad sareeca intii dhimatayna Naxariistiisa Janno uu ka waraabiyo, isagoona cadeeyey in Soomaaliya ay ku jirto xaalad dagaal oo u baahan in iskaashi guud laga yeesho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo wareegay qeybaha kala duwan ee ay yaalaan dhaawacyada, wuxuna gaar siiyey deeq, isagoona u sheegay dadkii dhibaatadu soo gaartay in dawladdu ay garab taagan tahay isla markaana aan laga hari doonin kuwii wax yeelada u geystay.

“Runtii dadkan waxaa dhibaateeyey gacan ka xaq daran, mana jirto wax dembi ah oo ay galeen, dawladduna waxay ku howlan tahay sidii dalka looga sifeyn lahaa argagixisada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xusay in kooxahan nabad diidku ay marayaan marxaladdihii ugu dambeeyey ee dhamaadkooda.

“Ka sakow dadka dhaawacayadu ka soo gaareen weerarkii Maqaayadda Pizza House ee halkan yaala, waxaa jira kuwa qaba dhaawacyo daran oo ku jira Isbitaalka oo uu kamid yahay wiil 10 jira ah oo xabad ku dhufteen kuwa arxan daran isagoo ciyaaraya banooni magaalada Beledweyne, dhacdooyinkaas xanuunka badan waxay muujinayaan khatarta uu leeyahay hubka nuuc yadiisa kala duwan ee ku baahsan dalkeena, waana qeyb kamid ah qorshaheena an ku ciribtirayno hubka ku jira gacmaha dadka aan mudnayn”ayuu yiri R/Wasaare Xasan Kheyre.

Ugu danabayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay meel uga soo wada jeestaan kooxdaan xalaalaystay dhiigooda, ayna gacamaha is qabsadaan si looga hortago dhibaatooyin intaa ka badan oo ay maleegayaan kooxaha nabad diidka ah.

—–DHAMMAAD—

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...