Madaxweye Farmaajo “Shacabka hala shaqeeyeen ciidamada, si looga hortago dhagarta ay maleegayaan argagixisadu”

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta salaadda Jimcaha kula tukaday boqolaal shacab ah Masjidka Isbaheysiga Islaamka, isagoo shacabka ka dalbaday inay la shaqeeyaan

Madaxweynaha markii salaadda Jimcaha la tukaday kaddib oo la hadlay dadkii masjidka ku sugnaa ayaa ka hadlay dhacdadii xanuunka badneyd ee dhawaan ay argagixisada Al-Shabaab ay ku laayeen dad rayid ah, waxaana uu Madaxweynaha uu xusay in taasi looga hortagi karo in si wada jir ah la isaga kaashado howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in ciidamada ku shaqada leh xasilinta amniga caasimadda aysan kaligood waxba qaban karin, haddii aysan helin taageerada Shacabka, kana codsaday inay xoojiyaan la shaqeynta laamaha amniga.

“Sidaad ogtihiin doraad dad masaakiin ah oo meel ka qaxweynaya oo waqti Ramadaan ku jira, ayaa dad sheeganaya dad magac diin ku socday, waxa ay laayeen wax Allaale wixii carruur ah ee meesha joogay oo goob ku afurayay, kuwaasi oo isugu jiray carruur, gabdho iyo dad da’ah, maxay galabsadeen, dadkaasi waxaa lagu laayay magac Muslim., Diintee qabta in la laayo dad maato ah oo naf la xalaaleysto” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

“Waxaan rabnaa inaad dowladiina gacan siiyaan oo aad ka hortagtaan qofkasta oo ku soo dhexdhuumanaya ee doonaya inay bulshadooda dhibaateeyaan, waxaan rabnaa in qofka Soomaaliga uu aamino in uu dhulkan uu isagu leeyahay, oo aan difaacano dhulkeena, Badaheena iyo Cirka intuba” ayuu  Madaxweynuhu hadalkiisa ku daray.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in dowladdu ay xoogga saareyso sidii shacabkeeda ay ugu adeegi lahayd si daacadnimo ah, balse shacabka looga baahanyahay inay door ka qaataan xaqiijinta amniga oo ay ciidamada la shaqeeyaan, maadaama ay habeen iyo maalin u taaganyihiin difaaca Qaranimadooda.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo khudbadiisa ay ka hadlaysay dhinacyo badan ayaa tilmaamay

“Ciidan shisheeye dalkiina ma xoreynayaan ee idinka ayaa la idinka rabaa inaad dalkiina cadowga ka xoreysaan, dadka na caawinaya ee aad arkeysaan Awooweyaashaad ayaad u soo shaqeeyay, marka anagu aan ka shaqeysanayo sidii dadka naga dambeeya aan magac wanaagsan ugu sameyn lahayn. ayuu Madaxweyne Farmaajo khudbadiisa ku soo gabo gabeeyay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...