Ra’iisul Wasaare Kheyre”Haddii dalkeena uu xasilo Dadkeena waxa uu la tartami doonaa aduunyadda kale”

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay xooga saareyso Xasilinta Dalka Soomaaliya.

Mudane Kheyre ayaa xusay in waxa uu ugu weyn ee wadanka ka maqan uu yahay amaanka waana sababta ay xukuumadda xooga u saartay sidii lagu soo celin lahaa amni buuxo oo la isku haleyn karo.

Ra’isul Wasaare kheyre ayaa Sheegay in aysan noloshu dhadhan lahayn amaan la’aan xitaa haddii aad lacag badan sameyso qiimo ma yeelaneyso haddii aadan heysan meel nabad ah oo si degan aad ugu isticmaasho.

Ra’iisul Wasaarahe Kheyre ayaa ummadda Soomaaliyeed ku booriyey in ay si toos ah uga qeyb qaataan sidii lagu heli lahaa Soomaaliya ka wanaagsan Soomaaliyada Hadda , waxa uun si gooni ah dhalinyarrada Soomaaliyeed ugu booriyey in ay dhaxda u xirtaan si wadankaan loo hormarin lahaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....