Home Blog Page 1668

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo shir Maanta kaga qeyb galaya Magaalada Dooxa

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qatar ayaa lagu waddaa maanta in uu halkaasi kaga qeyb galo Shir Caalami oo ay ka qeyb galayaan Madax ka socota Qaaradda Afrika iyo sidoo kale Bariga Dhexe.

Madaxda Shirkaasi ka qeyb galaysa ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha dowladda Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir.

Mudane Kheyre ayaa sheegay in Shirka Doha Forum oo lagu casuumo madax ka socota dalal kala duwan iyo Hay,ado caalami ah ay Soomaaliya sanadkaan ka qeyb galayso , islamarkaana kulamo kala duwan ay la qaadan doonaan Madaxda Shirkaasi ka qeyb galaysa.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa dhinaca kale lagu wadaa in kulankaasi kadib uu kulamo la qaato madaxda dowladda Qadar islamarkaana uu kala hadli doono arrimo ayy kamid yihiin sidii loo garab istaagi lahaa dowladda Soomaaliya, iyada oo laga taageerayo dhinacyada Dhaqaalaha, Amaanka iyo wax u qabashada dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

Kulan looga hadlayey xoojinta amniga Gobolka Banaadir oo Muqdisho lagu qabtay

0

Kulankan oo ka dhacay Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar ayaa ujeedkiisu  waxa uu ahaay sidii laamaha Amiga Qaranka iyo Ciidanka AMISOM ay u xoojin lahaayeen Amniga Caasimada.

Kulankan oo ay kasoo qeyb galeen Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Sareye Gaas Axmed Jimcaale Geedi, Taliyaha Ciidanka Nabad ilaalinta AMISOM iyo Taliya Qeybta Guud Gobalka Banaadir ee Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa  Waxaa shir gudoominaaye Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Taabit Cabdi Maxamed.

Inta uu kulanka socday  ayaa Duqa Magaalada Muqdisho waxuu  saraakisha uu la kulmay kala hadlay in ay laba laaban Sugida amniga iyo in ay garab siiyan Gudiga golaha Amniga Gobalka Banaadir oo dhawaan la magacaabay si loo sugo Xasiloonida Magaalada Muqdisho maadama ay fooda nagu soo heyso Bisha Barakeysan ee Ramadaanka.

Taliyaha Ciidanka Nabad ilaalinta Amissom ee Soomaaliya Cismaan Nuur Subagle oo kulanka kadib lahadlay Tvga Qaranka waxa uu sheegay in amissom ay u taagan tahay Xasiloonida Soomaaliya.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Taabit Cabdi Maxamed ayaa dhankiisa tilmaamay in saraakisha uu la kulmay ay isku afgarteen sidii gacan adag looga geysan lahaay Amniga Gobalka Banaadir.

Duqa Magaalada Muqdisho  ayaa dhawaan magacaabay Gudiga golaha Amniga Gobalka Banaadir oo ay ku mideysan yihiin Ciidamada Qalabka sida kuwaas oo door ka qaadan Xoojinta Xasiloonida Caasimada.

Dowladda Kuuriyada Woqooyi oo gantaal tijaabo ah ridday

0

Wararka ka imaanaya Koonfur Kuuriya ayaa sheegaya in Kuuriyada Woqooyi ridday gantaal loo malaynayo in uu yahay nooca ballistic-ga ah.

Gantaalka waxa laga ganay gobol u dhaw xeebta galbeeed ee dalkaa, waxaana sidaa ku soo warantay wakaaladda wararka ee Yonhap.

Kuuriyada Woqooyi waxay sanadkan samaysay tijaabooyin isku xig xigay oo ay gantaalo ku gantay, arintaasina waxay sii kordhisay xiisadda u dhaxaysa iyada iyo Maraykanka.

Pyongyan ayaa dardar gelisay barnaamijkeeda nukliyeerka iyo gantaalaha sannadihii u dambeeyey in kasta oo ay soo food saartay cambaarayn caalami ah iyo cuna qabatayn Qaramada midoobay ku soo rogtay.

Hase ahaatee laba gantaal oo la tijaabiyey bishii hore ayaa labadiiba fashilmeen.

Xigasho BBC Somali

Shan nin oo lagu soo qabtay isbaaro oo la soo bandhigay

0

Xarunta wasaaradda gaashaandhiga ayaa maanta lagu soo bandhigay  shan nin oo  ku hubeysana qoriga AK-47 iyo gaari ay u isticmaalayeen falalka dhaca oo  dadka socotada ee mara waddada dheer ee xiriirisa magaalada Muqdisho iyo deegaanka 50 km, kadib howlgal ciidanka xooga ay ka sameeyeen halkaas.

Abaanduulaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeeed janaraal C/laahi Cali Caanood, oo warfidiyeenka kula hadlay goobta raggan lagu soo bandhigay ayaa sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay amarkii madaxweynaha ee ahaa in lala dagaalamo ragga caadeystay in jidgooyooyinka dhigtaan waddooyinka.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegaynaa burcad kasta oo hubeysan ama magac ciidan ha wadato ama magac shacabka ha wadatee in aan loo saamaxeynin in dib dambe shacabka Soomaaliyeed u dhibaateyso,” ayuu yiri abaanduulaha ciidanka xooga dalka.

Abaanduulaha ayaa sidoo kale, sheegay in howlgaladan  ay qeyb ka yihiin amarkii madaxda dalka oo ahaa in ragga isbaarooyinka dhigta loola dagaalamo sida Al-shabaab loola dagaalamo, isagoona xusey in dhowaan sidoo kale 11 nin oo lagu soo qabtay howlgal isbaaro la dagaalan ah ay u gudbiyeen xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Sidoo kale, howlgalo lagula dagaalamayay burcadda dhigata isbaarooyinka ee laga sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha dhexe lagu diley afar kamid ah burcaddaas oo hubeysaneyn.

“ Afar casho ka horna  gobolka Shabeelaha dhexe gaar ahaan degmada Cadale,waxaan ku dilney afar nin oo burcad ah oo hubeysan oo ay la dagaalamay ciidamadii,”  ayuu markale sheegay abaanduulaha.

Janaraal C/laahi Cali Caanood abaanduulaha ciidanka xooga dalka ayaa sidoo kale waxaa uu intaa ku daray in howlgalka lagu diley afarta burcadda ah ay sidoo kale goobta ka baxsadeen 12 nin oo kale kuwaas oo hadda ku dhuumaaleysanaya dhulka howdka ah.

“ Ciidanka biya-caddo iyo deegaanka Xaaji Cali iyo Ceel baraf in ay nimankaas howdka ku jira geesaha ka maraan, ciidankaas howlgal ayay ku jiraan kuwaasna waa la qaban doonaa insha’alah,” ayuu hadalkiisa ku daray abaanduulaha.

Howlgaladan lagula dagaalamayo jidgooyooyinka dadka musaafurka lagu dhibaateeyo oo ay wadaan ciidanka xooga dalka ayaa imaanaya xilli dhowaan madaxwyenaha jamhuuiryada Soomaaliya uu ku amray taliska ciidanka xooga in ay wax ka qabtaan cabashooyinka bulshada Soomaaliyeed ka soo yeeray oo arintaan ku aadan.

20 Haween oo qareeno ah oo maanta tababar loo furey

0

Aqoon is weydaarsiga maanta uga furmay magaalada Muqdisho in ka badan 20 haween  oo qareeno ah, kuwaas oo ka kala yimid gobolada dalka ayaa waxaa uu socon doonaa sadaxda maalin ee soo socota, waxaana diirada lagu saari doonaa xal u helida xadgudubyada ka dhanka ah haweenka.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya Dr Ismaaciil Jimcaale Calasow, oo furay aqoon is weydaarsiga ayaa waxaa uu kula dar daarmay gabdhaha qareenada ah in ay ka mira dhaliyaan hadafka ay isugu yimaadeen.

Dr Ismaaciil Jimcaale Calasow, ayaa sidoo kale ka sheegay furitaanka aqoon is weydaarsigan in wasiirka cusub ee wasaaradda cadaalada uu ku soo kordhiyya wasaaradda fikrada ah in la dar dar galiyo baahinta cadaalada iyo haweenka doorkooda kor loo qaado isla markaana gobolada dalka oo dhan la gaarsiin doono.

Sanado badan haweenka Soomaaliyeed kama dhex muuqan nidaamka cadaalada iyo ururada qareenada dalka haatanse, waxaa muuqata in wasaaradda cadaalada ay dadaal dheer ugu jirto in haweenku door weyn ka qaataan arintaan ujeedka laga leeyahay ayaana ah in haweenka dhibanayaasha ah ay helaan haween qareeno ah oo xaquuqdooda u dooda.

Wasiirka Qorsheynta oo sheegay in lala socon doono mashaariicda dalka laga fuliyo

0

Wasiirka wasaarada qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha xukuumada Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa hadalkan ka sheegay tababar ku saabsanaa  dabagalka iyo qiimeynta mashaariicda horumarineed ee hay’adaha caalamiga iyo dowladaha caalamka  ay ka fulinayaan dalka, kaas oo loo qabtey qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaraddaha xukuumada Soomaaliya iyo kuwa  maamul gobaleedyada.

Wasaarada qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha xukuumada Soomaaliya oo tababarkan qabatey ayaa ujeedkiisu yahay  in la tayeeyo aqoonta iyo xirfada shaqaalaha dowlada iyo in dabagal iyo barista  lagu sameeyo mashaariicda dalka soo galayo.

Xoghayaha Joogtada ah wasaarada qorsheynta Xukuumada Soomaaliya Cabdi Ciise Diirshe,ayaa goobta ka sheegay in uu rajaynayo in natiijo fiican ka soo bixi doonto Shaqaalahan ka faa’ideysananaya tababarkan.

Wasiirka wasaarada qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha xukuumada Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa sheegay in tababarkan wax badan ka tari doonto aqoonta iyo xirfada shaqaalaha dowlada, isagoo sheegay in looga baahanyahay shaqaalada dowlada tababarkan ka faa’ideysanaya  in ay la socdaan  deeqaha iyo mashaariicda dalka soo galaya iyo in sidii la rabey  loo fuliyey.

“Tababarkan aad qaadaneysaan waxaan ra jaynayaa in wax badan ka qabto la socodka mashaariicda dalka laga fuliyo sidii loogu talagalay loo fuliyo, wax badan ayaan aragnay iyadoo la leeyahay labo milyan ama sadex milyan ayaa ku baxday Soomaaliya inta badan ma heyno, hadda kadib waxaan rabnaa in la sameeyo warbixinno sheegaya waxa ummadda Soomaaliyeed magaceed lagu qaadanayo meesha ay aadaan” ayuu yiri wasiirku.

Wasiirka qorsheynta xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale xusey in haddii aan dabagal lagu sameynin dhaqaalaha dalka ay ugu deeqaan dowladaha Caalamka isla markaana loo soo dhiibo hey’adaha ajnabiga ah ay dhici doonto in Soomaalida ay yihiin kuwo musuq maasuq ah oo aan wax lagu aamini karin.

“Adninka ayaa wax badan ka bedeli kara warbixinada (reports) aad keentaan sida naloola dhaqmo, waxaan jeclaan lahaa in aad xil gaar ah iska saartaan sida aan u dabagali la heydeen u xoojin la heydeen xiriirka idin ka dhexeeya wasaaradaha kale ee dowladda federaalka, xiriirka idin kala dhexeeya maamul goboleedyada iyo in ay howshan ay tahay mid loo qabaneyo ummadda Soomaaliyeed,” ayuu markale sheegay wasiirka.

Talaabadan ayaa wax badan ka tari doonta hadii sida ay tahay loo dhaqangeliyo in dhaqaalaha faraha badan ee magaca Soomaaliya lagu bixiyo aan meel khaldan loo adeegsan.

AUN wariye MM Macalim oo maanta geeriyooday

0

Allaha u naxariistee waxaa maanta isbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday wariye Maxamed Maxamuud Macalim ( MM Macalim) oo kamid ahaa shaqaalaha wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Wariye MM Macalim ayaa muddooyinkii dambe ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho hase ahaatee dhowaan ayaa loo qaaday dalka Kenya si halkaas loogu soo daweeyo, isagoona maanta ku geeriyooday isbitaalkii lagu dabiibeyay.

Allaha u naxariistee, wariye MM Macalim ayaa kamid ahaa rug cadaayaasha saxaafadeed ee  fara ku tiriska ah oo ka haray  wariyeyaashii hore ee Radio Muqidsho oo sanadahan dambe ka howlgalayay warbaahinta dowladda.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay

0

Madaxeynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmahan ku maqnaa magaalada London ee dalka UK ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib markii ay kasoo qeyb galeen shirka looga hadlayey arrimaha Sooomaaliya ee halkaasi ka dhacay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka kusoo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan dowladda.

Shirka London oo arrimaha Soomaaliya looga hadlay oo uu kasoo qeyb galay madaxweynaha ayaa ahmiyad gaar ah u lahaa dadka Soomaaliyeed

Waxqabadka Dawladda Federaalka ee usbuucii la soo dhaafay

0

Mogadishu, 13 May 2017 – Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin;

1. 11kii May 2017 – Shirkii London oo Caalamku isla gartay in la hirgeliyo qorsheyaasha ay Dowlada Federaalku hor-dhigtay shirka, lagana soo saaray Warmurtiyeed. Arrimaha diirada lagu saaray shirka ayaa waxaa ka mid ahaa Gurmadka Abaaraha, Amniga, Kobcinta Dhaqaalaha iyo Siyaasada, gaar ahaan sidii lagu hirgelin lahaa doorashooyinka hal cod iyo hal qof 4 sano gudahood. Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa kala saxiixday Heshiis ujeedadiisu tahay in labada dhinacba ay fuliyaan ballanqaadyadii shirka si loo helo isla xisaabtan dhan walba ah.
2. 11ka May 2017 – Golaha Wasiirada oo soo saaray go’aamo lagu dardargelinayo amniga iyo xasilinta dalka iyadoo la abuurayo ciidan isku dhaf ah oo suga amniga caasimada dalka. Golaha ayaa soo dhoweeyey magacaabistii uu Maamulka Gobolka Benadir ee Golaha Amniga Gobolka Benadir, tanoo dardargelinaysa fulinta Qorshaha Amniga Caasimada dalka.
3. Wasaarada Dastuurka oo hirgelisay Ololaha Hannaanka Dib u eegista Dastuurka iyadoo Wadatashiga Dastuurka la yeelatay qeybaha kala duwan ee bulshada si loo dhiirigeliyo shacabka inay door muhiim ah ka qaataan dib u eegista dastuurka si ay u fahmaan oo marka la gaaro waqtiga Aftida ay iyagoo fahamsan qodobada uu ka kooban yahay u codeeyaan. Qeybaha Bulshada ee ilaa iyo hadda lala yeeshay wadatashiga ayaa waxaa ka mid ahaa;
• Haweenka 29kii April 2017
• Bulshada Rayidka ah 04 May 2017
• Dadka Baahiyaha Gaarka ah qaba 08 May 2017
• Dhalinyarada 09 May 2017
• Culumada 11 May 2017
4. Wasaarada Warfaafinta oo hirgelisay Shirka Wadatashiga Horumarinta Warbaahinta 6dii ilaa 8dii May 2017 – Wasiirada Warfaafinta heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ayaa kala saxiixday Is-Faham iyo habmaamuus ay ku wada shaqeynayaan si loo xoojiyo xiriirka wadashaqeynta. Sidoo kale waxey isla garteen in la dhaqangeliyo Istraatejiyada Warbaahinta Dalka, in dib u eegis lagu sameeyo Xeerka Saxaafada, in la dhaqangeliyo Istraatejiyada Qaran Ka-hortaga Falalka Xagjirka ah iyo la xoojiyo xiriirka iyo wadashaqeynta, iyadoo la dhiirigelinayo xoriyada hadalka iyo fikirka sida uu qabo qodobka 18aad ee Dastuurka dalka.
5. Wasaarada Boostada & Isgaarsiinta oo hirgelisay Shirka Wadatashiga Horumarinta Isgaarsiinta 6dii – 8dii May 2017 – Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen Wasiirada Isgaarsiinta Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ayaa looga hadlay sidii loo wadashaqeyn lahaa isla markaasna loo xoojin lahaa xiriirka. Warmurtiyeed ayaa laga soo saaray dhammaadkii shirka.
6. Wasaarada Waxbarashada oo hirgelisay Shirka Wadatashiga Mideynta Manhajka & Imtixaanaadka iyo shirwaynaha Qaran ee Ansixinta qaab dhismeedka manhajka waxbarashada dalka 9 May 2017 – Saddex bilood kaddib waxaa Soomaaliya laga hirgelin doonaa manhaj mideysan oo waxbarashada aasaasiga ah, kaas oo laga dhigi doono dhamaan dugsiyada aasaasiga ah ee hoose, dhexe iyo sare ee dalka. Manhajkan ayaa looga wadahadlay shirweynaha ansixinta qaab-dhismeedka manhajka waxbarashada qaranka Soomaaliyeed oo shalay oo Talaado ahayd ka dhacay Muqdisho.
7. Iyadoo la fulinayo amarkii Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayey Ciidanka XDS ay 10kii May 2017 qaadeen isbaarooyinkii yaaley wadada dheer ee isku xirta Magaalooyinka Afgooye, Bariire, No 50 iyo deegaano dhowr ah oo ku xeeran, isla markaana la xiray 11kii askartii isbaaradu u taaley.
8. Ciidanka XDS ayaa 5tii May 2017 dilay Hogaamiyihii Al-Shabaab ee gobolka Shabeelaha Hoose iyo maleeshiyaad kale oo la socday – Hogaamiyaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Macalin Cismaan Cabdi Badil.
9. 3da May – Dowladda Federaalka oo soo dhoweysey doorashadii Madaxweynaha GalMudug oo baarlamaanka GalMudug u doortay inuu Madaxweyne noqdo Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf);

DHAMAAD

Wasaarada Warfaafinta
media@moi.gov.so

 

UNHCR & Qunsuliyadda Guud ee Caden oo iska kaashanaya qaxootiga Soomaaliyed ee raba inay dalkooda ku soo laabtaan

0

Qusulka guud ee dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Caden Axmed Cabdi Xasan  (Axmed Suudaan ) ayaa kula kulmay xafiiskeeda magaalada Caden Mrs Jacqueline Parlevliet oo ah madaxa xafiiska hay`adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay UNHCR ee Caden, isagoo ugu horaynta ugu mahadceliyey Hay’adda Qaramada Midoobay kaalmada joogtada ay ee u fidiso Qaxootiga Soomaaliyeed ee soo magan galay dalka Yemen 20 kii sano ee colaaduhu ka socdeen Soomaaliya.

Waxaan faahfaahina ka siiyey  xaalada sii adkaanaysa ee ay ku nool yihiin  qaxootiga Soomaalyeed ee weli ku harsan dalka Yemen  oo weli dagaaladu  ka socdaan, taasoo sabab u noqotay inay soo kordhaan cabashooyinka ka imaanaya qaxootiga, maadaama aysan helin adeeg la mid ah kii ay horey u heli jireen dagaalada kahor .

Sidoo kale Qunsulka Guud ayaa u sharxay madaxa Hay`adda Qaxootiga welwelka iyo walbahaarka ay ka qabto dawladda Soomaaliya xaaladda qaxootigii Soomaaliyeed ee lagu  laayey doonta xeebta Xudayda horantii bishii Maarso 2017, kuwaas oo wali aysan suuurto galin in la aaso, sidoo kale kuwii  badbaaday ay weli xabsiyada Xudayda ku jiraan iyo kuwa dhawaca ah oon haysan adeeg caafimaaad oo ku filan .

Qunsulka ayaa madaxa xafiiska UNHCR Caden ka codsaday inay gacan xoogan ka gaysato Hay`addu sidii maydadka loo aasi lahaa, kuwa xiranna loo soo siidayn lahaa, looguna soo wareejin lahaa magaalada Caden iyo kuwa dhaawaca ahba .

Mrs Jacqueline Parlevliet ayaa tilmaantay sida ay uga xuntahay xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed ee weli ku harsan dalka Yemen, waxayna sheegtayna inay dadaal wayn u galeen sidii loo sugi lahaa amaankooda, loona gaarsiin lahaa adeegyada asaasiga u ah nolosha  sida biyaha, raashinka, caafimaadka iyo waxbarashada,  arintaasna wax fiican laga qabtay  ayna si dhow ula shaqayn doonto qunsuliyadda cadan si wada jir ah loogu xaliyo caqabadaha soo noqnoqda  ee ay sababeen dagaalada ka socda dalka Yemen  .

Dhanka kale MrsJacqueline Parlevliet ayaa tilmaantay inay Hay`adoodu ay si dhow ula socdeen xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed ee lagu laayey doonta aadna uga murugoodeen, iyadoo sheegtay inay wax badan qabteen, iyagoo tix gelinaya codsiyadii uga yimid dawladda Sooomaaliya, ayna wanaagsan tahay xaaladda nololeed kuwa xiran iyo tan caafimaad kuwa dhaawaca ah, ayna ku dadaalayaan sidii loo soo siidayn lahaa, looguna soo wareejin lahaa Caden, iyadoo tilmaamtay inay jiraan caqabado badan oo u baahan xalin si loogu guulaysto arintaan  .

Ugu dambantii qunsulka iyo Madaxa xafiiska Qaramada Midoobay ee Qaxootiga ayaa isla gartay sida ay lagama maarmaanka u tahay in gacan loo fidiyo qaxootiga doonaya in si iskood ah  ugu noqdaan dalkooda , arintaas oo ay si aad ah u danayanayaan inta badan ee qaxootiga ku xaniban dalka Yemen.