Degmada Dhahar oo u gudubtay wareegga Afar dhammaadka tartan Cilmiyeedka

Date:

Habeenka 24-aad tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka ee uu maamulka gobolka Benaadir taabagelinayo, waxaa ku tartamay caawa degmooyinka Dhahar ee gobolka Sanaag iyo Yaaqshiid oo ka tirsan gobolka Benaadir.

Tartamayaasha labada degmo waxa ay soo bandhigeen qeybtii hore tartan xiiso badan oo lagu weydiiyey afar su’aal degma walba, waxaana loo gudbiyey qeybta labaad ee tartan cilmiyeedka Afar dhammaad ee Warbaahinta Qaranka.

Natiijada Yaaqshiid

Degmada Yaaqshiid ee gobolka Benaadir, waxaa la weydiiyey toddoba su’aal waxa ay si sax ah uga jawaabbeen hal su’aal lixda kalena waa ay qaldeen, waxa ay uruursadeen Yaaqshiid laba dhibcood (2 dhibcood).

Natiijada Dhahar

Degmada Dhahar ee gobolka Sanaag waxaa iyaguna la weydiiyey toddoba su’aal waxa ay si sax ah uga jawaabbeen Saddex, waxa ay iska qaldeen afar, iyagoo si ka faa’ideysi ah uga jawaabbay laba su’aal oo Yaaqshiid oo hareermartay, waxa ay heleen Toban dhibcood ( 10 dhibcood), degmada Dhahar ayaa u gudubtay wareegga Afar dhammaadka tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka.

Sidoo kale caawa waxaa jira tartan labaad oo dhexmari doonaa degmooyinka Shibis iyo C/casiis oo ka wada tirsan.

Caawa tartan kale C/casiis Vs Shibis

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Jaamac oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Dhiirigalinta Maalgashiga Dalka Burkina Faso

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Burkina Faso, Danjire...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ka daahfuray Shirka Madasha Arrimaha Bini’aadannimada

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo la kulmay saraakiisha Guutada 17-aad ee XDS

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Sare Saahid...