Madaxweyne Farmaajo oo dammaanad qaadey nolosha carruurta agoonta Afgooye

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa ka faalad qaaday xanaaneynta carruurta agoonta ee ku jira xarun ku taalo degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo ay gacanta ku hayaan ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Faadumo Axmed Jimcaale oo ah haweeneyda maamusha xarunta agoonta ee Afgooye, ayaa sheegtay in bur burkii kadib lagu guuleystay in dib loo howlgeliyo xarunta Agoonta ee Afgooye.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur ayuu Madaxweynaha u soo wakiishay in uu ku wareejiyo lacag loogu talagalay inay ku ciidaan carruurta agoonta oo ahayd Ex-xarunta agoonta gabdhaha ee Kacaan, waxaana canugiiba la siiyay $110 dollar.

“Waxaan halkan u nimid markii ugu horeysay anagoo wakiil ka ah Madaxweynaha Soomaaliya deeq lacageed oo naloogu soo dhiibay inaan ku wareejino carruurtan oo hadda halkan ku fadhiya 170 canug, tiradoodu guudna ay tahay 180, canug, laakiin toban ka mid ah ay xanuuno kala duwan ugu maqanyihiin, canugiiba aan u keenay boqol iyo toban dolar oo isugu jirta ciid iyo waxyaabo kale oo ay ka dhigtaan nooli, waxaana kaloo rabaa in aan halkan ka cadeeyo aniga oo ku hadlaya magacaga Madaxtooyada in wixii maanta ka dambeysa nolosha carruurta ay Madaxtooyada qaabileyso bilkasta”. ayuu yiri Cabdinuur.

Taliyaha Ciidanka Asluubta ee Soomaaliya Xuseen Xasan Cismaan ayaa amaanay dhaqanka wanaagsan ee uu Madaxweynuhu sameeyay, maadaama uu damaanad qaaday nolosha agoonta degmada Afgooye.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...