Bisha Cas ee Imaaraadka oo afurin u sameysa boqolaal qoys oo danyar

Date:

Hay’adda Bisha Cas ee dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa maalinkii 21 aad waxaa ay magalaada Muqdisho ka wadda afurin ay u sameeneyso  qoysaska danta yar iyo kuwa barakacayaasha ah, iyada oo maanta afur u qeybisay 400 oo qoys oo ku kala sugan afar degmo oo ka tirsan gobalka Banaadir.

Afurinta ay bixiso hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka waxaa ka faaii’deystay tan iyo markii ay bilaabatay bishaan barakaysan ee Ramadaan in kabadan 8400 oo qoys oo isugu jira barakacayaal, dadka dhibaateysan, iyo kuwa danta yar ee u baahan in laga caawiyo afurka inta lagu guda jiro bisha Soon.

Qoys waliba waxaa la siiyaa Raashiin bisil oo isugu jira Bariis, Baasto, Hilib,Cabitaan, Bur iyo Sambuus. Waxaana maalin walba laga fuliyaa afurinta dhowr degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Hay’adda bisha cas ee Imaraadka iyada oo la kaashaneysa maamulka degmooyinka gobalka Banaadir  waxa ay Rashinka Bisil galab walba u qeybisaa qoysaska aadka u danta yar, barkacayaasha, iyo dadka baahida gaarka ah qaba.

Hay’adda Bisha Cas ee dowladda aan walaalaha nahay ee Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegatay in hay’addu ay marwaliba kaalmo la garab-taagneyd dadka Soomaaliyeed kuwooda caawinta u baahan, haddana ay diyaar u tahay in ay sii waddo caawinaadda shacabka Soomaaliyeed.

Qaar kamid ah dadkii ka faa’ideystay afurinta ayaa uga mahadceliyay hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta kaalmada ay marwalba la garab taagantahay shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...