Bisha Cas ee Imaaraadka oo afurin u sameysa boqolaal qoys oo danyar

Date:

Hayโ€™adda Bisha Cas ee dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa maalinkii 21 aad waxaa ay magalaada Muqdisho ka wadda afurin ay u sameeneysoย  qoysaska danta yar iyo kuwa barakacayaasha ah, iyada oo maanta afur u qeybisay 400 ooย qoys oo ku kala sugan afar degmo oo ka tirsan gobalka Banaadir.

Afurinta ay bixiso hayโ€™adda Bisha Cas ee Imaaraadka waxaa ka faaiiโ€™deystay tan iyo markii ay bilaabatay bishaan barakaysan ee Ramadaan in kabadan 8400 oo qoys oo isugu jira barakacayaal, dadka dhibaateysan, iyo kuwa danta yar ee u baahan in laga caawiyo afurka inta lagu guda jiro bisha Soon.

Qoys waliba waxaa la siiyaa Raashiin bisil oo isugu jira Bariis, Baasto, Hilib,Cabitaan, Bur iyo Sambuus. Waxaana maalin walba laga fuliyaa afurinta dhowr degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Hayโ€™adda bisha cas ee Imaraadka iyada oo la kaashaneysa maamulka degmooyinka gobalka Banaadir ย waxa ay Rashinka Bisil galab walba u qeybisaa qoysaska aadka u danta yar, barkacayaasha, iyo dadka baahida gaarka ah qaba.

Hayโ€™adda Bisha Cas ee dowladda aan walaalaha nahay ee Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegatay in hayโ€™addu ay marwaliba kaalmo la garab-taagneyd dadka Soomaaliyeed kuwooda caawinta u baahan, haddana ay diyaar u tahay in ay sii waddo caawinaadda shacabka Soomaaliyeed.

Qaar kamid ah dadkii ka faaโ€™ideystayย afurinta ayaa uga mahadceliyay hayโ€™adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta kaalmada ay marwalba la garab taagantahay shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Talyaaniga xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo xafiikiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo furay shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...