Dowladda Soomaaliya oo gacanta ku dhigtay Horjooge sare oo ka tirsan Al-Shabaab

Date:

Ciidammada xasillinta caasimadda ayaa gacanta ku dhigay horjoogihii Al-Shabaab ku qaabilsanaa dhibaateynta shacabka Muqdisho kaddib howlgal qorsheysan oo ay ciidanku ka sameeyeen Suuqa Bakaaraha ee  magaalada Muqdisho.

Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) oo shir jaraa’id ku qabtay madaxtooyada Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in ciidammada amniga Muqdisho gacanta ku dhigeen C/wahaab Khaliif Ciise (Tarabuunka) oo ah horjoogaha Al-shabaab Amniyaadka caasimadda u qaabilsan.

Mudan Ducaale Wasiirka Amniga Soomaaliyaa yiri “horjoogahaan oo dhibaato culus ku hayey shacabka Muqdisho ciidanka amniga ayaa qabtay xili uu si dhuumaaleysi ah ku joogay gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha, hey’ahada Bukhaabaraadka Soomaaliya ayaa muddo badan ku dabo-jiray soo qabashadiisa, si dhibaatadiisa ummadda Soomaaliyeed looga badbaadiyo”.

C/wahaab Khaliif Ciise (Ciise Tarabuun), Kooxda Al-Shabaa waxa uu u qaalibsanaa wax ay ugu yeeraan Amniyaadka Muqdisho ama dilalka qorsheysan ee argagixisadu ka geystaan caasimadda, tani ayaa dhabar jab weyn ku ah kooxda Al-Shabaab oo la wiiqay shabakadihii ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...