Degmada Shibis oo u gudubtay wareegga Afar dhammaadka tartan cilmiyeedka

Date:

Afar dhammaadka tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaran ee uu maamulka gobolka Benaadir taabagelinayo, caawa waxaa ku tartamay degmooyinka Shibis iyo C/casiis oo ka wada tirsan gobolka Benaadir.

Tartankan oo ahaa kii labaad ee caawa afar dhammaadka tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, waxaa labada degmo  lagu weydiiyey  afar su’aal degmada walba, iyadoo qeybta dhextaalka lagu soo gudbiyey farriimo wacyigelin ah oo ku aaddan amniga iyo Nafaadadda, sidoo kale isbarashada tartamayaasha degmooyinkaas ayaa lagu soo gudbiyey.

Natiijada C/casiis

Degmada C/casiis ee goolka Benaadir, waxaa  la weydiiyey toddoba su’aal, waxa ay ka jawaabbeen laba su’aal Shan waa ay iska qaldeen, wax aka faa’ideysi ah ma helin, waxa ay heleen afar dhibcood (4 dhibcood).

Natiijada Shibis

Degmada Shibis ee gobolka Benaadir waxaa iyaguna la weydiiyey toddoba su’aal waxa ay si sax ah uga jawaabbeen laba su’aal, shan waa ay qaldeen, hal su’aal ayeey si ka faa’ideysi uga jawaabbeen, sidaas ayeey ku uruursadeen Lix dhibcood (6 dhibcood), degmada Shibis ee gobolka Benaadir ayaana u gudubtay wareegga  Afar Dhammaadka tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ee bisha Barakeykan ee Ramadaan

Habeen dambe, waxaa foodda is dari doona degmooyinka Kaaraan iyo Warta-nabadda oo ka wada tirsan gobolka Benaadir.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee...

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...