Home Blog Page 1664

Kulan looga dooday arrimaha Federalka Soomaaliya oo lagu qabtay Minnesota

0

Kulan cilmiyeedkaan oo ay soo qabanqaabisay Madasha Dood Qaran ee saldhiggeedu yahay magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa waxaa lagu casuumay shaqsiyaad isugu jira siyaasiin caan ah iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ka kala yimid meelo kala duwan, kuwaasi kala ah Yussura Abrar oo ah gabar dhinaca dhaqaalaha ku taqsuustay, islamarkaana mar ahayd Guddoomiyihii Bangiga dhexe ee Soomaaliya. Dr. Cabdulqaadir Cabdi Xaashi oo ahaa Wasiirkii hore ee Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya. Prof. Axmed Muunin Warfaa oo ah aqoonyahan wax ka dhiga Jaamacadda ku taal gobolka Utah ee dalka Mareykanka, islamarkaana mar isku sharaxay xilka Madaxweynimada Soomaaliya. Avv. Cabdulwaaxid Cabdullaahi Warsame oo ah nin sharciyaqaan ah oo ka shaqeeya xaafiiska xeer ilaalinta ee magaalada Columbus ee Gobolka Ohio.

Kulankan ayaa waxaa si weyn looga dooday fahamka ay dadka Soomaalidu ka haystaan nidaamka federaalka oo ah mid ku cusub hab maamulka dowladnimada Soomaaliya iyo waxyaabaha laga dhaxalay sanadihii koobnaa ee nidaamkaan dalka ka shaqeynayey.

Dooddayaasha ayaa si weyn ugu kala aragti duwanaa hanaanka Federaalka, kuwaasi oo dhinacyo kala duwan ka eegayey sida dhaqaalaha, dhaqanka iyo sharuucda dalka u taal sidii loogu dabaqi lahaa.

Cabdulqaadir Cabdi Xaashi oo ahaa Wasiirkii Waxbarashada oo ugu horreyn goobta ka hadlay ayaa ka sheekeeyay qaabka uu ku soo bilowday nidaamka Federaalka iyo sidii uu ku soo galay dowladnimada Soomaaliya, isagoo sheegay aas-aaska Federaalka ay saldhig u ahayd kala fogaanshiyaha iyo aamindarada Soomaalida soo kala dhexgashay tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee dalka ka talinaysay, islamarkaana Soomaalidu ay galeen colaado sokeeyo oo dhumiyey kalsoonidii dadka Soomaaliyeed.

Prof. Warfaa ayaa dhankiisa sheegay in Federalku uu noqon karo mid dadka Soomaalida si weyn isugu soo dhaweyn kara, haddii si wanaagsan loo baahiyo, islamarkaana lala yimaado faham ku saabsan sida la isugu maamulo. Warfaa oo u muuqday in uu si weyn ula dhacsan yahay nidaamka Federaalka ayaa ku dheeraday waxyaabaha wanaagsan ee laga dhaxlikaro, isagoo sheegay in uu Soomaalida u horseedikaro barwaaqo haddii ay fahmaan qaabka la isugu maamulo. “Anigu waxaan aaminsanahay in uu Soomaalida u keenikaro barwaaqo iyo isku soo dhawaanshiyo, waxaana tusaale idin kugu filan dalka Mareykanka ee aan joogno,” ayuu yiri Warfaa.

Sidoo kale, Yussura Abrar ayaa dooda dhinaceeda diiradda ku saartay dhaqaalaha Soomaalida iyo nidaamka Federaalka, iyadoo sheegtay in aysan Soomaalidu haysan dhaqaale ku filan oo ay nidaamkaan ku baahinkaraan.

Ugu dambeyn, doodda waxaa ka hadlay Cabdiwaaxid Cabdullaahi Warsame, kaasi oo sheegay marka hore loo baahan yahay dib u heshisiin Soomaalida dhexmarta, gaar ahaan qabaa’ilaadka, kuwaasi oo kala tabanaya dhibaatooyinkii ay horseedeen dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Kulankaan dood wadaagga ahaa ayaa waxaa ka soo qeybgalay boqolal ruux oo ah Soomaalida ku dhaqan gobolka Minnesota, kuwaasi oo su’aallo iyo fikradaba ku biirinayey mas’uuliyiinta lagu marti-qaaday.

Cali Iidoow oo Calanka Soomaaliya geeyay fiinalka Orodka 1500 Mitir Ciyaaraha Olombikada Islaamka

0

Cali Iidoow Xasan oo orda orodka 1500 (kun iyo shan boqol) Mitir ugu tartamaya Soomaaliya Ciyaaraha Olombikada Islaamka ayaa usoo gudbay wareega Fiinaalka.

Ciyaarahanan oo ah ciyaarihii afaraad ee Olombikada Islaamka ayaa ka socda magaalada Baku ee caasimadda dalka Azerbaijan , waxaana Cali Iidoow qeybta labaad ee isreebreebka kula tartamayay ciyaaryahanada ELKAAM Fouad oo Morocco u dhashay, SHAWEEN Mohammed oo dalka Sacuudiga u dhahay, SEUREI Benson Kiplagat oo Bahrain ah iyo DZHOLOMANOV Musulman oo Kazakhstan udhashay, waxuu ku dhameystay kaalinta afaraad, isagoo u gudbay wareega kama dambeysta orodka 1500 mitir, isagoo kasara marayay Ciyaaryahan reer (Kazakhstan oo wareegan ku haray.

Halkan ka aqriso saacadaha ay ciyaartoyda u ku ordeen.

ELKAAM Fouad             3:54.33 Qualified (baasay)

SHAWEEN Mohammed 3:55.95 Q

3 321 SEUREI Benson Kiplagat 3:56.96 Q

Ali Idow Hassan 3:57.83 Q

DZHOLOMANOV Musulman 3:58.27

Calaamadda  (Q) waxay u taagan tahay ( Qualified) baasay  ama gudbay,

Isreebka Reebka Orodka 1500m guud ahaan waxaa labada qeyb ee Isbreebka ku tartamay 23 ciyaaryahan waxaa Cali Iidoow uuu suura geliyay inuu calanka dalkeena geeyo fiinaalkaa orodka.

Fiinaalka orodka ayaa dhici doona 20 May oo ah maalinta beri ah, waxaana ku tartami doona 12 ciyaaryahan waxaana la ordi doonaan  Saacadda 4:00 galabnimo xilliga geeska Afrika,

Waaxda Warfaafinta GOS

R/wasaare Kheyrre oo ka qeybgalay kulan lagu taageerayay duqa Muqdisho

0

R/wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa la qeybgalay xaflad  lagu taageerayay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed taasoo lagu qabtay Muqdisho,

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyrre oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in wixii cabasho ah iyo xuquuqda gobolka Banaadir ay diyaar u yihiin in la helo, hase ahaatee ay waajib tahay in lala shaqeeyo guddoomiyaha, loona soo maro isaga si nidaamka waafaqsan.

Mudane Kheyrre ayaa sheegay in dadka Muqdisho ay yihiin udub dhexaadka qarannimada Soomaaliya, isagoo xusay in dowladdana ay diyaar u tahay in ay dib u eegto cabashada shacabka Banaadir ee mansabka iyo xuquuqda gobolka uu lahaa.

Iran oo madaxweyne dooraneysa

0

Dalka Iran waxaa ka bilaabatay cod bixinta doorashada  madaxweynenimo.

Tartanka ugu adagi waxa uu u dhexeeya labada murashax ee kala ah madaxweynahah talada haya ee Xasan Ruuxaani  iyo Murashax Muxaafidka ah ee Ibraahim Ra’iisi.

In ka badan 56 Milyan oo ka mid ah dadka reer Iran ayaa saaka u dareeray sanaadiiqda cod bixinta oo la dhigay in ka adan 63 xarun cod dhiibasho oo ku faafsan dalka oo dhan.

Wasaaradda arrimaha gudaha Iran ayaa sheegtay in ka badan Hal milyan iyo bar shaqaale ah ay kor meerayaan sida ay cod bixintu u socoto, kuwaas oo ka kala socda  wasaaradda arrimaha gudaha, Golaha dhowrista dustuurka iyo wakiillada murashaxiinta.

Waxay wasaaraddu intaas ku dartay in ay ammaanka doorashada sugayaan 260 kun oo askari oo ka kala tirsan ciidammada ammaanka, ciidammada ilaalada kacaanka iyo kuwa loo yaqaanno Basiijka.

 

Guddoonka Golaha Shacabka Iyo Deeq Bixiyeyaasha Oo Shir Ku Yeeshay Nairobi

0

Hotelka Southern sun Mayfair ee magaalada Nairobi ayaa waxaa lagu qabtay shir u dhaxeeya Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo deeq bixiyeyaasha caalamka ee taageera Golaha Shacabka.

Shirkan waxaa dhanka Golaha Shacabka wafdiga uga qeybgalay hogaaminayey Guddoomiyaha Golaha Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” waxaana wafdiga ka mid ah Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo maamulka Golaha Shacabka waxaana looga hadlay howlaha hor yaala Golaha Shacabka iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin.

Guddoonka Golaha Shacabka waxa ay shirka kusoo bandhigeen qorshaha sharci dejinta iyo kormeerka hay’adaha dowladda 2017-2020 ayadoo qorshahan ay ku wada cad yihiin sharuucda hortebinta u leh Golaha Shacabka iyo shaqooyinka ay qabanayaan guddiyada joogtada ah oo Golaha Shacabka u qaabilsan kormeeridda howlaha Wasaarradaha Xukuumadda.

Xubnaha ka socday deeq bixiyeyaasha Caalamka ee shirka kasoo qeybgalay ayaa aad ugu riyaaqay qorshaha diyaarsan ee ay soo bandhigeen Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaana ay ballan qaadeen iney gacan ka geysan doonaan sida qorshayaashi loo hirgelin lahaa.

—-DHAMMAAD—-

Maxkamadda ciidanka oo xukun dil ah ku fulisay rag geystay Qarax

0

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay nin qirtay inuu ka dambeeyay qaraxii bishii November ee sanadkii hore ka dhacay Suuqa Beerta ee degmada Waabari, kaasoo ay ku dhinteen illaa 30 qof oo u badnaa Ganacsatada Suuqa.

C/qaadir Cabdi Xasan oo ahaa 40-jir ayaa saaka lagu fuliyay dil toogasho ah, kaddib markii Maxkamadda ciidamada qalabka sida ay dil ku xukuntay bishii March ee sanadkan.

Ninkan ayaa la qabtay xilli uu doonayay inuu is qarxiyo, isla markaana watay gaari caasi ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, hase ahaatee inta aanu qarxin ka hor ayeey ciidamada amniga qabteen, isla markaana intii su’aalaha la weydiinayay ayaa waxaa qarxay gaarigii uu watay.

Maxkamadda ayaa horay xukun xabsi min 15 sano ah ku riday labo nin kale oo ku lug lahaa qaraxa gaariga caasiga ah, kuwaasoo laga soo qabtay Garaash lagu diyaariyay gaariga qarxay.

 

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay dardargelinta fulinta qorshaha 90ka maalmood

0

Muqdisho, 18 May 2017 – Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Amniga, dardargelinta Qorshaha 90ka maalmood, Imtixaanada Dugisyada Sare, Shirka London, bilicda caasimada iyo arrimo kale.

Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirka Amniga oo sheegay in la bilaabay dhaqangelinta go’aanadii ay horey golaha wasiirada u gaareen ee Qorshaha Amniga Muqdisho oo ciidankii isku-dhafka ahaa la xareeyey, tababrna u socdo dhowaana bilaabi doonaan howlgalka sugida amniga. Sidoo kale in maamulka G/Benadir uu bilaabay amarkii inaan baabuurta la dhiganin wadada Makka Al-Mukarama. Wasiirka amniga ayaa sidoo kale sheegay in hay’adaha amniga ay ku guuleysteen inay labo baabuur oo qarax siday laga hortagey, ayna socdaan dadaalo lagu baacsanayo kooxaha falalka amni-daro ka dhexfuliya bulshada dhexdooda.

Wasiirka Dhalinyarada ayaa laga dhageystay warbixin ku aadan xuskii maalinta dhalinyarada iyo aasaaska SYL ee 15ka May, waxeyna sheegtay in xafladu si heer sare ah u dhacday, tanoo dhiirigelin weyn u noqotay dhalinyarada Soomaaliyeed. Wasiirada ayaa u mahadcelisey dhammaan intii suurtogelisay in xafladu u dhacdo sidii loogu talogalay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada diyaarinta sharciyada muhiimka u ah dowlad wanaaga iyo sidii ay xukuumadu u gudan laheyd waajibaadka loo igmaday. Wasiirada ayaa ka warbixiyey sharciyada ay diyaariyeen oo dhowaan golaha wasiirada la horgeyn doono.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa golaha uga warbixiyey go’aanadii ka soo baxay shirka London ee 11kii May 2017 iyo baahida deg-dega ah ee loogu baahanyahay in dabagal joogta ah lagu sameeyo dhaqangelinta go’aanadaas. Golaha ayaa u mahadceliyey Dowladda UK oo shirkaas soo abaabushay iyadoo shirku uu ahaa mid ay Soomaali la tagtey ajandaha iyo qoryshaha amniga, dhaqaalaha iyo siyaasada. Sidoo kale Wasiirada Arrimaha Dibedda, Gaashaandhiga iyo Ganacsiga ayaa laga dhageystay warbixino la xiriiro shirarkii gaar-gaarka ahaa ee London ka dhacay inta uu shirka socday. Shirkan London ayaa aad uga duwanaa shirarkii hore oo Madaxweynaha Soomaaaliya Mudane Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayey oo cod iyo aragti mideysan ku tagay shirka, tanoo caalamku aad u ammaanay. Shirkan waxaa lagu heshiiyey in Soomaaliya iyo Caalamka ay wada fuliyaan go’aanada ka soo baxayo iyadoo la isla xisaabtamayo.

Wasiirka Waxbarashada ayaa warbixin ka siiyey golaha wasiirada ku aadan imtixaanka Dugsiyada Sare oo maalinta Sabtiga 20ka May ka bilaaban doona 77 xarumood ee Dowlad Goboleedyada GalMudug, HirShabelle, Koofur-Galbeed, Jubbaland iyo caasimada Muqdisho ee Gobolka Benadir oo 23,000 ardey ay u fariisanayaan imtixaanaadkaas.

Ugu danbeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka warbixiyey muhiimada nadaafada, sheegeyna in loo baahanyahay mas’uuliyiinta dalka inay door hoggaamineed ka qaateen si bulshada loogu horseedo inay bilicda dalkooda hagaajistaan. Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xasan Cali Khayre, wasiirada iyo dhammaan mas’uuliyiinta dalka inay waqtigooda u hurayaan inay waddooyinka nadiifiyaan bishiiba mar. Golaha Wasiirada ayaa u mahadceliyey Guddoomiyaha Gobolka Benadir oo la yimid hinsidaha soo celinta bilicda caasimada Muqdisho.

DHAMAAD

Wasiirada Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedyada Oo Shir Nairobi Kaga Qeybgalaya Dalka Kenya

0

Wasiirada Arrimha Gudaha Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Shir looga hadlayo horumarinta Maamulada kaga qeyb galaya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa kormeeray xaruumaha dowladda Kenya, si ay wax badan uga ogaadaan sida ay u shaqeeyaan.

Ujeedka Shirka ayaa ah sidii Wasaaradaha arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedyada ay cashar ka qaataan sida ay u shaqeeyaan hey’adaha Dowladda Kenya sida Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalkaas oo u shaqeeya qaab Federaal ah iyo sida loo dhiso maamulada degmooyinka, Waxaana sidoo kale shirkaasi goob joog ka ah Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Gudaha Prof Yaxye Cali Ibraahim.

Xubnaha Shirka ka qeyb galaya ayaa booqday Xafiisyada ay ku shaqeeyaan Hey’adaha Dowladda Kenya kuwaa oo indha indheeyay sida ay u shaqeynayaan, iyadoo faah faahin dheeraad ah laga siiyay sida xafiisyadaasi ay u shaqeeyaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cali Caadle ayaa sheegay safarka ay ku joogaan Kenya uu yahay mid wax ku ool ah oo uu sheegay in ay wax ka  baraneyaan  sida ay u shaqeeyaan Hey’adaha wadankaasi, waxaana uu tilmaamay wasiirka in  u jeedka uu yahay In aan  cashar ka qaadano habka ay u shaqeeyaan, wixii aan dabaqi karnana  aan dabaqnaa.

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Prof Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in shirkan uu la xiriiro sidii maamulada lagu fahamsiin lahaa hanaanka ay wada shaqeynayaan.

Maanta ayaa sidoo kale lagu wadaa Mas’uuliyiintaasi in ay booqdan Xafiiska Madaxweyne Ku Xigeenka Dalka Kenya, Xafiiska Miisaaniyada wadankaasi iyo xaruumo kale oo ay ugu   kuur galayaan in wax badan ay ka ogaadaan habka ay u shaqeeyaan, waxaana intii halkaasi ay ku sugnaayeen wafdiga soo dhoweyn heer sare ah ay kala kulmaan madaxda wadanka Kenya.

 

   

Qaraxyada la fashiliyey waa qeyb ka mid ah guusha Dowladda

0

Dibindaabyo aad u xanuun badan iyo Qarax waxyeelo ba’an gaysan lahaa oo ay cadawga la maaganaayeen dadka ku dhaqan Magaalada muqdisho ayay ciidamada Amaanka qaranka ku guulaysteen in ay fashiliyaan, isla markaana gacanta ku soo dhigaan kuwii loo soo dhiibay ee diirka Soomaalida lahaa.

indhawaalaba Muqdisho iyo dadka ku noolba waxay ku jireen weeraro ay soo qaadayeen cadawga ka soo horjeeda jiritaanka dawladnimo iyo islaamnimada baaxadda leh ee uu Eebbe siiyey dadka Soomaaliyeed.

laakiin waxay shacabka Muqdisho kala hortageen niyad adag iyo in aysan u jixinjixin cadawgaas ka soo horjeeda jiritaankooda, waxayna isu sheegayeen in weeraradaasi ay yihiin Qaar naf la caari ah oo la doonayo in lagu baqdin geliyo dadka degaankaas ku nool.

iyaga oo ka faa’iidaysanaya Cadawga isbedelkii ka dhacay dhawaan dalka soomaaliya, ee ay ku kala wareegayeen labadii dawladood tii hore iyo middaan cusub ee uu Garwadeenka ka yahay Geesiga Umadda Soomaaliyeed Madaxwene Maxa’ed C/laahi Farmaajo ayay waxay soo qaadeen weeraro aan naxariis lahayn oo ay wax ku yeeleeyeen in badan oo ka mid Muwaadiniinta soomaaliyeed.

hase yeeshee waxaa la yiri Lax meeshii ay Macal ku barato ayay Macluul ugu baqtisaa, sidaas darteed qawlaysatadu maba ogayn in dawladda haatan jirta in ay tahay dawlad ay iska leeyihiin shacbiga ay gumaadayaan, waxaana ku bilowday in weeraradoodii isdaba yaalka ahaa loo dajiyey Istiraatiijiyo cilmiyeysan oo wax looga qabanayo waxyeeladooda oo ay wada degsadeen shacabka Magaalada Muqdisho ku dhaqan iyo dawladooda ay kawada raaliga yihiin.

waxaana cadawga aan naxariista lahayn ku biloowday Fashilin, waxaana ku dhacay jahwareer iyaga oo kala garan waayey halka looga yimid, waxaadna arkaysaa kuwa qaraxa wada markii ay iska horyimaadaan Ciidamada xalaasha ah ee soomaaliyeed oo naftood hurayaasha ah ay cagaha wax ka dayaan iyaga oo maciin bida in ay ugu yaraan ciidamada isu dhiibaan iyaga oo firka naxasan oo moodaya in ay gacal la yihiin.

taasi waa Guusha dawladda Shacbka ee maanta ka dhisan dalkeena hooyo, waan ogahay in ay jiraan qaar biiriqaatayaal ah oo cadawga gacan ku siiya laynta shacabka, laakiin waxaa haatan muuqata in ay iyaguna kuwaasi sii yaraanayaan maadaama ay ogaadeen in cadawga ay la safan yihiin uu haatan sii iTaal daraynayo, waxayna Doorbidayaan in ay luqumahooda Toosiyaan dhana ay ka raacaan dawladda shacabka, maadaama ay ku jilbo Murxeen Kayn cidla ah.

Haatan ayaa la ogaaday isku duubnida dadka iyo dawladda in ay tahay guusha ugu wayn oo laga gaaro cadawga Ma naxayaasha ah ee jecel dhiig daadinta, waxaan qirayaa in shacabka Muqdisho ay ku jiraan halyeeyo badan oo jecel nabad kuwada noolaanshaha, kana soo horjeeda dilalka macnaha daran ee loo gaysanayo dadka wax garta ama wax yaqaanka ah.

mar dambe haddii Alle yiraahdo Muqdisho kama dhici doono Qarax ay soo maleegeen kuwa nolosha ka dhacay ee shisheeyaha ku adeegto, sababtoo ah waxaa Maanta biloowday isku xirnaan toosan oo dhexmartay shacabka Muqdisho iyo Dawladooda ay ka raaliga yihiin

waxaana la arki doonaa goor aan fogayn Muqdisho oo laga nadiifiyey wasaqda burburka iyo baa’ba ilbaxnimada mooday ee jecel wax Qarxinta iyo godod ku hoyashada sida Eeyda iyo Doofaarka.

waxaa la arki doonaa saq dhaxe haddii Alle yiraahdo dadka Muqdisho oo isaga kala gooshaya Xaafadaheeda iyaga oo ka baqanayn cadaw bahal iyo cadaw kale sida Alshabaab iyo duul kale oo aan haatan sheegayn oo ku jira kuna dhex qarsoon dawladda Shacabka.

kuwaas oo haddaba ka shaqaynaya sidii ay u burburin lahaayeen tiirarka ay ku taagan tahay dawladaan isla markaana ku andacoonayaa in isbedel loo baahan yahay.taasina u socon mayso waxaana la gudboon in ay ka horleexdaan tariinka socda inta uusan jiirin.

 

W.Q: C/risaaq Axmed Absuge

War murtiyeed—Qaadista Imtixaanka Shahaadiga ah ee Waxbarashada Qaranka

0

1. Wargelin Sida uu qabo sharciga Waxbarashada Guud ee dalka, sannad dugsiyeed kasta dhammaadkiisa waa in arday kasta waxbarashadiisa la qiimeeyaa, la diiwaan geliyaa, la keydiyaa lana ogeysiiyaa natiijada imtixaanka. Sidaa daraaddeed arday kasta oo dhaemysta Dudsiga Sare waxaa ku waajib ah inuu u fariisto imtixaanka shahaadiga ah ee qaranka.

Waxaa guul weyn u ah Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare inay soo gebagebeysay diyaar garowgii weynaa ee loo galay howlaha imtixaanka, Hadaba, maalinta Sabtiga ah ee ay bisha Maajo tahay 20ka, 2017da waxaa la qaadi doonaa imtixaanka Shahaadiga ah ee heerka labaad ee waxbarashada qaranka (Imtixaanka Dugsiga sare).

Sannad dugsiyeedka 2016/2017 waxaa imtixaanka u fariisanaya 23000 oo arday waxaana lagu qaadi doonaa 77 xarumood oo ka tirsan afar maamul Goboleed oo kala ah Galmudug, Hiiraan Shabeelle, Koonfur Galbeed, Jubba Land iyo Gobolka Banaadir.

Waxaa si toos ah uga qeyb qaadanaya howlaha imtixaanka 77 kormeerayaal, 77 kaaliyeyaal, 1368 ilaaliyayaal, 962 amni sugayaal iyo saraakiil amni iyo shaqaale ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada.

1. Codsi

 
Waxaan ka codsanayaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed, waaliddiinta, ciidamada kala duwan ee qalabka sida iyo ciidamda ilaalinta nabad gelyada waddooyinka inay mas’uuliyad iska saaraan sidii loo xaqiijin lahaa qaadista imtixaanka, una fududeeyaan ardayda galista imtixaanka.


Waxaan si gaar ah uga codsanayaa madaxda iyo shaqaalaha Dowlad goboleedyada inay soo dhoweeyaan kormeerayaasha iyo howlwadeennada imtixaanka ee ka socda Dowladda Federalka ah, gacanna ku siiyaan sidii ay howlohooda ugu fududaan lahayd isla markaana ilaaliyaan ammaanka ardayda, howlwadeennada iyo imtixaankaba.


2. Mahadcelin


Waxaan u mahad celinayaa dhammaan dadkii xaqiijiyay oo taabba-gal ka dhigay howlaha imtixaanka kuwaasoo ay ugu horreeyaan shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, heer federal iyo heer maamul goboleed.

Waxaan sidoo kale u mahad celinayaa Hey’adaha waxbarashada waaddaniga ah iyo kuwa caalamiga ah, ciidamada qalabka sida qeybohooda kala duwan oo ay ka mid yihiin Booliska, Nabad sugidda iyo Xoogga Dalka, doorkii ay ka qaateen xaqiijinta imtixaanka.

Waxaan si gaar ah ugu mahad celinayaa ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo madaxdooda taageerada joogtada ah ee ay siisaan Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare xilliyada imtixaanka.

DHAMAAD