Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb galay Janaasadii Sh. Maxamed Yusuf Awlibaax.

Date:

Muqdisho, 23 June 2017—Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qeyb galay salaadda Janaasada ee lagu dukaday Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Yuusuf Awlibax oo ahaa Wasiirkii Dhalinyarada iyo Cayaaraha Jubbaland.

Salaada Janaasaada ayaa ka dhacday Masjid Shuhaddaa ee Madaxtooyada, waxaana ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda yo Xildhibaanada labada aqal.

Ma’suuliyiintii kaso qayb galay Jinaasada ayaa waxay u duceeyeen marxuumka, waxanay Alle ugu baryeen inuu jannadii fardowso ka waraabiyo, eheladii uu ka tegey iyo ummada Soomaaliyeedna ka siiyo samir iyo Iimaan.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa la kulmay qaar kamid ah ehelka marxuumka iyo Wasiiro ka tirsan Jubbaland, isagoo tilmaamay in Awlibaax uu ahaa shaqsi ka baxay qaranka Soomaaliyeed. isla markaana tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed. wuxuna xusay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed C,laahi Farmaajo uu tacsi taa lamid ah u dirayo ehelka marxuumka.

Marxuum Awlibaax oo ku geeriyooday weerarkii argagixisada Al-shabaab ay ka geysteen shalay saldhigga degmada Waaberi ayaa lagu aasay Isbitaalka Madiino ee magaalada Muqdisho.

—-DHAMMAAD—-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka oo Guddoomay Nuqullada Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Brazil

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

Hawlgal ka dhacay Hiiraan oo lagu dilay 25 ka tirsan Khawaarijta, iyo afar horjooge oo isku soo dhiibay CXDS

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka, ayaa...

Kulan lagu soo bandhigayay Mashruuca Bulsho oo lagu qabtay magaalada Baydhabo

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Soomaaliya oo aragtideeda horumarineed ku soo bandhigtay Maalinta Afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkeysay doorkeeda ku...