Maxkamadda ciidanka Qalabka Sida oo Dignin u jeedisay ilaalada baabuurta saaran

Date:

Maxkamadda Darada Koobaad ee ciidammada Qalabka sida ayaa Digniin u jeedisay Ilaalada saaran Baabuurta Waddooyinka caasimadda Mara kuwaas oo ay cabashooyin adag ka soo gudbiyeen Shacabka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida ee Darajada Koobaad waxa uu marti ku ahaa barnaamijka kulan Toddobaad ee SNTV.

Xasan Cali Nuur (Shuute) G/sare Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamad Qalabka Sida ee Darajada Koobaad, waxa uu sheegay in eedeysanayaasha maxkamadda la horkeenno ay dowladdu u qabato Qareenno sharci ah, si uu u helo caddaalad go’aanka maxkamadda ka hor.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidammada G/sare Xasan Cali Nuur (Shuute), ayaa digniin culus u jeediyey ilaalada saaran gaadiidka dushiisa ee ay sida daran uga cabdaan dadweynaha waddooyinka caasimadda isticmaala, “Baabuurkii ilaaladiisa muwaadin wadada maraya u dhibaateeya Maxaad iiga horreysaa ama iiga dambeysaa dambi iyo ciqaab culus ayaa ka dhallaneysa waana uga digeynaa cid walba oo falkaasi ku kacda” ayuu yiri G/sare Xasan Cali Nuur (Shuute)

Maxkamadaha Madaniga iyo kuwa ciidanka waxaa u dhaxeeya  Farqi ku aaddan dadajinta dacwadaha eedeysaneyaasha, sida uu qabo xeerka maxkamadda ciidaka Qalabka Sida, sida loo wajaho arrimahaas ayuu sharraxayaa guddoomiyaha maxkamadda.

Doodda ku aaddan go’aannada xukunnada dilka ah ee ay maxkamadda gaarto ayuu guddoomiyaha maxkamadda ku tilmaamay in si cad oo daah furan loogu soo bandhigo dadweynaha Soomaaliyeed habka  Caddaalad ku saleynta dacwadaha noocaasi ah.

Maxkamadda ciidanka Qalabka Sida ee Darajada Koobaad toddoobaadkaan waxa ay gaartay go’aanno ay ka mid ahaayeen xukunka raggii ka dambeeyey dilka Wadaad caan ahaa oo ka dhacay Masjidka ku yaalla magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay iyo  Dilka wasiirki Howlaha Guud ee Soomaaliya Marxuum Cabaasi Siraaji.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...