Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo caawa ku guuleystay markii 2aad tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Date:

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lixaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii ugu dambeeyay ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Dhahar VS Warta Nabadda oo ka kala tirsan Gobollada Sanaag iyo Benaadir, waxaana barnaamijka sanadkii afaraad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Dhahar VS Warta Nabadda ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon, waxaana sida sharciga qabo marka labada degmo la weydiiyo min afar su’aal la guda galay isbarashada degmooyinka iyo waxyaabaha ay degmo kasta caan ku tahay oo maqal iyo muuqaalba leh.

Dhahar

Tartameyaasha Degmada Dhahar ee gobolka Sanaag waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen hal su’aal, iyagoo iska qalday lix su’al, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Dhahar ay heleen waxay noqoneysaa labo (2) dhibcood.

Warta Nabadda

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda ee gobolka Benaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareermartay Tartamayaasha Dhahar, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Warta Nabadda waxay noqotay sideed (8) dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Benaadir ayaa ku guuleystay caawa tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, waxaana ay noqotay Degmadii ugu horeysay ee difaacata Tartanka, maadaama ay ku guuleysteen sanadkii tegay.

Dhahar ayaa gashay kaalinta labaad, halka kaalinta saddexaad ee tartanka soo tiigsatay tartamayaasha Degmada Shibis ee gobolka Benaadir.

Munaasbadda Xiritaanka

Munaasabadda Xiritaanka Tartan Cilmiyeedka waxaa ka soo qeyb-galay wasiirka, Warfaafinta, Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, agaasimaha Radio Muqdisho & agaasimeha SNTV.

C/fataax Daahir Jeyte agaasimaha Radio Muqdisho, ayaa sheegay in guddiga tartanka ay masuuliyiinta wasaaradda iyo maamulka gobolka Benaadir u soo jeedinayaa in aqoontii lagu tartamay laga diyaariyo Buug, maadaama uu yahay Taariikh ayna ka faa’idi doonan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Jiilka berri.

agaasimaha Telefishinka Qaranka Liibaan Cabdi Cali, ayaa boggaadiyey degmada Warta-nabadda ee tartanka markii labaad oo xigta ku guuleysatay, sidoo kale degmada Dhahar ee gobolka Sanaag ayuu sheegay in ay muujiyeen dedaal aad u badan, isla markaana ay uga mahadcelinayaa sidii hamsamida lahayd ee ay tatranka uga qeybtaan, kuna ammaanay natiijada ay kaalinta labaad ee ay soo galeen.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, C/raxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala ayaa labada degmo ee tartankii dhammaadka caawa ku ammaanay isdhexgalka iyo shaqada ay ee ay u soo dhabar adeeggeen, waxa uu sheegay in tartrankaan uu socda sannadkii Lixaad isla markaana uu qeyb weyn ka qaado isdhexgalka bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobollada dalka oo dhan, taasina ay tahay shaqada dhabta ah ee wasaaradsa Warfaafinta ayna sii wadi doonaan doorka Wacyigelinta ee bulshada gudaha iyo dibedda ku dhaqan.

Wasiirka Warfaafinta & Hannuunta Dadweyne Eng C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow), ayaa hambalyo u jeediyey degmada Warta-nabadda ee ku guuleysatay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka sannadkii labaad.

Wasiirka ayaa yiri “doorka wacyigelinta ee wasaaradda Warfaafinta waa midka isku keenna bulshada Soomaaliyeed, waxaan boggaadinayaa dhammaan degmooyinkii tartanka ka qeyb-galay, sidoo kale howl-wadeenna warbaahinta Qaranka ee u soo dhabar adeegay soddonkii maalmood iyo diyaarintii ka horreysay ee tartanka, waxaan maamulka gobolka Benaadir uga mahadcelinayaa sida ay mar walba uu u garab taagan yahay warbaahinta Soomaaliyeed gaar ahaan warbaahinta Qaranka, annagana waxa  naga go’an inaan si joogta ah u soo bandhigno horumarka iyo guulaha gobolka Benaadir.

ugu dambeyn munaasabadda waxaa soo xiray guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Thabit Cabdi Maxamed oo yiri ” waxaan hambalyo u jeedinayaa degmada Warta-nabadda oo guul lagu faani karo soo hoydey, sidoo kale walaalahood degmada Dhahar waxa ay iyaguna muujiyeen dedaal iyo fir-fircooni Soomaalinimo ay ku jirto, halkaasna ay ka sii wadaan dedaalkooda”.

Duqa Muqdisho ayaa uga tacsiyeeyey shacabka Soomaaliyeed dhacdooyinkii Amni darro ee Muqdisho ka dhacay dhibaatadii ka soo gaartay shacabka Soomaaliyeed, waxa uu mar kale ugu baaqay shacabka caasimadda in ay sii laba-laabaan garab istaagidda ciidammada ku howlan sugidda amnigooda, maamulka gobolka Benaadirna uusan ka daali doonin sidii loo dardargelin lahaa nabadda iyo xasillinta Muqdisho.

Guddoomiye Thabit, ayaa sheegay in uu xiran yahay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ee uu maamulka gobolka Benaadir taabagalinayey sannadkii Lixaad oo is xiga.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...