Madaxweynaha Puntland oo tabbabar u soo xiray saraakiil ciidan

Date:

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 17 July 2017 tabar ugu soo xiray magaalada Garoowe ciidan tiradoodu dhantahay 39 askari, kuwaas oo ka kala socdey Puntland, Dowladda Federaaka Soomaaliya iyo maamuladda kale ee Dalka

Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa ku wehelinaayey tababar kani loo soo xiray 39 ka askari taliyaha ciidanka Asluubta Puntland Cali Nuur Cumar Saalax, mas’uuliyiin ka tirsan goloyaasha Puntland, saraakiil ka tisan Madaxtooyadda Puntland iyo macalimiinta tababarkani bixinaysey.

Dr Cabdiweli oo la hadlayey ciidankani ayaa ku dhiirigeliyey cilmiga iyo aqoonta labaray inay uga faa’iideeyaan dalkooda iyo dadkooda, isla markana ay ahaadaan kuwo had iyo jeer ku foogan sidii ay dalkooda uga samatabixin lahaayeen xaaladda uu maanta kujiro, uguna horseedi  lahaayeen horumar.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland oo ka hadlayay faa’iidada ay leeyihiin tababarada noocani oo kale ahi ayaa sheegay  inay wax badan ka tari doonaan is dhexgalka ummaada Soomaaliyeed, is aaminaada shacabka Soomaliyeed  iyo wax wadda lahaanshaha  Qaranka Soomaalityeed.

”Waan ku farax sanahay runtii tababaradda noocanoo kale ahi inay Puntland ka dhacaan, Ummadda Soomaaliyeed ee isku danta ah, ee isku u jeeddada ahi inay isu yimaadaan, tababarka marba meel lagu qabto, lays dhexgalo, wixii macluumaadda iyo aqoona lays weydaarsado waa wax wanaagsan, dabcan isu imaatanka noocanoo kale ahi wax badan buu ka bedelayaa dawlad-nimadda Soomaaliya iyo horumarkeeda” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa u hambalyeeyey ciidankan dhamaystay tababarka, waxaana uu Alle uwaydiiyey in tababar kani anfaco ciidankaasi, isla markaana ay uga faa”iideeyaan bulshadda Soomaaliyeed meelkastay joogaanba.

Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale umahadnaqay tababarayaasha ka socdey UNODC iyo dalka Sweden kuwaasi oo ka qayb qaatay tababarka ciidanka, isla markaana waxa uu ku amaanay tababarayaasha sida wananaagsan ee ay mudada kooban ula dedaaleen ciidamadani muhiim ka ah inay wax badan ka bedelaan aqoontooda iyo xirfadoodaba.

Ugu danbayntii, Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kubooriyey ciidamada ka kalayimid maamulada dalka iyo Dawladda Fadaraalka Soomaaliya inay fariinta wanaagsan ee ay ku arkeen Puntland gaarsiiyaan meeshii ay ka yimadeen, isla markaana u cadeeyaan in laga kaaftoomi karo tababarada loo aado dalka debediisa, waxaana uu guddoonsiiyey  saraakiishaasi shahaado cadaynaysa inay dhaynteen tababarka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...