Home Blog Page 1653

Shacabka Puntland oo soo dhaweeyey go’aankii Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland.

0

Shacabka ku dhaqan deegaanada Puntland ayaa si weyn usoo dhaweeyey go’aankii ay Baarlamaanka Puntland ay kalsoonida kala laabteen Golaha Wasiiradda ee Maamul Goboleedka Puntland.

Qaar ka mid ah Shacabka ku dhaqan deeganaada Maamul Goboleedka Puntland oo u waramay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Golaha wasiiradda ee kalsoonida lagala laabtay ay ku fashilmeen shaqadii loo idmaday ayagoo aad u bogaadiyey go’aanka ay qaateen Baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa si rasmi ah u aqbalay go’aanka Barlamaanka ee kalsooni kala noqoshada golaha Wasiiradda Maamulka Puntland waxa uuna balanqaaday in uu si dhaqso ah kusoo dhisi doono golihiisa Wasiiradda.

Guddoomiyaasha labada aqal ee Baarlamaanka oo Muqdisho kula kulay saraakiil ka socotay UNDP

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ,Gudoomiyaha  Aqalka Sare ee  Cabdi Xaashi C/llaahi iyo kuxigeenada koowaad ee labada Aqal ayaa xarunta Xalane ee Magaaladda Muqdisho uga qeyb galay shir looga hadlayay dardargelinta howlaha mushaariicda ee deeq bixiyaasha caalamka ay ku taageerayaan Baarlamaanka Soomaaliya.

Shirkan oo ay goob joog ka ahaayeen  wakiilo ka socday deeq bixiyaasha caalamka iyo hay’adaha la shaqeeya oo ay hogaamineysay hay’adda Horumarinta mashaariicda Qaramada Midoobay ee UNDP.

Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad C/lla Cawad oo geba gabada ka dib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyaay shirkaasi.

“Shirka waxaa looga hadlayay qorshaha dardargelinta mashruuca lagu taageerayo Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuu ahaa shir horey u socday hadana waxa laga dooday qorshaha horumarinta mashaaricda ee sanadkan.

Gudoomiye Mahad C/lla Cawad ayaa sidoo kale sheegay in Baarlamaankan 10aad uu ka shaqo iyo baahi badanyahay baarlamaankii hore islamarkaana xildhibaanada laga rabo in ay aadaan deegaanadii laga soo doortay si ay warbixino uga keenaan aragtida dadweynaha.

Tan iyo ka dib markii dhawaan ay furmeen kal fadhiyada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya  waxaa soconayay dadaalo ku aadan sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen labada gole ayna u dardargelin lahaayeen howlaha horyaal.

Ku-simaha Madaxweynaha K/Galbeed oo lakulmay wefdi ka socday dowladda Britain

0

Kulankan oo ka dhacay xarunta madaxtooyada KMG ah ee Dowlad Goboleedka K/Galbeed ee magaalada Baydhabo ayaa looga hadlaya dowrka Dowladda Britain ay ku leedahay mashaariic horumarineed oo ka soconaya deegaanada maamulkaasi.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka K/Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wefdigaasi oo ka socday Britain islamarkaana ahaa saraakiil sare ayaa kulankoodi ku soo bandhigay waxqabadka dowladda Ingiriiska ee ku aadan dhinacyada dib u dhiska,iyo tababarada ciidamada, xarumaha maamulka uu ka howlgalo.

Wefdigaasi oo ka socoday Britain ayaa sidoo kale sheegey in xukuumadda Britain ay sii wadi doonto taageerada ay lagarab istaagan tahay shacabka iyo Dowlada goboleedka K/Galbeed.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in ay qorsheynayaan sidii ay uga qeyb qaadamn lahaayeen dib u dejin loo sameeyo kumanaanka qof ee ka soo barakacay abaaraha ku dhoftay qeybo kamid ah gobolada dalka kuwaasi oo kujira xeryo kuyaala magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka K/Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa uga mahad celiyay Dowladda Ingiriiska kaalinta ay ka qaadanayso mashaariic horumarineed oo kaladuwan oo laga hirgeliyay deegaanada uu ka arrimiyo maamulkiisa.

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo kulan wadatashi ah la yeelatay Qurbajoogta dalka ku sugan

0

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadatashi ah la qaadatay dadka Qurbajoogta ah ee dalka ku sugan oo isugu jiray masuuliyiin dalka xilal ka haysa, sida Xildhibaano iyo Safiiro.

Wasiirka Wasaaradda Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo kulanka ka hadlay ayaa ka warbixiyay waxa uu kulanka ku saabsanyahay.

“Marka hore waan idinkaga mahadcelinayaa sida aad ugu soo qaybgasheen kulanka, waxa aan idinkugu yeernay in aan idinka tala gelino habraaca aan doneyno in aan ku wajahno Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka; Qurbajoogta Soomaaliyeed waxa ay door muhiim ah ka qaateen dib u dhiska dalka waana lagama maarmaan in laga talageliyo wax walba oo horumarka dalkeenna saameeyn ku
leh” ayuu yiri Wasiirka.

Dhanka kale, AVV Cabdi Xoosh oo ka hadlayey sida ay uga go’antahay in Qurbajoogta ay tala ku yeeshaan Geedi-socodka ayuu yiri “Dadkeenna dalka dibadiisa ka yimid ee aan kamid ahay waxa ay xaq u leeyihiin in ay ra’yigooda ku biiriyaan Geedi-socodka, waxaa inaga go’an in aan ugu tagno dalalka ay joogaan si aan u xoojino mabda’a aan ku shaqeeyneyno ee ah daah-furnaan”.

Gabagabadii, kulankan ayaa ah mid wadada u furaya in dhamaan dadka Qurbajoogta ah ay ka qaybgalaan ololaha Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka oo sanadkan gudihiisa ka bilaabmi doona dalka.

Madaxweynaha Puntland oo aqbalay go’aankii Baarlamaanka uu ka qaatay kalsooni kala noqoshada Golihiisa Wasiirada.

0

Madaxweynaha maamulka Puntland  C/weli Max’ed Cali  Gaas oo maanta shir jaraa’id  ku qabtay magaalada Garoowe ayaa aqabalay talaabadii ay mudanayaasha Baarlamaanka dowlad goboleedka Puntalnd ay  kalsoonida kagala noqdeen  Golihii Wasiirada.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegey in dhawaan uu soo dhisidoono Gole wasiiro oo cusub, wuxuuna intaasi ku daray in uu sameynayo wadatashiyo ku aadan dhismaha xukuumad cusub si looga jawaabo go’aanka Baarlamaanka uu qaatay.

Waxaa laga sugaya Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland in uu soo dhiso Gole Wasiiro cusub, waxaana xildhibaanada Baarlamaanku ay ku eedeeyeen xukuumadii hore waxqabad la’aan.

Kulan ay maanta kuyeesheen magaalada Garoowe xildhibaanada baarlamanka dowlad goboleedka Puntaland ayaa codkii kalsoonida u qaaday golaha wasiirada kuwaasi oo iskuraacay in xukuumadda lakaladiro.

Ilaa 47 mudane ayaa u codaysay in lakaladiro, 9 way ka aamustay halka midna uu diiday.

Hadal haynta ugu badan ayaa ah kalsooni kala noqoshada Golaha wasiirada maamulka Puntland’ goobaha lagu qaxweeyo iyo meelaha ay dadweynuhu isugu yimaadaan ee Puntland ayaa ah talaabada uu qaatay Baarlamaanka Puntland wallow dadku ay sugayaan qaab dhismeedka xukuumadda cusub.

Barlamanka Puntland oo codka kalsoonida kala laabtay golaha Wasiirada

0

Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Garoowe xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka Puntaland ayaa codka kalsoonida u qaaday golaha wasiirada kuwaasi oo iskuraacay in xukuumadda lakaladiro.

Ilaa 47 mudane ayaa u codaysay in laka ladiro, 9 way ka aamustay halka midna uu diiday.

Xildhibaanada ayaa ka codsaday Madaxweynaha Puntland in uu soo dhiso gole Wasiiro cusub oo tayo leh, waxaana kala dirista golaha Wasiirada puntland ay baarlamaanka u cuskadeen waxqabad la’aan.

Madaxweyne C/weli Gaas ayaa laga sugaya in uu ka hadlo go’aanka ay qaateen xildhibaanada baarlamanka maamulkaasi, saxaafadda ayaa looga yeerey  madaxtooyada Garoowe halkaasi oo uu shir jaraaid ku qabanayo madaxweyne Gaas.

Duqeymo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay Jubbada Hoose

0

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaasi ay ka dhacday duqeyn lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab sida ay SONNA u  xaqiijiyeen  saraakiisha Ammaanka Jubbaland.

Duqeynta oo  xalay ka dhacday deegaannada Beerxaani iyo Golo Shumbi oo qayaastii 60 KM u jirta magaalada Kismaayo ayaa lagu soo waramayaa in lala beegsaday saldhigyo ay maleeshiyaadkaasi ku lahaayeen deegaannada la duqeeyay.

Wararka ayaa sheegaya in duqeyntaasi ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka, mana jiraan wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka ee Soomaaliya oo ku aadan arintasi.

Qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka soo gaaray maleeshiyaadka Al-shabaab duqeyntaasi.

Muddooyinkii ugu dambeyeey waxaa soconayay howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, ayadoo  horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab lagu dilay howlgallo ka dhacay qeybo ka mid ah gobollada dalka.

Wasiirka Amniga “Waxaan dhisaynaa ciidamo gaar ah oo qaabilsan amniga madaxda iyo xarumaha dowladda”

0

Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda ay ka shaqeynayso sidii loo sameyn lahaa ciidan gaar ah oo ka shaqeynayo amniga xurumaha dowladda iyo ilaalada madaxda, isla markaana Hey’adda NISA loo deyn doono howsha ay u xil saaran tahay oo ah sirdoonka Qaranka.

Wasiirka Amniga gudaha Maxamed Abuukar Ducaale Islow ayaa sheegay in la sameyn doono ciidamo gaar ah, oo ka shaqeyn doono xoojinta amniga caasimadda, isagoo shacabka ka codsaday inay gacan siiyaan ciidamada nabadgelyada.

“Waxaan rabaa inaan warka ku soo gabo gabeeyo, ciidamada NISA dharcad ayay ahaan jireen, laakiin hadda ma ahan, marka hore waxaan dhiseynaa ciidamo boolis ah iyo sidoo kale ciidamo gaar ah oo qaabilsan amniga, wixii markaasi ka dambeeya waxaan sameyneynaa in NISA mustaqbalka dhaw ay noqdaan dharcad, si aan loo arkin gaadiid ku buufsan NISA” ayuu yiri Wasiirka Amniga gudaha.

Hadalka Wasiirka ayaa imaanaya kadib kulan uu la qaatay qaar ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed, kaasi oo looga hadlayay sidii ay haweenku uga qeyb qaadan lahaayeen sugidda amniga, waxaana inta uu socday la is weydaarsaday suurta galnimada in laga wada qeyb qaato sugidda Nabadgelyada.

Wasaaradda Isgaarsiinta oo ka hadashay qorshayaasha looga gaashaaman karo cilladaha internet-ka

0

Dadaal dheer oo ay si wadajir ah u bixiyeen Dawladda Soomaaliya iyo Shirkadda gaarka loo leeyahay ee hirgelisay adeegga Fiber Optic-ga ayaa waxaa lagu guuleystay in dib loo soo celiyo adeeggii internet-ka ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Muddadaas ku dhow 3da toddobaad waxaa dalka soo gaaray khasaare dhaqaale oo taabtay qeybaha kala duwan, sida ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada dawladda.

Haseyeeshee, waxa ay Wasaaradda boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda dadaal aan kala go’ lahayn u gashay sidii loo yareyn lahaa khasarahaas, Shirkadda gaarka loo leeyahay ee adeegga gacanta ku haysana looga caawin lahaa xallinta arrintan.

Annaga oo ka faa’iideysaneyna fursaddan, ayaa waxa aynu jecelnahay inaan dhinacyada kala duwan la wadaagno tilmaamaha aan dooneyno in looga gaashaanto dhibaato noocan oo kale ah:

1. In si degdeg ah loo ansixiyo Xeerka Isgaarsiinta Qaranka, kaasoo qeexaya mas’uuliyadaha dhinac kasta. Sharcigu wuxuu dadweynaha siinayaa awood ay magdhaw ku weydiisan karaan haddii shirkadaha ay ka soo bixi waayaan adeeggii ay heshiiska kula galeen.
2. Shirkaddaha Isgaarsiinta iyo adeegyadda Internet-ka waxaa laga doonayaa inay sameyaan qaab xarigga looga ilaalin karo maraakiibta ku soo xiraneysa Dekedda Muqdisho, taasoo u baahan inay isla qorsheeyaan hay’adaha kale ee dawladda ee ay arrintaas khuseyso.
3. Shirkadaha ka shaqeeya internet-ka waxaa la farayaa inay sameystaan khad kale oo keyd ah (backup) si haddii mid cillad ku timaado ay ugu badbaadaan khadka kale.
4. Waxaa ganacsatada lagu baraarujinayaa in ay dalka ka furantahay fursad ganacsi oo ay ku maal-gashan karaan xargo kale. Baahida internet ee sii kordheysa iyo kalsoonida lagu qababa waxay muujinayaan in loo baahan yahay xarko kale.
5. Wasaaradda waxa ay gacanta ku haysaa qorshe qaran oo ay qeyb ka noqon doonaan dhamaan daneeyayaasha isgaarsiinta dalka, kaas oo damaanad qaadi doona helitaanka isgaarsiin tayo leh, la isku halayn karo oo la awoodi karo, kuna baahsan dhammaan dalka oo dhan.

Wasaaraddu waxay ugu dambeyntii shacabka Soomaaliyeed uga mahad celineysaa dulqaadkii ay muujiyeen muddadii uu maqnaa khadka. Waxaana rajeyneynaa in haddii la fuliyo talooyinkaas in laga gaashaaman doono inay soo noqoto cillad noocan oo kale ah.

DHAMMAAD

Madaxweynaha Puntland oo tabbabar u soo xiray saraakiil ciidan

0

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 17 July 2017 tabar ugu soo xiray magaalada Garoowe ciidan tiradoodu dhantahay 39 askari, kuwaas oo ka kala socdey Puntland, Dowladda Federaaka Soomaaliya iyo maamuladda kale ee Dalka

Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa ku wehelinaayey tababar kani loo soo xiray 39 ka askari taliyaha ciidanka Asluubta Puntland Cali Nuur Cumar Saalax, mas’uuliyiin ka tirsan goloyaasha Puntland, saraakiil ka tisan Madaxtooyadda Puntland iyo macalimiinta tababarkani bixinaysey.

Dr Cabdiweli oo la hadlayey ciidankani ayaa ku dhiirigeliyey cilmiga iyo aqoonta labaray inay uga faa’iideeyaan dalkooda iyo dadkooda, isla markana ay ahaadaan kuwo had iyo jeer ku foogan sidii ay dalkooda uga samatabixin lahaayeen xaaladda uu maanta kujiro, uguna horseedi  lahaayeen horumar.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland oo ka hadlayay faa’iidada ay leeyihiin tababarada noocani oo kale ahi ayaa sheegay  inay wax badan ka tari doonaan is dhexgalka ummaada Soomaaliyeed, is aaminaada shacabka Soomaliyeed  iyo wax wadda lahaanshaha  Qaranka Soomaalityeed.

”Waan ku farax sanahay runtii tababaradda noocanoo kale ahi inay Puntland ka dhacaan, Ummadda Soomaaliyeed ee isku danta ah, ee isku u jeeddada ahi inay isu yimaadaan, tababarka marba meel lagu qabto, lays dhexgalo, wixii macluumaadda iyo aqoona lays weydaarsado waa wax wanaagsan, dabcan isu imaatanka noocanoo kale ahi wax badan buu ka bedelayaa dawlad-nimadda Soomaaliya iyo horumarkeeda” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa u hambalyeeyey ciidankan dhamaystay tababarka, waxaana uu Alle uwaydiiyey in tababar kani anfaco ciidankaasi, isla markaana ay uga faa”iideeyaan bulshadda Soomaaliyeed meelkastay joogaanba.

Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale umahadnaqay tababarayaasha ka socdey UNODC iyo dalka Sweden kuwaasi oo ka qayb qaatay tababarka ciidanka, isla markaana waxa uu ku amaanay tababarayaasha sida wananaagsan ee ay mudada kooban ula dedaaleen ciidamadani muhiim ka ah inay wax badan ka bedelaan aqoontooda iyo xirfadoodaba.

Ugu danbayntii, Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kubooriyey ciidamada ka kalayimid maamulada dalka iyo Dawladda Fadaraalka Soomaaliya inay fariinta wanaagsan ee ay ku arkeen Puntland gaarsiiyaan meeshii ay ka yimadeen, isla markaana u cadeeyaan in laga kaaftoomi karo tababarada loo aado dalka debediisa, waxaana uu guddoonsiiyey  saraakiishaasi shahaado cadaynaysa inay dhaynteen tababarka.