Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeeray Wasaaradda Arrimaha Gudaha, kalana hadlay arimo muhiim ah

Date:

Muqdisho, 17, July 2017 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta galinkii dambe kormeer ku tagay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya waxuuna kula kulmay Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Wasiir ku xigeenka Wasaarada iyo qaar kamid ah agaasimayaasha oo ku howlnaa diyaarinta hindiso sharciyeedyo dhowr ah kuwaasoo oo ay ka mid ahaayeen Hindise Sharciyeedka Xaduudaha, Axsaabta, Jinsiyadaha, Doorashooyinka iyo sharciga Dowlada Hoose oo qaar kamid ah loo gudbiyay xukuumada Soomaaliya si ay u meel mariyaan ka dibna loo gudbiyo Baarlamaanka dalka si loo ansixiyaan sharciyadan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ka waraystay madaxda wasaaradda waxyaaabihii u qabsoomay mudadii ay shaqada wadeen iyo sida ay ugu diyaar garoobayaan in dalka ay ka qabsoonto doorasho Qof iyo Cod ah si loo helo madax ay soo doorteen shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdullahi Weheliye ayaa sheegay inay ku mushquul sanyihiin sidii ay u diyaarin lahaayeen nooca doorasho ee dalka ka dhici karta iyo qaabka ugu haboon ee loo qaban karo. Wuxuuna cadeeyay inay bilaabayaan Goloyaasha deegaanka ee degmooyinka Soomaaliya si loo helo bulsho u diyaarsan in loo qabto doorashooyin.

Ra’iisul Wasaaraha oo ku dheeraaday sida loogu baahan yahay in loogu diyaar garoobo hanaan doorasho ayaa yiri “Waa in la sameeyaa dood ku salaysan Khibrad,aqoon iyo caqli si qof walba oo Soomaaliyeed looga faa’idaysto aqoontiisa iyo aragtidiisa.

“Waxaana lagama maarmaan ah in dowadladdu ay soo dhawaysato shacabkeeda si dadka Soomaaliyeed fursad loogu siiyo inay ka aragti dhiibtaan sida loo qabanayo doorashooyinka” ayuu yir Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Waxuuna sidoo kale kula dardaarmay inay ukala hormariyaan shaqooinka sida ay ukala muhiimsan yihiin .

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo xafiiskiisa ku qaabilay Duqa Magaalada St. Louis Park ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo kulan la qaatay Wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Galmudug

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dawladda...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyay geerida AUN Weriye Maxamed Diiriye Dhakat

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Cabdulfitax...

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kula la qaatay Duqa Magaalada Seattle ee dalka Mareykanka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho Mudane Amb. Maxamed Cali...