Wasiirka Cadaaladda iyo wafdi uu hogaaminayo oo kormeeray xabsiga dhexe

Date:

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo ay wehliyaan Taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Gaas Xuseen Xasan Cismaan iyo mas’uuliyiin ka socday dowladda Ingiriiska ayaa waxa ay kormeer ku tageen xarunta Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyadoo ujeedka socdaalkooda uu la xiriiray qiimeyn ay ku sameynayeen sida ay socdaan howlo lagu dayactirayo xarunta Taliska ciidanka Asluubta iyo dhismaha Xabsi weyn oo laga dhex dhisayo isla xarunta oo iminka maraya heer gabo gabo ah.

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Gaas Xuseen Xasan Cismaan ayaa tilmaamay in guul ay tahay xilligan ay meel gabo gabo ah ay marayaan dadaalada dib loogu hirgelinayo xarumaha ciidanka Asluubta iyo xabsi weyn oo hirgalintiisa ay door ku leedahay dowladda Ingiriiska.

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in Wasaaraddu ay kaalin wanaagsan ka qaadan doonto sidii loo hirgelin lahaa xarumaha taliska Ciianka Asluubta Soomaaliyeed, iyada oo hadafku yahay in lahelo garsoor hufan oo shaqeeya.

Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo dhaqan celin iyo wax baridba u sameeya maxaabiista ayaa xilligan ku howlan dib u dhiska iyo howlgelinta xarumaha taliska ee ku yaala Muqdisho iyo gobolada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...