Madaxweynaha Puntland oo daah furay bandhig bugaagta lagu soo bandhigayay

Date:

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 17 July 2017 magaalada Garoowe ku Daahfuray bandhigii 3-aad ee buugaagta, sidoo kalena waxa uu madashaasi kusoo bandhigay boogiisa lagu magcaabo  ”A Challenging Transition In Soomaali”, kaasi oo ka waramaya wax qabadka la taaban karo ee uu Dr Cabdiweli wadankiisa ka hirgeliyey xiliyadii  kala gedisnaa ee uu ku jirey saaxadda siyaasadda.

Furitaanka Bandhigga 3-aad ee buugaagta ayaa waxaa Madaxweynaha Puntland ku wehelinayey Mas’uuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Puntland, 63 qoraa oo Soomaaliyeed, marti-sharaf lagu marti qaaday bandhiggani oo ka kala yimid dalka gudihiisa iyo debediisaba, aqoon yahano, arday, waalidiin iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Puntland oo khudbad muhiima ka jeediyey furitaanka munaasibadani ayaa sheegay in dawladdu qayb lixaad leh ka qaadatahay, isla markaana waxa uu balan qaaday in uu dhax dhigi doona, hirgelina doono dhismayaal wax badan ka taridoona soo noolaynta Afka Hooyo iyo dhaqankeena.

“Dabcan anagu bandhigan  asaaskiisa wax baan ka ogeyn, waxaan dhisi doona Akademiyada horumarinta dhaqanka iyo afka Soomaaliyeed, Waa afar qeybood oo ah meel taariikhda lagu ururiyo, Maktabad gaar ah oo taariikhdeena lagu kaydiyo,  oo aan ku keydsano buugaagta ka hadlaysa taariikhda iyo horumarinta  suugaanteena iyo tan u danbeysa oo ah Tiyaatar Qaran oo ah meel dadka suugaanleyda ah isugu yimaadaan, kusoo bandhigaan aqoontooda iyo talenti-gooda.” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Mudane Cabdiweli Gaas ayaa dhalinta Soomaaliyeed iyo kuwa reer Puntlandba ku booriyey in dadka taarikhda haya, wax badana ka og dhaqanka Soomaaliyeed ee soo jireenka ah laga faa’iidaysto.

”Waxa jira dad waaweyn oo waxbadan og, oo taariikh haya waxaa loo baahanyahay in dhallinyaradu dadkaasi kala haraan waxbadan oo aqoon iyo taariikh ah. hada waa soconaynaa Insha Allah waana ku laabaneyna meeshii aan ka nimid insha Allah.” ayu yiri Dr Cabdiweli Gaas.

Dhinaca Kale Madaxweynaha Puntland ayaa dhalinta ku dhiiriyey inay iibsadaan buugaagta say uga faa’iidaystaan cilmiga ku duugan iyo afgaarta kala gedisan ee ku qoran.

Ugu Danbayntii,  Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa soo bandhigay buugiisa lagu magcaabo ”A Challenging Transition In Soomaali” kaasi oo ka xog waramaya wax qabadkii kala duwanaa ee uu Dr Cabdiweli ka qabtay Soomaaliya intii uu ku jirey saaxadda siyaasadda.

 

 

  

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...