Home Blog Page 1647

Ugaas Maxamed wali oo ku baaqay in la joojiyo colaadda ka taagan deeganno hoostaga Balcad

0

Odoyaasha dhaqanka Degmada Balcad ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleed ka dhacay deegaanno ka tirsan degmada, waxaana ay tilmaameen inay dhankooda ku dadaaleen sidii xabad joojin loo dhex dhigi laaha dhinacyadii ku dagaalamay tuulooyin hoostaga degmada.

Ugaas Maxamed-wali Ugaas Xuseen oo ka mid ah odoyaasha dhaqanka degmada ayaa Radio Muqdisho u sheegay inay ku guuleysteen sidii xabad joojin loo dhex dhigi lahaa, waxaana uu intaa ku daray inay jiraan deegaanno fog fog oo colaaddu ay gaartay.

Ugaas Maxamed-wali Ugaas Xuseen ayaa ugu baaqay maamulka Hirshabeelle iyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay jawaab deg deg ah ka bixiyaan colaadda ka jirta tuulooyin hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Dhanka kale Ugaaska oo ka hadlayay abaarta ayaa tilmaamay inay biyo dhaamin ka sameeyeen tuulooyin, balse aysan ahayn kuwa dabooli kara baahida halkaasi ka jirta, waxaana uu codsaday in gurmad dhan waliba ah lala soo gaaro qoysaska ay abaartu ku saameysay deegaanno ka tirsan degmada.

FAALLO: Musuq-maasuqu waa dilaaga Dawladnimada

0

Muqdisho(SONNA)—inta aan u galin dulucda qoraalka marka hore aan is weydiino waa maxay Musuq-maasuq?, haddaan ka jawaabno su’aashaasi, waxaa la dhihi karaa Musuq-maasuqu waa wax is dhaafsi ama wax is daba-marin, haddii si kale loo dhigana waxa uu noqon karaa kan jecli kanna necbi iyo tani anigeey igu fiican tahay, taasina waxay dumisaa hoosna u dhigtaa heykalka Dawladnimo iyo hoos u dhac dhaqaale.

Haddaba Dawladda cusub ee uu Maamulkiisa ugu sarreeyo Madaxeynaha iyo Raiisul-wasaarahaba waxaa looga baahan yahay inay si adag ula dagaalamaan musuq-maasuqa,islmarkaana hoos u fiiriyaan dhaq-dhaqaaqa howlaha Xafiisyada Dawladda, haddii aan taas la helin waxay la kulmeysaa naceybka shacbiga oo ay horey u daashadeen musuq-maasuq iyo wax is daba-marin badan, iyadoo Dadweynaha Soomaaliyeed ay si weyn Indhaha ugu hayaan Maamulka cusub oo lagu naaaneeso Dawladda isbedelka.

Haddaan ka eegno dhanka Garsoorka iyo Cadaaladda waxay shacbigu ku leeyihiin ma dacwoon karo Qof Jeeb maran, adigoo arkaayana Xoolahaagii ayaa hortaada lagu siinayaa cid kale oo u soo dhaqaale urursaday xaqa masaakiinta danta yar, Dawladduna looga fadhiyo inay u hiiliso Dadka dan yarta ah, waayo Ummad la maamulo waxaa garsoor u ah cadaalad, haddi la waayana waxaa xumaanaya kalsoonida shacabka, horaa waxaa loo yiri Cadaaladda ayaa na wada deeqda.

Dhanka Wasaaradaha haddii aynu ka eegno waxaa lagu tilmaama inay ka mid yihiin meelaha musuq-maasuqu daashaday, waxaadna arkeysaa in shaqaale muddo fog u shaqeynayay Wasaaraddaasi oo khibrad iyo aqoonba u leh howshaasi in la yiraahdo adugu ma mudnid ee waxaa mudan Wiilka yarka ah ee aan wato iyo isdaabnarinta xuquuqda shaqaalaha, taasina ay ka dhalato hoos u dhaca wax soosaarka shaqaalaha.

Dhinaca Amniga haddaynu u galno, musuq-maasuqu marka uu galo waxaa hoos u dhacaya ammaanka iyo kala dambeynta, waxaana kordhaya qaraxyada, dilka, dhaca iyo waxyaabaha kale ee wax u dhimaya nabadgalyada Dalka, iyadoo arrinta Musuq-maasuqa ay horay uga hadleen Madaxeynaha Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raiisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Muadne Xasan Cali Kheyre, iyadoo ay Labada Masuul sheegeen in muhiimadda kowaad ay siinayaan la dagaalanka Musuq-maasuqa, waana laga dhur sugayaa inay ka dhabeeyaan arrintaasi.

Way adag tahay in Dal ka soo kabsanaya bur-bur dhinacyo badan leh inuu sim dhaqsi ah ula dagaalamo musuq-maasuq iyo wax is daba-marin, balse waxaan looga baahan tahay Xukuumadda cusub inay la timaado habka iyo nidaamka ay ula dagaalameyso, islmarkaana ay ku ciribtiri karto, waxaanse jeclaan lahaa in mar uun aragno qof Maxkamad loo soo taago Musuq-maasuq iyo wax is-daba-marin, sidaasi awgeed waxaa leeyahay Musuq-maasuqu waa dilaaga habka dowladnimo, sidaasi awgeed waxaa loo bahan yahay in arrintaasi xoogga la saaro sidii mar uun loo ciribtir laha.

W.Q: Jeylaani Juujuule

Madaxweynaha Kongo oo magacaabay Ra’iisul Wasaare

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqaraadiga ee Kongo, Joseph Kabila, ayaa u magacaabay Bruno Tshibala inuu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub ee dawladda awood wadaagga ah.

Mr Tshibala ayaa dalka hogaamin doona ilaa iyo inta laga qabanayo doorashada madaxweynaha, dabayaaqada sannadkan.

Waxaa bishii hore laga eryey xisbiga mucaaradka ee dalka ugu weyn, UDPS, ka dib markii uu u tartamay inuu noqdo qofki beddeli lahaa hogaamiyihii ruugcadaaga ahaa, Etienne Tshisekedi, oo dhintay bishii Febraayo.

Wariyeyaashu waxay sheegayaan in magacaabista Mr Tshibala ay sii fogeynayso kala qaybsanaanta mucaaradka Mr Kabila, ka dib markii uu burburay wadaxaajood ku saabsanaa sidii uu awoodda u wareejin lahaa todobaadkii hore.

Jubbaland oo sheegtay inay hoos u dhacday Awoodii Shabaab

0

Taliska Ciidanka Nabad Sugidda Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in maleeshiyaadka Al-Shabaab iminka aysan lahayn awood badan.

Taliska ayaa sidoo kale sheegay in Al-Shabaab aysan awoodin in Weerar toos ah iyo dagaal ay ku soo qaadaan Xarumaha maamulka Jubbaland.

Taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda Maamulka Jubbaland Khaalid Sheekh C/llaahi ayaa xusay in Al-Shabaabkii qaraxyada ka geysan jiray Magaalada Kismaayo hada aysan awood u lahayn in ay arrintaasi sameeyaan.

Waxa uu sheegay in Sarakiisha maleeshiyaadkaasi  ay adeegsadaan dhalinyarada oo qaarkood uu sheegay in ay hada ku jiraan Xabsiyada Jubbaland.

Waxa uu sheegay in Taliska Nabad Sugidda Jubbaland ay ka go’an tahay sidii loo sugi lahaa amaanka guud ee degaanada Jubbaland.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda Maamulka Jubbaland Khaalid Sheekh C/llaahi ayaa Shacabka Jubbaland ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidamada amaanka si loo xaqiijiyo amaanka guud ee degaanada Jubaland.

Tirada dadka uu soo ridanayo Cudurka Shuban biyoodka oo korortay

0

Magaalada Dooloow ee Gobolka Gedo ayaa waxa ku soo badanaya dadka uu soo ridanayo Cudurka Shuba biyoodka.

Dad fara badan ayaa haatan isbitaalada Magaalada Doolow la jiifo Cudurka Shuban biyood kuwa kalena wey u geeriyoodeen sida ay sheegeen dhaqaatiirta Magaaladaasi.

Dhaqaatiirta ayaa sidoo kale sheegtay kiiska cudurka shuban biyood uu si weyn u saameeyay dadka waa weyn, Haweenka iyo Caruurta isla markaana uu dhibaato ku haya shacabka Magaalada Doolow.

Dr Bishaar Xasan oo ka mid ah dhaqaatiirta Magaalada Doolow ayaa sheegay in hada dad kor u dhaafaya boqol ay la jiifaan cudurka Shuban biyoodka.

Waxa uu sheegay in qaarkood dadkaasi ay geeriyoodaan, waxa uuna Hay’addaha Caafimaadka iyo Maamulka Jubbaland ugu baaqay in ay gurmad Caafimaad la soo gaaraan dadkaasi.

Waxgaradka Degmada Balcad oo dalbaday in la joojiyo dagaal beeleedyo kajira halkaasi

0

Odoyaasha dhaqanka Degmada Balcad ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleed ka dhacay deegaanno ka tirsan degmada, waxaana ay tilmaameen inay dhankooda ku dadaaleen sidii xabad joojin loo dhex dhigi laaha dhinacyadii ku dagaalamay tuulooyin hoostaga degmada.

Ugaas Maxamed-wali Ugaas Xuseen oo ka mid ah odoyaasha dhaqanka degmada ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay inay ku guuleysteen sidii xabad joojin loo dhex dhigi lahaa, waxaana uu intaa ku daray inay jiraan deegaanno fog fog oo colaaddu ay gaartay.

Ugaas Maxamed-wali Ugaas Xuseen ayaa ugu baaqay maamulka Hirshabeelle iyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay jawaab deg deg ah ka bixiyaan colaadda ka jirta tuulooyin hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Dhanka kale Ugaaska oo ka hadlayay abaarta ayaa tilmaamay inay biyo dhaamin ka sameeyeen tuulooyin, balse aysan ahayn kuwa dabooli kara baahida halkaasi ka jirta, waxaana uu codsaday in gurmad dhan waliba ah lala soo gaaro qoysaska ay abaartu ku saameysay deegaanno ka tirsan degmada.

Wasirka Amniga Qaranka Oo Shaqada Ka Hakiyey Taliyaha Saldhigga Xamarweyne

0

Muqdisho, (SONNA):-Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo muddooyinkan kormeerayey howlaha Saldhigyada Booliska ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan xilliyada habeenkii ayaa xalay wuxuu kormeer ku tegay dhowr Saldhig halkaasoo uu ku soo arkay Ciidan iyo Sarakiil heegan u ah gudashada Waajibkooda Qaran iyo qaar yar oo dayacaad howl gudasho la’aan ah ay ka muuqatay.

Taliyaha Saldhigga degmada C/casiis Dhamme Axmed Cabdullaahi Baashane  ayaa si weyn loogu ammaanay howshiisa kaasoo uu Wasiirku sheegay inuu si fiican uga soo dhalaalay, halka Taliyaha Saldhigga Xamar-weyne G/dhexe Cabdulqaadir Axmed Shire oo lagu helay howl-gudasho la’aan uu Wasiirka shaqada ka fadhiisayay, waxaana si ku meel gaar ah loogu dhiibay G/le Siidow Macallin Isaaq.

Wasiirka Amniga Qaranka ayaa sheegay in uu billowday isla xisaabtan dhab ah hay’adaha ammaankuna ay diyaar u yihiin Sugidda nabad galayada guud ee dalka taas oo ah shaqada qaranku u idmaday.

Wasiirka amniga oo saldhigo Boliisku leeyihiin komeerray

0

Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo muddooyinkan kormeerayey howlaha Saldhigyada Booliska ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan xilliyada habeenkii ayaa xalay wuxuu kormeer ku tegay dhowr Saldhig halkaasoo uu ku soo arkay Ciidan iyo Sarakiil heegan u ah gudashada Waajibkooda Qaran iyo qaar yar oo dayacaad howl gudasho la’aan ah ay ka muuqatay.

Taliyaha Saldhigga degmada C/casiis Dhamme Axmed Cabdullaahi Baashane  ayaa si weyn loogu ammaanay howshiisa kaasoo uu Wasiirku sheegay inuu si fiican uga soo dhalaalay, halka Taliyaha Saldhigga Xamar-weyne G/dhexe Cabdulqaadir Axmed Shire oo lagu helay howl-gudasho la’aan uu Wasiirka shaqada ka fadhiisayay waxaana si ku meel gaar ah loogu dhiibay G/le Siidow Macallin Isaaq.

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo kormeeray xero ay ku jiraan ciidanka XDS ee ku sugan Beledweyne

0

Mudane Cali Cabdulaahi Xuseen  Guudlaawe Madaxweyne ku-xigenka Maamulka HirShabeele  oo ku sugan magalada Beledweyne ayaa maanta booqday taliska guutada 10aad  ee Lamagalaay.

Madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle oo ay wehliyaan  xubno ka mid ah golaha Wasiirada maamulka HirShabeele ayaa waxa ay kormeereen qeybaha ay ka koobantahay xerada ciidanka, waxaana uu ku warejiyay Labo neef oo geel ah.

Taliyaha guutada 10 aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal  Tawane Axmed Gurey ayaa uga mahad celiyay booqashada Madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle uu ku tegay xerada Lamagalaay ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan  ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida ay ku shaqeyaan  marxalad adag, loona baahanyahay  in lagarab istaago .

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboledka HirShabeele Mudane Cali Cabdulaahi Xuseen  Guudlaawe ayaa shegay in ay ka warqabaan marxaladaha ay ciidanka ku shaqeeyaan, waxaana uu balan qaaday in ciidanka  si dhow looga warqabi doono.

Dhinaca kale Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeele  ayaa kulamo  la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada,  waxaana  kulamadan looga hadlay sidii looga wada shaqeyn lahaa horumarka iyo amniga deegaannada maamulka Hirshabeelle.

Guddoomiyaha Degmada Beledweyn Maxamed Axmed Food Cade ayaa  Madaxweyne ku-xigenka HirShabeelle uga warbixiyay xaaladda amni iyo tan bulsho ee ka jirta degmada.

Madaxweyne kuxigeenka hirshabeele  cali cabdulahi xuseen  ayaa sheegay in mas’uuliyinta maamulka ay diyaar u yihiin in ay xaliyaan wax kasto oo caqabad ku noqon kara habsaami u socodka howlaah maamulka HirShabeele

Cabdishakuur Cismaan Cali.

Maamulka Degmada Hiliwaa oo deeq raashin ah u qeybiyay qoysas ku nool Ceel-Carfiid

0

Maamulka Degmada Hiliwaa oo kaa shanaya Guddiga Abaaraha Gobolka Banaadir ayaa waxa ay deeq raashin ah u qeybiyeen Qoysas barakacayaal ah oo ku sugan Waaxda Ceel Carfiid ee degmada Hiliwaa, kuwaasi oo ay saameysay abaarta ka jirta dalka.

Qoysaska maanta raashiinka loo qeybiyay ayaa waxa ay tiradoodu gaareysaa ku dhawaad 200 (Labo boqol) oo qoys, waxaana loo qeybiyay deeq isugu jirta bariis, saliid, timir iyo raashin bisil.

Guddoomiyaha Degmada Hiliwaa Mudane Cabdixakiin Cumar Cabdulle oo goobta raashinka lagu qeybinayay ka hadlay ayaa waxa uu Maamulka Gobolka Banaadir uga mahadceliyay jawaabta deg dega ah ee ay ka bixiyeen xaalada nololeed ee heysato dadka barakacayaasha ee ku sugan degmada Hiliwaa, waxa uuna ugu baaqay in ay laba laabaan dadaallada ay ku samata bixinayaan dadka tabaaleysan ee ku sugan degmada, si loola tacaalo xaaladooda nololeed.

Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in maamulkiisa uu xoogga saari doono ka warqabka dadka tabaaleysan ee gudaha degmada ku nool.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane ayaa tilmaamay in kaalmadan ay joogteyn doonaan.