Madaxweyne Farmaajo “Waxaan ku ballanay inaan dib u dhisanno Jaamacadda Umadda”

Date:

Muqdisho, 23ka Luuliyo, 2017- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta furay Shirka Guddiga Sare ee Jaamacadda Umadda oo ka dhacay Xarunta Gaheyr, isaga oo sidoo kale kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee xarunta.

Shirkan oo ay ka qeybgaleen xubnaha Guddiga Sare oo uu guddoomiye sharafeed u yahay Madaxweynaha, ayna xubno ka yihiin Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jaamacadda ayaa lagu go’aamiyay in sanadkan waxbarasho bilaash ah loo fidiyo arday kor u dhaafeysa kun oo ka kala imaan doona dhammaan gobollada dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in xarunta jaamacadda dib loogu soo celiyo gacanta dowladda keddib 10 sano oo ay xero ciidan ahayd.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan aamisanahay in ay tahay horumar in ay nagu soo wareegtay dhismihii jamaacadda oo aan ku dhiirrigelinno ciidamada Brundi in ay ka guuraan maadaama ay meeshan tahay goob waxbarasho, annagana aan isku tashanno oo aan halkan uga shaqeyno mustaqbalka carruurteenna. Waxaan ku ballanay inaan dib u dhisanno Jaamacaddeena.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladdu ay korhdineyso miisaaniyadda Jaamacadda si dhallinyarada Soomaaliyeed ay u helaan adeeg waxbarasho oo hufan.

Waxa uu intaas raaciyay in shacabka Soomaaliyeed looga baahanyahay in ay isku tashadaan oo ay maalgelin ku sameeyaan tacliinta si loo helo jiil ka caafimaad qaba qabyaaladda iyo xagjirnimada.

Jaamacadda oo dib loo hawlgaliyay sanadkii 2013 waxay haatan ka kooban tahay 10 kulliyadood iyada oo waxbarasho bilaash ah u fidisa arday kor u dhaafeysa 1,500 oo ka kala yimid dhammaan gobollada dalka.

Jaamacadda Umadda ayaa waxa ay soo saartay aqoonyahanno iyo xirfadleyaal Soomaaliyeed oo ay kamid yihiin Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Guddiga Qabanqaabada Caleema-saarka

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),...

Madaxweynaha JFS: “DFS waxay qaadi doontaa guluf dagaal oo kama dambeys ah oo dalka looga saarayo Khawaarijta.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Hambalyo Maalinta Xorriyadda Dowladda Mareykanka

Munaasabadda sanad-guurada 250-aad ee Xorriyadda Mareykanka awgeed, Wasaaradda Arrimaha...

Munaasabad lagu taageerayay garsoore Cumar Cartan oo lagu qabtay Nairobi

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo...