Culimada Soomaaliyeed oo cambaareeyey dhibaatada Israel ay ku hayso Falastiin

Date:

Kulankan  oo ay isugu yimaadeen  Culimada Soomaaliyeed  ayaa lagu qabtay magaalada  Muqdisho,waxaana lagu Cambaareeyay  dhibaatooyinka   iyo gabood falada kale oo Israel ay ku hayso shacabka reer Falastiin, ayadoo sidoo kale, lagu xadgudbay masjidka barakaysan ee Al- Aqsa laguna dhibaateeyo shacabka aan waxba galabsan ee Falastiin.

Waxaa culimada diiradda ku saareen dowrka kaga aadan  qeyla dhaanta laga muujinayo xad gudubyada ciidamada Yuhuudda ay ku hayaan shacabka reer Falastiin.

Qaar ka mid ah  culimadii ka hadashay  kulanka  ayaa si wadajir ah  u cambaareeyay dhibaatooyinkaasi ayagoo ku baaqay in Israel ay joojiso gabood falkaasi.

Guddoomiyaha  ha’yadda culimada Soomaaliyeed  Sheekh Bashiir Axmed Salaad  ayaa  akhriyay bayaanka ay ka soo saareen  hay’adda culimada Soomaaliyeed  dhibaatooyinka Yahuudda ay ku hayaan  muslimiinta reer Falastiin  iyo masjidka  barakeysan ee Al-Aqso, Waxay culimaddan ugu baaqeen maamulka Israel in uu joojiyo xad gudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha oo ay sameynayaan ciidamadooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...