Duuliye Sare Asli Xasan Cabaade oo qurba jooga ugu baqaday in dalkooda ay maalgashadaan.

Date:

Asli Xasan Cabaadi waa haweeneydii ugu horeysay ee Soomaaliyeed oo duuliye diyaaradeed notoqa oo dhawaan dalka dib ugu soo laabatay ayaa bilowday sidii ay uga qeyb qaadn lahayd in bulshada Soomaaliyeed lagu wacyigelin ahmiyadda ay leedahay in laga qeyb qaato dib u soo celinta sharaftii dalka uu lahaa.

Waxay haatan ku sugantahay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose, mar ay ka hadlaysaykaalinta qurba joogta Soomaaliyeed ay ka qaadan karaan dib u dhiska dalkooda ayaa waxay ku boorisay in dalkooda hooyo ay maalgashadaan si dib uu ugu soo kabto dalka.

“Waxaan ugu baaqaya dadka Soomaaliyeed ee kunool qurbaha in dalkooda ay dib u dhistaan, dalku maalgashi ku sameysta, si loo soo celiyo sumcadii uu lahaa,dowr ayay ka qaadan karaan qurba joogat horumarka dalkooda”, Ayay tiri Asli.

Asli ayaa waxay kulamo la qaadatay madaxweynaha Jubbaland iyo mas’uuliyuiin kale ayadoo inta badan ka sheekeysay qibradeeda muwaadin nimo, waxayna bulshadu ay u sheegtey in looga baahanyahay in qofkasta uu u istaago sidii dalkiisa uu dib u dhiskiisa uga qeyb qaadan lahaa.

Tan iyo markii ay dib ugu soo laabatay dalkeedi hooyo Duuliye sare  Asli Xasan Cabaade waxaa ay ka qeyb qaadanaysay sidii loo caawin lahaa dadka danyerta ah gaar ahaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo kuwo aan awoodin in noloshooda ay deberaan, ayadoo deeqo lacageed gaarsiinaysay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...