Golaha Wasiirada cusub ee Puntland oo la dhaariyay

Date:

Waxaa gelinkii dambe ee maanta lagu dhaariyey Qasriga Madaxtooyada Garoowe 38 Wasiir, Wasiirru Dawlayaal iyo Wasiir Ku-xigeenno oo ka mid ah golihii Wasiirada Puntland ee uu magacaabay  Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Munaasibadda Dhaarta ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey, Guddoomiyaha Maxkamadda ee Puntland iyo saaraakiil ka tirsan kale.

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhaarta kaddib la dardaarmay dhammaan Wasiirada Cusub, waxaana uu kula dardaarmay in ay garawsadaan in xilalka loo igmaday yiihin kuwo u jeedkoodu yahay inay ugu adeegaan shacabka, isla markaana ay ka dhabeeyaan hiigsiga iyo himilada Puntland geediga ku tahay inay gaarto, isla mar’ahaantaana ay ugu adeegaan Diintooda, Dalkooda iyo Dadkoodaba.

Sidoo kale Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku booriyey Golaha Wasiirada Cusub ee la dhaariyey inay ka fogaadaan wax kasta oo shaqadooda xumaynaya, isla markaana ku dedaalaan sidii ay uga gun-gaari lahaayeen dardargelinta iyo dhamaystirka hawlaha shaqo ee horyaala, masuul kasta oo kamid ah Wasiiradaasi, waxaana uu xasuusiyey golaha in Puntland ku dhisan tahay u adeegidda shacabkeeda, sidaasi daraadeedna loo baahan yahay in fiira gaar ah loo yeesho rabitaan shacabka ee jecel horumarka iyo dawladdoodaba.

Ugu Danbayntii, Madaxweynaha Puntland ayaa golaha xasuusiyey in  Puntland maanta uu ka socdo horumar xilaadle, kaasi oo salka ku haya horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, waxaana uu hoosta ka xariiqay in uu  ku hirgalay horumarkaasi  halku dhigii ‘’Puntland Ha Isku Tashato’’ taasi oo u jeedkeedu ahaa in shacabka iyo Maamulka Puntlandba iska kaashadaan wax kasta oo horumarin ah, caqabad ah, cadaw ah, xasiloonida iyo sugitaanka Amniga deegaannada Puntland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...