Golaha Wasiirada cusub ee Puntland oo la dhaariyay

Date:

Waxaa gelinkii dambe ee maanta lagu dhaariyey Qasriga Madaxtooyada Garoowe 38 Wasiir, Wasiirru Dawlayaal iyo Wasiir Ku-xigeenno oo ka mid ah golihii Wasiirada Puntland ee uu magacaabay  Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Munaasibadda Dhaarta ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey, Guddoomiyaha Maxkamadda ee Puntland iyo saaraakiil ka tirsan kale.

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhaarta kaddib la dardaarmay dhammaan Wasiirada Cusub, waxaana uu kula dardaarmay in ay garawsadaan in xilalka loo igmaday yiihin kuwo u jeedkoodu yahay inay ugu adeegaan shacabka, isla markaana ay ka dhabeeyaan hiigsiga iyo himilada Puntland geediga ku tahay inay gaarto, isla mar’ahaantaana ay ugu adeegaan Diintooda, Dalkooda iyo Dadkoodaba.

Sidoo kale Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku booriyey Golaha Wasiirada Cusub ee la dhaariyey inay ka fogaadaan wax kasta oo shaqadooda xumaynaya, isla markaana ku dedaalaan sidii ay uga gun-gaari lahaayeen dardargelinta iyo dhamaystirka hawlaha shaqo ee horyaala, masuul kasta oo kamid ah Wasiiradaasi, waxaana uu xasuusiyey golaha in Puntland ku dhisan tahay u adeegidda shacabkeeda, sidaasi daraadeedna loo baahan yahay in fiira gaar ah loo yeesho rabitaan shacabka ee jecel horumarka iyo dawladdoodaba.

Ugu Danbayntii, Madaxweynaha Puntland ayaa golaha xasuusiyey in  Puntland maanta uu ka socdo horumar xilaadle, kaasi oo salka ku haya horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, waxaana uu hoosta ka xariiqay in uu  ku hirgalay horumarkaasi  halku dhigii ‘’Puntland Ha Isku Tashato’’ taasi oo u jeedkeedu ahaa in shacabka iyo Maamulka Puntlandba iska kaashadaan wax kasta oo horumarin ah, caqabad ah, cadaw ah, xasiloonida iyo sugitaanka Amniga deegaannada Puntland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...